Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

XAALADAHA AMMAAN EE KENYA IYO WELWELKA SOOMAALIDA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
October 25, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
XAALADAHA AMMAAN EE KENYA IYO WELWELKA SOOMAALIDA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankCabsi iyo welwel ayaa soo foodsaaray mar kale Soomaalida ku nool wadanka Kenya gaar ahaan magaalooyinka waaweyne ee Nairobi, Mombasa iyo Nakuru, kadib markii afar iyo labaatan saacadood gudahood uu qaraxii labaad ka dhacay gudaha magaalada Nairobi.

Qaraxaan labaad oo ka dhacay goob ay dadku ku badan yihiin isla mar ahaantaana ah  boosteejo   laga raaco gaadiidka dadweynaha ee aada bariga magaalada Nairobi ,ayaa waxaa ku naf waayay inta la ogyahay illaa hal ruux oo rayid ah halka in ka badan 15kalana  ay ku dhaawacmeen.

 

Qaraxaan kii ka horeeyay oo lala beegsaday goob lagu caweeyo oo ku taala bartamaha magaalada caasimadda ah ee Nairobi  ayaa iyana waxaa ku dhintay ugu yaraan hal ruux iyadoo in ka badan 15 kalana  ay ku dhaawacmeen, hadaba dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan magaallooyinka waaweyne ee Kenya aya waxaa soo foodsaaratay cabsi fara badan taasoo ay ka baqanayaan in saamayn dhinaca ammaanka ah ay ku yeelato arrimahaan dhacaya.

Qaraxyadaan ayaan weli kala cadayn cidda sida tooska ugu lug leh, iyadoo ay figraddo kala duwan ka soo baxayaan, Ken Amojo oo ka mid ah dadka ka xoogsada bartamaha Nairobi ayaa Radio Ergo u sheegay inaysan filay in Alshabaab ka danbeeyaan qaraxyadaan, sidaasoo kale waxaa qaba saraakiil ka tirsan dawladda oo sheegay inay weli baaritaan ku hayaan arrimaha, aysan ku degdegayn inay Alshabaab ka danbeeyaan iyo in kale.

Siduu sheegay Cabdinuur Axmed oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee degan magaaladda Nakuru iyo  dad kala duwan oo Raadiyaha Ergo kala xiriiray magaalada Nakuru waxay xaqiijiyeen in habeenadaanba ay jireen dad Soomaaliyeed oo la qabqabtay oo isugu  jira haween iyo ragba, iyadoo ay jiraan ilaa 12 qof oo maanta maxkamad la keenayo, kuwo kalena ay yihiin maxkamad sugayaal.

Sidoo kale xaafadda Eastleigh ayaa iyana ah goob dadku cabsi ka muujinayaan “Labadaan habeen waxa ay inoo ahayd habeeno adag oo naxdin badan waxaanan ku sugnayn gudaha hoygeena” ,sidaaana waxaa Radio Ergo u sheegay Maxamad Deeq oo kamid ah Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, Maxamad ayaa intaa ku daray in weeraradaan ay sabaabi karaan qabqabasho iyo bartilmaameed laga dhigto dadka Soomaalida.

“Aniga waxaan joogaa Nairobi illaa labo sano  ee ugu dambeysay ,waxaan haystaa warqad ay i siisay hay,adda qaxootiga ee UNHCR. marka arrintaan waxay igu abuuraysaa cabsi badan, ma jirto meel aan u laabano, wadankeena waxaa ka jira colaado, halkaan ayaan u soo raadsanay nabadgalyo, sidaana waxaa Ergo u sheegtay Ayaan Aadan oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ku dhaqan magaalada Nairobi.

Saraakiisha ciidamada Kenya oo  la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxyadaani ay ahayeen kuwo loo adegsaday bambada laga tuuro gacanta ee loo yaqaano F10 taasoo lagu farsameyay wadanka Ruushka, Antony Kibuchi oo ah madaxa ciidanka boliiska magaalada Nairobi ayaa isaguna ugu baaqay shacabka Nairobi in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si ayuu yiri looga hortago qaraxyada iyo falalka amaandarida.

Waxaa sidoo kale shir ka dhacay xaafada Eastleigh isugu yimid mudanayasha iyo saiyaasiyiinta kale ee Soomaalida ugu jira dawladda Kenya kuwaasoo xoogaa hadalo niyad qaboojin ah u sheegay Soomaalida, Mudane Faarax Macalin oo ah ku xigeenka afhayeenka Baarlamakaanka Kenya ayaa yiri mar uu ka hadlayey kulankaas “Qofkasta xaq ayuu leeyahay lagumana xad gudbi karo, Soomaaliduna waa inaysan noqon kuwo iyagu is nugleeya, oo markii wax la weydiiyaba jeebka gacanta kula orda, suga marana wax kastoo sharcigu idin ogol yahay”

Sabtidii aan soo dhaafnay ayay ahayd markii safaaradda Maraykanku uu ku leeyahay magaalada Nairobi ay soo saartay digniin ku saabsan weeraro ay soo qaadaan xarakada Alshabaab  ee ka dagaalanta Soomaaliya, ayna ku bar tilmaameedsanayaan goobaha lagu caweeyo iyo goobaha kale ee reer galbeedku ku  leeyihiin Kenya.

Marka laga soo tago digniinaha iyo cabsida la qabo waxaa jira hawl gallo xooggan oo ciidanka amaanka Kenya ay habeenadii ugu dambeeyay ku sugayaan amniga caasimadda, iyagoona qabqabtay Soomaali ay sheegeen inay si sharci daro ah ku joogeen wadanka Kenya.blank

Previous Post

Sicir barar xooggan oo ka jira degmada ceelwaaq

Next Post

Muqdisho: qiimaha raashinka oo kor u kacay iyo sarifka lacagta dolarka oo hoos u dhacay

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Muqdisho: qiimaha raashinka oo kor u kacay iyo sarifka lacagta dolarka oo hoos u dhacay

Muqdisho: qiimaha raashinka oo kor u kacay iyo sarifka lacagta dolarka oo hoos u dhacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-FEB-2026

IDAACADDA 13-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-FEB-2026
February 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-FEB-2026
February 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo