
Diyaaradaha oo la tuhunsanyahay in ay Kenya leedahay ayaa waxaa la sheegay inay beegsadeen dhawr goobood oo ku yaalla gudaha iyo nawaaxiga Kudhaa.
Boqolaal qoys oo kamid ah dadka degan deegaanada Kudhaa iyo Buurgaabo ayaa billaabay in ay guryahooda ka qaxaan sida ay ku warameen odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, waxaana jira cabsi iyo walwal xooggan oo soo wajahay dadka rayidka ah ee ku nool deegaanada Kudhaa iyo Buurgaabo ee gobbolka Jubbada Hoose.
Garaad Axmed Cali Isaaq oo ka mid ah Cuqaasha deegaanada Kudhaa iyo Buurgaabo oo Wareysi siinaayay Raadiyaha Ergo ayaa waxaa uu sheegay in duqeyn ay diyaarado dagaal deegaanka Kudhaa ay ka geysteen ay sababtay bur bur xooggan soo gaaray guryo ay dad shacab ah ku noolaayeen iyo baa buur ay dadku lahaayeen, waxaana uu intaasi uu ku daray inuu jiro barakaca ay sameenayaan dadka deegaanka.
” Deegaanada Jaziiradaha cabsi badan ayaan ka jirta, Barakacna wuu jiraa oo dadka deegaanadaasi in badan ayaa ka barakacaday, Guryo ilaa 6 gaaraya ayaa bur buray, kadib duqeyn ay shalay halkaasi ka geysteen diyaaradaha Kenya, dad rayid ah waxbo kuma noqonin duqeyntaasi, baabuur dad shacab ah leeyihiin ayaa bur buray, dhibaato badan ayaa dhulkaasi ka jirta,” ayuu yiri Axmed Cali Isaaq oo kamid Odayaasha deegaanka Kudhaa”.
Duqeyntii tan ka horeysay ee ka dhacday deegaanka Hoosingow ee galbeedka gobbolka Jubbada Hoose ayaa waxaa sheegatay dowladda Kenya oo sheegtay inay ku bar tilmaamaysatay fariisimo ciidan oo ay leedahay Al shabaab, haseyeeshee waxaa halkaas ku dhintay inkabadan 11 qof oo rayid ah.










