Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

RADIO ERGO OO TABABAR U SOO XIRAY QAAR KA MID AH IDAACADAHA KA HOWLGALA SOOMAALIYA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 6, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
RADIO ERGO OO TABABAR U SOO XIRAY QAAR KA MID AH IDAACADAHA KA HOWLGALA SOOMAALIYA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankTababarkani lagu soo gabagabeeyey magaalada Boosaaso oo soconayey muddo saddex casho ah, ayaa waxaa loo qabtay 20 suxufi oo ka kala socday 10 idaacadood oo ka howlgala gobollada Dalka Soomaaliya, wuxuuna ku saabsanaa tababarkan barashada tabinta wararka bini`aadannimada iyo xallinta khilaafaadka, waxaana soo qaban qaabiyey raadiyaha Ergo ee wararka arrimaha bani`aadannimada Soomaalia.

Casharradii lagu baranayey tababarkan, ayaa waxaa bixinayay macallimiin ka kala timid dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaa sidoo kale  casharro ku saabsan arrimaha bani`aadannimada ka bixiyey khubarro ka kala socday ha`yadaha QM,  sida  UNICEF iyo UNOCHA.

Munaasabadda xiritaanka tababarkan wariyayaasha ka kala socday gobollada Puntland, Bartamaha, iyo Koonfurta Soomaaliya ee lagu barayey tabinta wararka bani`aadannimada iyo xallinta khilaafaadka, ayaa waxaa ka hadley mas`uuliyiin ka socotey Dawladda Puntland, maamulka Ergo macallimiinta bixineysay tababarka iyo marti sharaf kale.

Waxaa ugu horreyn ka hadley xiritaanka tababarkan loo qabtey wariyayaasha Cabdulqaadir Maxamed Mursal, oo ah tifaftiraha guud ee Raadiyaha Ergo waxaana uu yiri: “waxay inoo tahay farxad aad u weyn in aan soo gabagabeyno tababarkan muddada 3-da cisha inoo socdey, tababarkan waxaa soo qabanqaabiyey raadiyaha Ergo, waxaana fulintiisa gacan naga siisay hay`adda CORD oo aan ku qabannay xarunteeda iyo maamulka Puntland waan uga mahad celinayaa, maxaa yeeley haddii aysan iyaga ahayn nooma qabsoomi laheyn tababarkan, sidoo kale waxaan umahadcelinayaa Wariyayaashii sida wanaagsan uga faa`iideystay casharrada lagu bixinayey tababarkan inta uu socdey.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo is gaarsiinta Dawladda Puntland Maxamuud Fuumbe, oo isna ka hadlay gabagabadii tababarkan ayaa sheegay in Wariyayaashu uu ahmiyad weyn u lahaa tababarkan, taasoo ay ugu horreyso is dhex-gal iyo isbarashada wariyaasha ka kala yimid gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

“Siminaarrada noocaan oo kale ah, ee la isaga yimaado gobollo fog fog waxaa lagu kala helaa macluumaad farabadan, ka sokow cilmiga laga  faa`ideysanayo, sababtoo ah ninka ka yimid Dhuusamareeb, Xamar ama Gaalkacyo iyo ninka Boosaso jooga wey isbaranayaan waayo aragnimada ayey ka mid tahay, waxaan umaleynayaa intiinna halkan isugu timid hawada in aad iska maqasheen mooyee waligeen inaadan is arag, waxaan rajeynayaa in aad bulshadiinna uga faa`iideyn doontaan wixii la idin barey.”

Cabdullaahi Maxamed Xasan (Black) oo ka mid ahaa macallimiintii wax ka bixineysay tababarkan, ayaa kula dardaarmey suxufiyiinta in aysan dayicin waxyaabihii lagu barey tababarka oo ay ka mid ahaayeen wararka bini`aadannimada iyo xallinta khilaafaadka.

“Waxaan rajeynayaa duruustii aanu qaadanney, in aan dabaqno oo aan is weydiinno war maalin kasta waan is dilnaaye maxaa inoo xal ah? oo ay wariyayaashu noqdaan nabad-doonno ka qeyb qaata xallinta khilaafaadka, waa in aan maqalnaa idaacad hebel waxay ku guuleysatey xallinta mashaqo taagneyd oo sababi laheyd dhimasho iyo dhaawac laba reer ama labo qof ama qoomiyado tan aan dooneyno waa taas.”

Tababarkan loo soo xirey wariyayayaasha ka kala yimid gobollada dalka qaarkood, ayaa inta uu socdey waxay sameeyeen doodo ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo qaabka ay warbaahintu uga qeyb qaadan karto nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.

Is ku soo wada duuboo wariyayaashii loo soo gabagabeeyey tababarkan, ayaa codsadey in la joogteeyo tababarrada noocan oo kale ah ee loo qabanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, mana ahan markii ugu horreysay oo uu raadiyaha Ergo u qabto tababarro Wariyaasha Soomaaliyeed. bishii October ee sanadkan 2011-ka ayey ahayd markii tababar ku saabsan tabinta wararka bini`aadannimada uu ugu qabtey magaalada Hargeysa 30 suxufi oo ka kala yimid gobollada dalka.

Axmed Soomaali/MG/FM

Previous Post

Xarun lagu daryeelo carruurta naafada ah oo laga furay magaalada Ceerigaabo

Next Post

Naafada Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhibaatooyinka haysta

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Naafada Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhibaatooyinka haysta

Naafada Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhibaatooyinka haysta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo