Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

DAD CUDURKA DUUMADA KULA XANUUNSANAYA GOBOLKA BAY

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 20, 2011
in Caafimaadka
0
MAAMULKA BAYDHABO OO KA DIGAY HALISTA QASHINKA WADDOOYINKA LA DHIGO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMaamulka cisbitaalka dhexe ee gobolka Bay ayaa sheegay inay sii kordhayaan dadka la xanuunsanaya cudurro ay ka mid yihiin duumada iyo shubanka, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay si weyn looga dareemay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee gobolka ka tirsan.

Ku dhowaad 10 qof oo isugu jira carruur, haween iyo dad waayeel ah oo ay soo riteen duumada iyo cudurka Shuban biyoodka, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay la soo gaarsiiyay cisbitaalka sida uu raadiyaha Ergo u sheegay agaasimaha cisbitaalka gobolka Dr. Cabadalle Guure.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in xanuunka duumada uu ku sii faafayo deegaannada gobolka, iyadoo aannu jirin adeegyo caafimaad oo si ballaaran loo gaarsiin karo dadka u nugul cudurrada xilli qoysaska ay ka soo kabanayaan saameyntii ay ku yeesheen abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Ku dhowaad 30 bukaan oo la xanuunsanaya cudurro ay ka mid yihiin duumada, shubanka, nafaqo darro iyo kuwo qaba dhaawacyo fudfudud ayaa ku jira cisbitaalka oo hawlwadeennada cisbitaalka ay ku dadaalayaan sidii loo daweyn lahaa.

Cudurka duumada,  ayaa si weyn looga dareemay xaafadaha magaalada wixii ka dambeeyay markii deegaannda gobolka ay ka curteen roobab mahiigaan ah oo buuxiyay balliyada iyo waraha laga dhaansado biyaha, waxaana inta badan goobahaasi ka dhasha cudurka duumada maaddaama kaneecadu ay ku badantahay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa dhowaan mamnuucday hay`ado samafalka ka shaqeeya,  waxaana qeyb ka ahaa hay`adda Copi oo gacanta ku heysay cisbitaalka goblka oo dabooli jiray  baahida Bukaanno ka kala imaanayay qaar kamid ah gobollada koonfur galbeed Soomaaliya.

Marka laga soo tago cisbitaalka waxaa jira bukaanno kale, oo la gaarsiiyo xarumo gargaar caafimaad u fidiya dadka taagta daran  oo ka imaanaya tuulooyinka.

Carruur laga dareemayo nafaqo darro ayaa u badan bukaannada la gaarsiiyo xarumahaasi, sida uu Raadiyaha Ergo u sheegay Qaasim Maxamed Cali oo ka mid ah hawlwadeennada goob lagu daweeyo carruurta oo ku taalla xaafadda Berdaale.

Wuxuu Qaasim sheegay in maalin kasta xaruntooda ay qaabisho ku dhowaad 10 qof oo u badan carruur da`dooda ay ka hooseyso 5jir isla markaasina ay daweeyeen bukaanno gaaraya 80, tan iyo horraantii bishan.

Saameynta ay  yeesheen  qaar ka mid ah cudurrada faafa ayaa si weyn looga dareemay deegaannada gobolka, wixii ka dambeeyay markii dadka ay ku diirsadeen roobab ka curtay gobollada Bay iyo Bakool.

Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim/MG/FM

Previous Post

QIIMA DHAC KU YIMID SICIRKA RAASHIINKA SUUQYADA MAGAALOOYIN KU YAALLA SOOHDIMAHA SOOMAALIYA, KENYA IYO ITOOBIYA

Next Post

DAD RAYID AH OO KU DHINTAY WEERAR CIRKA AH OO KA DHACAY HOOSUNGOW

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
DAD RAYID AH OO KU DHINTAY WEERAR CIRKA AH OO KA DHACAY HOOSUNGOW

DAD RAYID AH OO KU DHINTAY WEERAR CIRKA AH OO KA DHACAY HOOSUNGOW

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo