Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

DADKA DEGGAN GARACAD OO ISKA KAASHANAYA JOOJINTA HOWLAHA BUDHCADBADEEDDA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 29, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
DADKA DEGGAN GARACAD OO ISKA KAASHANAYA JOOJINTA HOWLAHA BUDHCADBADEEDDA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDeegaanka Garacad oo ka tirsan degmada jarriiban ee gobolka Mudug ayaa bilihii ugu dambeeyey waxaa ka socday shirar iyo wadatashiyo aad u ballaaran oo ay yeelanayeen bulshada deegaankaasi, kuwaas oo ka tashanayay habka ay u wajihi lahaayeen sidii ay uga joojin lahaayeen deegaanka Garacad burcad badeedda Soomaalida oo saldhig u  aheyd  kana duuli jiray sanadihi ugu dambeeyey.

kulamadaas ayaa waxaa lagu go`aansaday abuurista ciidamo si goonni ah uga hortaga duullaamada ay ka samaynayaan deegaanka xeebta ah ee Garacad iyo dhererkeedu lagu qiyaasay 165km. Sidoo kalana waxaa la billaabay wacyigalinno iyo fariimo loo dirayo kooxa burcadbadeedda ka mid ah, kuwaasoo looga digayo inuu dhammaaday xarumihii ay ka duuli jireen ee ku yaallay deegaanka Garacad. Waxaa kaloo dadka deegaanku isu xilqaameen inay sameeyaan guddi si gaar ah uga shaqeeya socodsiinta howlahaasi.

Maxamuud Jaamac Diirshe oo ka tirsan odayaasha deegaanka Garacad ayaa Raadiyo Ergo u sheegay “Maanta laga billaabo waxaan u sheegeynaa ragga budhcadbadeedda ah inaysan isku soo aadin deegaanka, aysanna haba yaraatee ka jiri doonin howlo budhcad badeed.”

Sidoo kale kulamadii ay yeesheen bulshada reer Garacad waxaa ka soo baxay in la sameeyo ciidan kala dagaallama burcad badeedda, guud ahaan goobaha ay horay ugu lahaayeen fadhiisimaha xeebta Garacad.

Taliyaha ciidanka la dagaallanka buracadbadeedda deegaanka Garacad Axmed Cismaan Cali, oo ku sugan saldhigga booliiska ee Garacad ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay hawl gallo markaas ka soo gurya noqdeen ku soo qabqabteen doonyo, qalab iyo rag bucadbadeed ah.

Dhinaca kale waxaa Raadiyo Ergo isku dayey in uu wareysi la yeesho dhalinyaro la sheegay inay isaga baxeen howlaha burcadbadeednimada oo u dhashay deegaankaas ayaa ka cudur daartay in ay nala hadlaan sababo ammaan awgood.
Dadweynaha reer Garacad oo Raadiyo Ergo weydiiyey sida ay u arkaan howlaha la dagaallanka buracadbadeedda oo la doonayo in laga suuliyo deegaanka Garacad ayey ku sheegeen inay ku faraxsan yihiin in laga tirtiro in ay hoy u noqoto Garacad ama ay ka duulaan budhcad badeeddu, waxaa kaloo ay codsadeen hooyooyin ku nool Garacad in loo soo daayo dhallinyaro ay sheegeen in ay u xiran yihiin howlo budhcad badeednimo.

Deegaanka Garacad ayaa sanado badan xarun u ahayd budhcadbadeedda ka qawlaysata xeebaha ku teedsan Soomaaliya, iyagoo ku soo afduubtay maraakiib dhowr ah oo ay ka qaateen lacago aad u badan oo madax furasho ah, waxayna howlaha budhcadda iyo lacagta ay ka qaadanayaan ku keentay deegaanka isbededl dhinaca dhaqanka iyo dhaqaalaha ah, iyadoo wax badan oo dhibaato ku ah nolosha dadka ku beeray deegaanka gaar ahaan haweenka.

(Halkaan ka akhri warbixinti dhibaatada dhaqan dhaqaale ee budhcad badeeddu ku keentay degmada Garacad) riix

Howlaahan lagula dagaallamayo budhcadbadeedda ee hadda laga billaabay deegaanka Garacad waa kuwo ay si ballaaran uga wada qeyb qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwaasoo sheegay inay dhibaato aad u xun kala kulmeen bucadbadeedda ka howgali jirtey deegaanka ku teedsan xeebaha degmada jarriiban ee Garacad xudunta ay u tahay.

Previous Post

GO`AANKA LAGU XIRAYO XAWAALADAHA SOOMAALIDA EE MAREYKANKA OO WALAAC LAGA MUUJIYAY

Next Post

Dil loo geystay laba sarkaal oo ka tirsan hay`adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Dil loo geystay laba sarkaal oo ka tirsan hay`adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF

Dil loo geystay laba sarkaal oo ka tirsan hay`adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo