Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

DIBAD BAX LAGU DALBANAYEY JOOJINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA AH OO KA DHACAY MAGAALADA BOOSAASO

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 14, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
DIBAD BAX LAGU DALBANAYEY JOOJINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA AH OO KA DHACAY MAGAALADA BOOSAASO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDibad baxan ayaa  wuxuu daba socday shir ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada, oo uu soo qaban qaabiyey ururka ardayda Puntland ee PSA oo taageero ka helaya hay`adda badbaadada hooyada iyo dhallaanka ee UNICEF, kaasoo bulshada looga wacyi gelinayay inay joojiyaan gudniinka fircooniga ee gabdhaha.

Gabagabadii Shirkan ayaa si wada jir ah looga soo horjeestey gudniinka fircooniga ah , dadkii kasoo qeyb galay shirka ayaa sameeyey dibad bax ay ku mareen waddada Nakhiil ee magaalada Boosaaso, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen (jooji gudniinka gabdhaha) iyagoo watey boorar ay ku qornaayeen ereyo ka dhan ah gudniinka gabdhaha.

Shirkan waxaa sidoo kale ka horreeyay Shir ay isugu yimaadeen dhawaan hoggaamiyayaasha diinta gobollada Puntland iyo culimaa`udiin ka socotey dalka Kenya, kaasoo laga soo saarey baaq caalami ah oo halkudhiggiisu uu ahaa “haddaanu nahay culimada dawlada Puntland waxaan ka soo horjeednaa gudniinka gabdhaha ee diinta islaamka aan xiriirka la lahayn“ tira koobkii ugu dambeeyay ee lasameeyey ayaa lagu sheegay in in ka badan boqolkiiba sagaashan 90% Soomaaliya laga isticmaalo gudniinka jarjarista saxaaxa dhedigga.

Gudniinka fircooniga ah

Caadada xun ee gudniinka jarjarista saxaaxa dheddigga gabdhaha, waa dhaqan soo jireen ah oo muddo qarniyo ah ay ku dhaqmayeen dadka Soomaalida, waxaana adkaatey in laga gudbo dhaqankan xun.

Muddo ka badan 30 sano ayaa laga wadey Soomaaliya wacyi gelinno la xiriira ka tagista caadada xun ee gudniinka gabdhaha oo laga sameeyey miyiga iyo magaalooyinka, ummad walba waxay leedahay dhaqan iyo caado, mararka qaar waxay noqon karaan dhaqammadaasi kuwo waxyeello ba`an u geysta caafimaadka bulshada, gudniinka dumarka wuxuu ka mid yahay dhaqammada soo jireenka ah ee halista ku ah nolosha gabdhaha Soomaaliyeed kaasoo ay joogteeyeen adeegsigiisa bulshada.

5-tii sano ee la soo dhaafey, hoggaamiyayaasha Puntland waxay qaadeen tallaabooyin waaweyn oo qayb ka ah dadaallada lagu joojinayey dhammaan noocyada jarjaridda Saxaaxa dheddigga (Gudniinka) oo ahaa dhaqan sooj ireen ah oo aanu ku dhisneen diinta islaamka iyo dhaqanka suubban, waxaa suura gashey in inta badan dadka la siiyo wacyigelinno joogto ah ayna fahmaan in gudniinkan jarjarista saxaaxa gabdhaha uu yahay mid aan waafaqsaneyn Shareecada islaamka.

Gudniinkan ayaa weli laga istacmaalaa dhulka miyiga ah oo markii horeba uu ka soo billowdey, inkastoo magaalooyinka aanu ku badneyn gudniinkan .

Warbixin ay soo saartay wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska maamulka Puntland ayaa lagu sheegay, in sanadkan 2011-ka uu hoos u dhac aad u weyn uu ku yimid adeegsiga gudniinka jarjarista saxaaxa gabdhaha aan qaangaarka aheyn iyo dumarkaba ka dib wacyigelinno joogto ah oo loo sameeyey bulshada.

Axmed Nuur Soomali/FM

Previous Post

Qaramada Midoobey oo u codsatay gargaarka Soomaaliya 1.5 Bilyan oo Dollarka Maraykanka ah sanadka 2012

Next Post

QARAMADA MIDOOBAY OO SHEEGTAY IN TIRADA DADKA CUDURKA DUUMADU KU DHACAYO AY HOOS U DHACDAY TOBANKII SANO EE LA SOO DHAAFAY.

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
QARAMADA MIDOOBAY OO SHEEGTAY IN TIRADA DADKA CUDURKA DUUMADU KU DHACAYO AY HOOS U DHACDAY TOBANKII SANO EE LA SOO DHAAFAY.

QARAMADA MIDOOBAY OO SHEEGTAY IN TIRADA DADKA CUDURKA DUUMADU KU DHACAYO AY HOOS U DHACDAY TOBANKII SANO EE LA SOO DHAAFAY.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo