Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakacayaal ah oo dib ugu soo laabtay Bakool

admin by admin
December 6, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qoysas barakacayaal ah oo dib ugu soo laabtay Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKu dhowaad 60-qoys oo ka mid ahaa barakacayaal ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay gobollada Bay iyo Bakool, ayaa dib ugu soo laabtay degmada Waajid kuwaasi oo markii hore u barakacay degmada Doolow iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Gedo.

Soo laabashada qoysaskan ayaa imaanaysa xilli deegaannada ku teedsan gobollada ay ka curteen roobab ay ku diirsadeen dadka deegaanka, waxaana xubno ka tirsan qoysaska ay shegeen in ay qorsheynayaan ka faa`ideysiga roobabka iyo tacbashada beerahooda.

Haween iyo carruur ay ka muuqato saameyntii ay ku yeesheen abaaraha ku dhuftay koonfurta oo horseeday geerida kumannaan dad ah, ayaa ka mid ah barakacayaasha dib ugu soo laabtay degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Sida ay sheegeen qoysaskani waxaa jira dhibaatooyin soo wajahay noloshood,a muddadii ay ku jireen kaam ku yaalla degmada Dolow halkaasi oo ay ku sugan yihiin barakacayaal ay taakuleeyaan hay`adaha samafalka.

Maamulka degmada Waajid ayaa dhinacooda faafaahin ka bixiyay qoysaska soo gaaray iyo tallaabooyinkii ay qaadeen, waxaana guddoomiyaha degmada Waajid uu sheegay inay diyaariyeen qorshayaal lagu taakuleynayo barakacayaasha oo uu xusay in dhibaatooyin ay kala soo kulmeen goobihii ay ka yimaadeen.

Waa markii ugu horreysay qoysas ay saameeyeen abaaraha isla mrkaasina u barakacay deegaanno kale ay dib ugu soo laabtaan gobolka, iyadoo aanu jirin maamullo ku qasbay inay ku laabtaan goobihii ay ka yimaadeen, waxaana intabadan qoysaskani ay rajo kamuujiyeen tacbashada beerahooda iyo sida ay ugu hamuun qabaan ka faa`ideysiga roobabka da’aya.

Dad fara badan oo ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay Soomaaliya, ayaa hadda u baahan in lagu taageero wax soosaarka beerahooda si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii galaaftay noloshooda, hasee yeeshee waxaa aad u liita wacyi gelinta ka dhex jirta bulshada iyo iyadoo aanu jirin hay’ado ka taageera qalabka iyo dalagga la beerto.

Xaaladahan waxay keeni karaan inay adkaato in lagu guuleysto waxsoosaarkii la filiyay, xilli sanadeedkan maaddaama beeralleydu ay yihiin kuwo u baahan inay helaan qalab ay u kaalmeystaan shaqada iyo tilmaamo la xiriira sida lagu gaari karo wax soosaar tayo leh

Cabdicasiis Koronto/MG/FM

Previous Post

Naafada Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhibaatooyinka haysta

Next Post

XAALADO ADAG OO DHINACA NOLOSHA AH OO KA TAAGAN DEGMADA WAJEER

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
XAALADO ADAG OO DHINACA NOLOSHA AH OO KA TAAGAN DEGMADA WAJEER

XAALADO ADAG OO DHINACA NOLOSHA AH OO KA TAAGAN DEGMADA WAJEER

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-SEP-2026

IDAACADDA 19-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo