Dadaallada iyo ka hortagga lagu sameeyey cudurka Duumada ayaa rubuc ahaan hoos u dhigtay tirada dadka u dhimanayey sanad kasta tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo 33% waddamada afrikana ay dhimashadaani hoos u dhacday gaar ahaan waddamada xudunta u ah cudurkaan sida ay warbixin ku soo saartay qaramada midoobay.
Hay`adda caafimaadka qaramada midoobay ee WHO, ayaa sheegtay inay guushaani sabab u tahay sida wanaagsan ee loo qaybiyey shabaqa kaneecada laga dugsado, daawaynteeda iyo nooca daawooyinka tayo sare leh oo la helay.
Hay`addu sidoo kale waxay ka digtey inay mashruuca ka hortagga duumada ee dunida ka socda uu gabaabsi ku yimaado sababo dhaqaalo darro awgeed, iyadoo laba dhibaato oo waaweyn horayba ay u hortaagnaayeen, kuwaasoo kala ah adkaysiga daawada cudurkani u yeelanayo iyo horumarinta joogtada ah ee lagu samaynayo suntan cayayaanka lagula diriro.
Waana in la xaqiijiyaa mustaqbalka dhow ilaha laga duulayo si loola dagaallamo duumada lana raadiyo habab lagu horumarinayo difaaca cudurkaan, ayuu yiri Robert Nweman oo ah agaasimaha guud ee WHO u qaabilsan la dagaallanka iyo ka hortagga cudurka Duumada isagoo ka hadlayey magaalada New York.
Hababka looga hortagayo cudurkaan, ayaa ah in la hormariyo sunta lagula diriro cayayaanka kaneecada iyo shabaqa la daaweeyay oo ah habka ugu sahlan ee dadka looga ilaalin karo Sidoo kale sarkaalkan wuxuu walaac ka muujiyey dadaallada ka dhanka ah cudurkan ee ka socda waddamada Nayjeeriya, Jamhuuriyadda dimoqraadiga ee Koongo, Mosambiiq, Ivory Cost iyo Mali. waddamadaan oo 60%kiiba ah xudunta cudurka duumada dunida.
Kiisaska cudurkaan ee sanadkii tegey ayaa lagu qiyaasay 216 milyan oo kiis iyadoo 81 ka mid ah kiisaskaas oo 91% u dhinteen ay ka dhaceen waddamada ku yaal Afrika , 86% dadka Duumadu ku dhacdaa waa carruurta ka yar 5-ta sano.
655 kun oo qof ayaana u dhintay sanadkii tegey duumada taasoo wax yar ka yar sanadkii 2009-kii, markaadse fiiriso dadka tirada badan ee uu soo ridanayo weli cudurku waa mid khatar leh daqiiqaddiina hal cunug ayaa u dhinta cudurkaan guud ahaan, ayay warbixinteedan ku sheegtay hay’adda caafimaadka qaramada midoobay ee WHO.
Nairobi.