Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

GO`AANKA LAGU XIRAYO XAWAALADAHA SOOMAALIDA EE MAREYKANKA OO WALAAC LAGA MUUJIYAY

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 28, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
SHILLINKA OO QIIMAHIISU HOOS U DHACAY AYAA SAAMAYN KU YEESHAY NOLOSHA DADKA KU NOOL MAGAALADA HARGAYSA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankXaaladda boqollaal kun oo Soomaali ah  kuwaasoo ku tiirsanaan jiray taageerada  dhaqaale ee dibadaha ayaa khatar ku jirta, ka dib markii  banki ku yaalla dalka Mareykanak uu go`aan ku gaaray inuu albaabada isugu dhufan doono dhammaan shirkadaha xawaaladaha eek u yaalla  gobolka Minnesota  marka la gaaro 30-ka bishan  December, sida laga soo xigtay ilo gudaha iyo kuwo caalamka ah.

Soomaalida, kuwa gudaha  Soomaliya ku nool iyo kuwa dibadaha ku noolba, dareen murugo leh ayay kaga jawaab celiyeen  tallaabadaan uu ku dhaqaaqay bankiga Sunrise Community Bank, iyagoo ku doodaya in shirkadaha lacagaha xawila ay muhiim u yihiin nolosha malaayiin Soomaali ah oo ku tiirsan lacagaha loo soo diro.

“ka dib markii aan la dhibaatoonnay dagaal iyo abaaro, in la jaro marinka nololeed ee keliya u haray Soomaalida  waa mid xukun dil uga dhigan dadka Soomaaliyeed,” sidaa waxaa wakaaladda wararka arrimaha bani`aadannimada u qaabilsan QM ee IRIN u sheegay Cilmi Geeddi,  madaxa xawaaladda Qaran (oo ah mid ka mid ah xawaaladaha ugu weyn uguna caansan dalka Soomaaliya), ” haddii xiritaanka xawaaladaha ay hirgasho keliya dhibaato uma aha qoysaskii  ku tiirsanaa lacagaha dibadda looga soo diro, xitaa waxay saameyneysaa barakacayaasha abaaraha iyo macluusha ay ragaadiyeen ee taageero ka heli jiray Soomaalida dibadda ku nool.” ayuu Cilmi hadalkiisa sii raaciyay.

Laura Hammond, oo bare sare ka ah iskuul  taariikhaha Afrika lagu barto oo ku yaalla magaalada London, ayaa sheegtay in dhibaatada ay tahay mid khatar ah marka loo eego Minneapolis (oo ah magaalada ugu weyn ee ku taalla gobolka Minnesota isla markaana hoy u ah qiyaastii 60,000-80,000 oo soomaali ah) balse khatar kuma ahan ayay tiri lacagaha kale ee laga soo dirayo Mareykanka intiisa kale.

Si kastaba, Hammond  ayaa sheegtay in haddii bankiyada kale ee Mareykanka ay tallaabadan raacaan ayna xiraan xawaaladaha Soomaalida ay markaasi xaaladda noqon doonto mid khatarteeda leh.

“Dibadda waa marinka nololeed ee ugu weyn ee ay leeyihiin dadka ku sugan goobaha ay macluusha saameysay ee Soomaaliya  , taageerada dibadda ka imaaneysana waxay in badan ka wanaagsantahay gargaarka ay bixiyaan hay`adaha gargaarka, sababtoo ah waxay awoodaan inay dhaqaalo helaan si ay ugu kaabaan baahiyahooda,” ayay Laura hadalkeeda ku dartay.
“Mid ka mid ah waxyaabaha ugu daran ayaa ah  in goobaha ay macluusha saameysay ay yihiin goobaha ay dagaalladu sidoo kale saameeyeen, marka in qarash la helo waa muhiim. ayay tiri Laura.

Dhaqaalaha dalka Soomaaliya ee ay dagaalladu halakeeyeen waxaa la oran karaa in nolosha malaayiin Soomaali ah ay ku tiirsan tahay lacagaha dibadda laga soo diro.
Qiyaastii  1.3-2 bilyan oo doollar ayaa sanadkii  Soomaaliya looga diraa daafaha caalamka, Laura  ayaa sidaa sheegtay.

Saameynta xiritaanka xawaaladaha Soomaaliyeed waxaa laga dareemi doonaa gudaha Soomaaliya, halkaasoo QM ay ku qiyaastay in afar milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar – saddex milyan oo dadkaasi ka mid ah waxay ku sugan yihiin koofurta dalka, 250,000 ka mid ah oo ku nool goobaha ay macluushu saameysay ayaa Khatar ugu jira xaalad macluul.

