Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Naafada Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhibaatooyinka haysta

admin by admin
December 6, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Naafada Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhibaatooyinka haysta

Sawirrada keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKulan ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG ah ee Soomaliya, ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday dowladda iyo qeybaha kala duwan ee dadka naafada ah, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay dhibaatooyinka haysta xilligaan dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Maxamed Cusmaan Cumar, oo ku hadlayay magaca naafada qaranka Soomaaliyeed ayaa kulanka ka sheegay in dadka naafada ah ay xilligaani haystaan dhibaatooyin kala duwan, waxaana uu codsaday in dowladdu ay ansixiso isla mar ahaantaana aqoonsato ururka naafada qaranka Soomaaliyeed, si uu ula tartamo ururrada naafada ee ka dhisan caalamka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Maxamed Tarsan, oo isna hadallo ka jeediyay goobta ayaa ku dheeraaday caqabadaha iyo dhibaatoyinka ku hor gudban dadka naafada ah ee Soomaaliyeed, wuxuu sheegay in dadka naafada ah aysan ka liidan kuwa kale ee caadiga ah.

“Waa in la joojiyaa naaneysyada iyo magacyada aan munaasibka ahayn ee loogu yeero dadka naafada ah, taasoo wax yeeli karta noloshooda, waa in loogu yeeraa magacyadooda caadiga ah, teeda kale waaa in naafada aan loogu yeerin magaca curyaan ee loogu yeeraa naafo.” sidaana waxaa kulanka ka sheegay guddoomiye Tarsan ,isagoona dhinaca kale qiray in dadka naafada ah aanay helin xuquuqdii ay xaqa u lahaayeen,waxaana uu soo jeeediyay in naafada loo abuuro xirfado kala duwan oo ay ku shaqaystaan, ‘dadka naafada ah waxay ka shaqeyn jireen warshaddii kabaha ,xafiisyadii dawladdii kacaanka , tolidda dharka ay ku labisan jireen ciidankii qalabka siday ee soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye Tarsan oo toosh ku ifinayay doorka muuqda ee ay dadka naafada ahi ka qaadan karaan kobcinta dhaqaalaha dalka .

Guddoomiye Tarsan, ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in lacagaha Soomaaliyeed ee yaalla Nairobi la keeno dalka, naafadana looga faa`iideeyo, isagoo ugu dambeyn beesha caalamka ugu baaqay inay gacan siiyaan dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Gabagabdii kulankaasi, waxaa isna khudbad ka jeediyay ku simaha ra`iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ahna wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, isagoo sheegay in dawladdu ay ballan qaadayso in dadka naafada ah ay helaan xuquuqdooda. “waxaad tihiin xoog aan la xaqiri Karin , waxaana idiin sheegayaa in dhammaan dadka naafada ah ay yeeshaan xiriir gobol kasta oo Soomaaliyeed ha joogeene.” ayuu yiri wasiirka. Wuxuu intaa ku daray in dawladdoodu ay ballan qaadayso in naafada ay ka caawiyaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo hoyga.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in dadka naafada ah ay soo gaarsiin doonaan, gurmad ay kala kaashanayaan hay`adda musiibooyinka qaranka.

Si kastaba ha ahaatee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa ku sugan dad naafa ah oo isugu jira kuwa dabiici ah iyo kuwa kale oo ku naafoobay dagaalladii kala duwanaa ee soo maray dalka, kuwaasoo ay gudaha magaalada ku haystaan dhibaatooyin bani`aadannimo.

Yuusuf Keynaan/MG/FM

Previous Post

RADIO ERGO OO TABABAR U SOO XIRAY QAAR KA MID AH IDAACADAHA KA HOWLGALA SOOMAALIYA

Next Post

Qoysas barakacayaal ah oo dib ugu soo laabtay Bakool

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Qoysas barakacayaal ah oo dib ugu soo laabtay Bakool

Qoysas barakacayaal ah oo dib ugu soo laabtay Bakool

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo