Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

QASAARE KA DHASHAY SHIL-GAARI OO KA DHACAY TUULADA FARLIBAAX EE GOBOLKA HIIRAAN

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 26, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
QASAARE KA DHASHAY SHIL-GAARI OO KA DHACAY TUULADA FARLIBAAX EE GOBOLKA HIIRAAN
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankLabo ruux ayaa ku nafwaayey Lix kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus oo jajab ah, kadib, markii baabuur Nooca UD Nissan Diesel-ka ah ee lixda tan qaada oo ay saarnaayeen rakaab iyo shixnado culus oo badeecooyin ah kana tegay degmada Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan kuna socday degmada Qalaafe oo ka tirsan deegaan ismaamulka soomalida ee dalka Itoobiya uu kula rogmaday rakaabkii saarnaa meel u dhaw Tuulada Farlibaax oo 40km dhanaca waqooyi galbeed ka jirta
magaalada Beledweyne.

Dadaalo iyo gurmad looga sameeyay dadkaas gaarigu la qalibmay deegaanka Farlibaax iyo magaalada Beledweynaba, waxaa dadkii ku waxyeeloobay shilkan lasoo gaarsiiyey cusbitaalka dadweynaha ee magaalada Beledweyne, halkaas oo looga daweeynayo dhaawacyadii soo gaaray,

Muxumed Cali Sabti oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaarigaas Qalibmay oo isagu ka nabddaaday shilka sababay dhimashada iyo dhaawaca ayaa idaacadda Ergo ugu sheegay gudaha magaalada Beledweyne sida ay ku ambabaxeen shilkuna uu ku dhacay, wuxuuna yiri

“ Gaariga waxa uu doonayay in uu ka gudbo waadiga, markii uu waadigii galay oo dalcaddii fuulay ayuu damay matoorkiisi ,dabadeedna gaarigii gadaal buu u soo noqday wuuna nala rogmaday, dadkaas goobta ku dhintay waxa ay ahayeen labo dumar ah oo mid ay ahayd ilmo yar”

Muxumed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qaar kamid ah dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay kamid ahaayeen eheladiisa ” Runta markaan u hadlo odayaal iyo dhalinyaro kasoo gurmaday dhanka tuulada Farlibaax ayaa nagu soo hormaray, oo noo gurmaday, loorarkii dadku ku habsadeen naga qaad qaaday,oo biyo iyo taakuleeyn na siiyey, kadibna waxaa na soo gaaray gaadiid magaalada na looga soo diray”.

Qasaare isugu jira dhimashada iyo dhaawacyada ayay la kulmaan dadka safarada ku gala gudaha Gobolka Hiiraan iyo gobolada dariska la ahba, tannoo ah mid la arko saddexdii biloodba mar ama labo jeer.

Sadddex bilood ka hor ayay ahayd markii baabuur nooca UD Nissan Diesel lix tan qaadka ah oo ka ambabaxay magaalada Beledweyne kuna socday degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool uu sidan oo kale  kula rogmaday rakaabkii saarnaa nawaaxiga tuulada Farlibaax ee gobolka hiiraan, kaas oo dhaawacyo culus kusoo gaareen saddex ruux oo rakaabka ka mid ahaa, kuwaas iyagana xilligaas muddo bil ku dhaw lagu dabiibayey cisbitaalka magaalada Beledweyne.

Previous Post

CABSI KA TAAGAN DEEGAANADA KUDHAA IYO BUURGAABO

Next Post

MAAMULKA BAYDHABO OO KA DIGAY HALISTA QASHINKA WADDOOYINKA LA DHIGO

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
MAAMULKA BAYDHABO OO KA DIGAY HALISTA QASHINKA WADDOOYINKA LA DHIGO

MAAMULKA BAYDHABO OO KA DIGAY HALISTA QASHINKA WADDOOYINKA LA DHIGO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo