
Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaradaha oo la tuhunsanyahay inay yihiin kuwa Kenya ay leedahay, ay garaaceen xaafado ay deggan yihiin dad rayid ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in adeegyada caafimaad ee deegaanka ka jira oo aad u yar, aysan la tacaali karin dadka dhaawaca ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka shacabka ah ay xalay billaabeen in ay ka qaxaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba weerar kale.
Kenya oo ka mid ah howlgalka nabad ilaalinta ee midowga Afrika iyo saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, midkoodna kama hadlin sheegashadaas.
Weerar dabayaaqadii October ay diyaarado ay Kenya leedahay ka gaysteen xero ay ku taalla degmada Jilib oo ay ku jireen dad ku soo barakacay abaarihii gobollada, ayaa waxaa ku dhintay dhowr iyo toban qof, kontomeeya kalena waay ku dhaawacmeen inkastoo ay dowladda Kenya ka bixisay raalligelin.
Maxamed Gaarane/FM