Madiino Jimcaale Faarax, oo 65-jir ah ahna ayeeyo deggan magaalada Muqdisho , ayaa IRIN  u sheegtay in iyada iyo 13 qoyskeeda ka tirsan ay ku nolaayeen 200 doollar oo bishii si joogto ah uu ugu soo diro mid ka mid ah carruurteeda.

“Ma heysanno dakhli kale,  marka laga reebo biilka ay bil walba gabadheyda inoo soo dirto, waxaan ku noolnahay lacagtaas haddii la joojiyana wax kale ma heysanno, waxaan ku qasbanaan doonnaa inaan xeryaha barakacayaasha galno amaba tuugsanno” ayay tiri ayeeyo Madiino.

Waxay hooyadaan sheegtay in gabadheeda ay uga digtay in bisha soo socota aysan awoodin inay  lacag soo dirto.

Cabdisalaam Cabdinuur,  oo 55 jir ah, waa aabbaha shan carruur ah, wuxuu ku tiirsan yahay  $200 oo wiilkiisa oo  21-jir ah uu uga soo diro magaalada  Minneapolis isna wuxuu yiri “haddii lacagtaas la jarto, ma heysanno wax kale oo aan ku noolaanno.”

Cabdinuur  ayaa wakaaladda IRIN u sheegay in joojinta lacagaha la soo xawilo ay u horseedeyso inta badan Soomaalida inay ku tiirsanaadaan cuntada gargaarka. “Markii hore ayaanba ku daalnay cuntada gargaarka ee aadka u soo daahda, maxaa haddana dhib kale naloogu darayaa? Waa xaasidnimo weyn. Malaha waxay doonayaan inaan dhammaanteen tuugsanno.”  ayuu hadalkiisa ku daray aabbahan Soomaaliyeed.

Warbixin uu soo saaray  27 Desember, urur  ay ku midoobeen Soomaalida ku nool Mareykanka ee ka shaqeeya  lacag xawilidda (SAMSA) ayuu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay go`aanka  Sunrise Community Bank  ee lagu xirayo xawaaladaha, sidoo kalana in qiyaastii cel celis ahaan  sanadkii  in ka badan $100 milyan Soomaaliya  looga xawilo Mareykanka, iyadoo loo marsiinayo SAMSA .

Shaqaalaha gargaarka oo walaacsan

23 Desember,  hay`adda Oxfam ee Mareykanka iyo guddiga qaxootiga ee mareykanka (ARC) ayaa soo saaray warbixin ay ku dhaliilayaan tallaabada bankiga Sunrise.

“Tani waa waqtigii ugu xumaa ee la joojin lahaa  adeeggan. Carqalad walboo la geliyo lacagaha la xawilo waxay ka sii dareysaa xaaladda macluusha ah ee ka jirta Soomaaliya  ,” sidaa waxaa tiri Shannon Scribner, oo ah madaxa arrimaha bani`aadannimada Oxfam ee mareykanka.

Ken Menkhaus, oo ah khabiir arrimaha Soomaliya ah, isla markaana barafasoor ka ah Davidson College, oo ku yaalla Woqooyiga Carolina, ayaa laga soo xigtay inuu yiri: “macluushii  2011 ee  Soomaaliya way ka sii dari doontaa, haddii la joojiyo lacagaha ay dibadda uga soo diraan dadka soomaalida ah qoysaskooda, iyo sidoo kale hay`adaha gargaarka ee gudaha kuwaasoo xawaaladaha la soo marsiiyo.”

SAMSA wuxuu sidoo kale sheegay in xawaaladaha lacagaha dira ay yihiin kuwa ugu badan ee suurta geliyo in la helo lacagaha gargaarka iyo horumarinta ee Soomaaliya. “lacagaha loo dirayo Soomaalida baahan waxaa sii dheer  in dowladda Soomaaliya, NGO-yada caalamiga ah, QM iyo hay`adda horumarinta caalamiga ah ee mareykanka USAID ay istcimaalaan xawaaladaha si ay howlahooda uga fuliyaan gudaha Soomaaliya.” ayaa warbixinta ururka lagu sheegay.

Waxaa qortay wakaaladda wararka arrimaha bani`aadannimada u qaabilsan QM ee IRIN.

Previous Post

SHIL BAABUUR OO LAGU HOOBTAY OO MUQDISHO KA DHACAY

Next Post

DADKA DEGGAN GARACAD OO ISKA KAASHANAYA JOOJINTA HOWLAHA BUDHCADBADEEDDA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
DADKA DEGGAN GARACAD OO ISKA KAASHANAYA JOOJINTA HOWLAHA BUDHCADBADEEDDA

DADKA DEGGAN GARACAD OO ISKA KAASHANAYA JOOJINTA HOWLAHA BUDHCADBADEEDDA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo