Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

QIIMA DHAC KU YIMID SICIRKA RAASHIINKA SUUQYADA MAGAALOOYIN KU YAALLA SOOHDIMAHA SOOMAALIYA, KENYA IYO ITOOBIYA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 20, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
QIIMA DHAC KU YIMID SICIRKA RAASHIINKA SUUQYADA MAGAALOOYIN KU YAALLA SOOHDIMAHA SOOMAALIYA, KENYA IYO ITOOBIYA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQiimaha raashinka ayaa hoos u soo dhacay tanoo keentay in culays weyni ka dego bulshooyinka ku nool magaalooyin badan oo ku yaalla gobollada xuduudaha wadaaga ee ka kala tirsan Soomaaliya, Itoobiya, iyo Kenya ayaa ka dagay.

Qiima dhacaan raashinka ayaa yimid ka gadaal markii boqollaal gaadiid oo u badan kuwa xamuulka qaada oo ganacsato Soomaaliyeed u rarnaa ay soo galeen magaalooyin ay ka mid yihiin Beled-Xaawo, Doolow, Luuq, Ceel-Waaq iyo sidoo kale magaalooyinka qaar ee ay xuduudaha wadaagaan ee ka tirsan Kenya iyo Itoobiya, sida Mandheera, Raamoo, Ceel-Waaq oo ka tirsan gobolka Waqooyi Barri Kenya iyo Doolow Cadoo, Waladayo iyo deegaanno kale oo iyana ku yaalla dhan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Arrintani waxay keentay in si weyn oo laga dareemay gobollada ay hoos uga dhaceen qiimihii la iibinayay waayadan nuucyada kala duwan ee badeecooyinka halkaas looga ganacsado, kuwaasoo inta badan shey kasta intii la iibin jiray kala bar hoos uga dhacay.  waxaana taasi soo dhaweeyay oo u riyaaqsan dadkii u dhibbanaa muddo 3 bil ka badan sarakacii ku yimid badeecooyin ay ugu darnaayeen kuwa daruuriga ah.

Marka aad gudaha usoo gasho suuqyada magaalooyinka qaar ee gobollada Gedo-Somalia iyo Waqooyi Barri Kenya,  ayaa laga dheehanayaa isbeddelka jira, maxaa yeelay waxaa camirmay baqaarradii raashiinka iyo kuwii bagaashka oo in muddo ahba faaruq taagayay, kuwaasoo milkiilayaashoodii oo aynu qaarkood la hadalnay ay Raadiyaha Ergo u sheegeen inay rajeynayaan iney xaaladdoodii ganacsiga ay hadda caadi ku soo noqotay.

Mid ka mid ah ganacsatada reer Mandheera ee arrintani ku arwaaxsan ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ay soo gaareen oo ay soo galeen in ka badan boqol gawaarida xamuulka qaada ah oo gabigoodba wada badeecooyin ganacsi oo u badan raashiin ceyriin ah, waxaana sida uu tilmaamay ay arrintani ka dambeeysay markii ay waddadii macmilka ahayd ee ay baabuurtu ku xayirneed muddo dhan ama ka badan labo bil ay hadda sahlanaatay mariddeeda, oo waxa uu sheegay iney yara kafaftay oo ay qallashay dhiiqadiina ay ka sii yaraaneyso.

“Al-Xamdulillaah, badeeco badan ayaa soo gashay magaalada, waddooyinkii waa furmeen, wax walbo waa raqiiseen ayaa lagu tilmaami karaa maanta, dhulku inta badan waa uu qallalan yahay hadde awalna waddadu si rasmi ah uma furneen, laakiin meelihii la soo mari waayay ayay dhiiqadii ka yaraatay, marka gawaari fara badan oo illaa iyo boqol iyo xoogaa gaaraya oo waddada ku xayirnaa ayaa magaalada soo galay, wax kastana kala bar ayay hoos u dhaceen” ayuu yiri ganacsadahaas.

Magaalooyinka  Mandheera iyo Beled Xaawo oo kale iyo kuwo u dhow dhow ee ka kala tirsan Waqooyi bari Kenya iyo Gedo Soomaaliya, waxaa u sii dheer arrinkan in qiimihii lagu sarrifayay doollarka Mareeykanka marka loo baddalayo Shilinka Kenya uu aad hoos ugu dhacay oo waxaa boqolka Doollar oo dhowaanahaan lagu qabanayay illaa iyo inta u dhaxeysa 9000 ilaa iyo 10,000 oo Shilika Kenya ah, hadda lagu gataa 8000 oo ay mararka qaarna raacdo labo ama seddex boqol oo shilin.

Hase ahaatee ganacsatada qaar arrintan maba aaney saameeyn ganacsigoodii, sida kuwa iibiya in badan oo ka mid ah walxaha aan daruuriga ahayn ee ay laakiin haddana siyaabo kale oo badan uga maarmi karin bulshada.

Cabdullaahi Ibraahim Xasan, waxa uu iibiyaa alaabo bagaash ah oo u badan maacuun iyo waxyaabo kale oo la xiriira qalabka guryaha la dhigto, wuxuuna Raadiyaha Ergo uu sheegay in marka la eego qiimaha ay ugu fadhiyaan alaabta u taalla dukaanka aaney u ahayn wax macquul ah iney hoos u dhigis ku sameeyaan inta ay wax gadaan, wuxuuse tilmaamay iney aad ugu faraxsan yihiin inuu dukaankoodii maanta u camiran yahay oo aanu marneen sida uu ahaa toddobaad ka hor.

“Hadda alaabaha qaar wey inoo soo gudbeen, laakiin qarash badan oo qaali ah ayay inoogu yimaadeen oo sidii hore oo aan tafaariiqda gadeynay ayaan hadda jumlada gadeynaa, laakiin haddana waa nimco Ilaahey alaabta noosoo gashay oo waan ku faraxsannahay” ayuu usheegay Cabdullaahi Ibraahim.

Si kastaba “Isbeddelka ganacsi” ee ku dhacay badeecada lagu iibiyo magaalooyinka qaar ee gobollada xuduud wadaagga ah ee ku yaalla Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid ay aad ugu qancsan yihiin  bulshada ay saameysay sarakaca saarnaa waxyaabo ay ugu darnaayeen maciishadda quutul daruuriga ah ee hadda rakhiisay, waxaana hadda noloshoodii ay si tartiib-tartiib ah caadi ugu soo noqoneysaa kumannaan qoys oo ay dhibaatadii taagneed ay si weyn u saameysay noloshoodii hore.

Wararka aynu ka heleyno dadka qaar ee ku nool gobollda Bay, Bakool iyo Gedo ayaa sidoo kale sheegaya iney waddada ku soo jiraan oo ay soo hayaan jidka gaadiid fara badan, waxaana haddii ay xaaladdu sidaan sii ahaato suurageli doonta inuu si caadi ah ku soo noqdo isu socodkii gaadiidka inta u dhaxeysa Bay illaa iyo Gedo, taasoo ku xirran inaanu di`in roob kale oo biyo fara badan dhiga marinnada la marayo.

Nuur Cali Faarax/MG/FM

Previous Post

ARDAY OLOLE NADAAFADEED KA BILAABAY LAASCAANOOD

Next Post

DAD CUDURKA DUUMADA KULA XANUUNSANAYA GOBOLKA BAY

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
MAAMULKA BAYDHABO OO KA DIGAY HALISTA QASHINKA WADDOOYINKA LA DHIGO

DAD CUDURKA DUUMADA KULA XANUUNSANAYA GOBOLKA BAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo