Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Muqdisho: qiimaha raashinka oo kor u kacay iyo sarifka lacagta dolarka oo hoos u dhacay

Radio Ergo by Radio Ergo
October 25, 2011
in Cunto-Yaraanta
0
Muqdisho: qiimaha raashinka oo kor u kacay iyo sarifka lacagta dolarka oo hoos u dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSuuqyada Magaalada  Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxa kajiray jahwareer u dhaxeeya ganacsatada iyo dadka wax ka iibsada kadib markii ay dhibaato kadhalatay hoos u dhac xoog leh oo ku yimid sarifka lacagta Doolarka Mareykanka halka qiimaha lagu iibsado raashinkana uu si xowli ah kor ugu sii socda taasina dhibaato ayay ku wadatahay dadka si gaar ahna kuwa danyarta ah.

$100 “ boqolka doolarka Mareykanka” oo maalmo kahor la sarifayay Sadax malyan iyo dhowr boqol oo shilinka Soomaaliga maalmo gudohoodna waxa uu hoos uga degay sarifka dhowr boqol oo kun shilinka Soomaaliga, hadaba sababta arintaan keentay waxaan wax kaweydiiyay mid kamid ah sariflayaasha Muqdisho.

“Sababaha waa hay’adaha wadanka soo galay oo mucaawina ahaan dollarka u qeybiya “ ayuu yir mid kamid ah sariflayaasha Muqdisho.

Fowsiya Maxamed Axmed oo kamid ah haweenka Muqdisho oo Radiyow Ergo isgarabtaagay xili ay ku sugneyd goob sarifka ah ayaa ka sheekeysay isbedelka suuqa ku dhacay iyo saameynta ay dareemeyso.

“Walaahi dhibaato weyn ayuu keenay, mar hadii sarifka uu hoos u dhaco qiimaha raashinka ayaa kor u kaca, taasina saameyn ayey nagu reebaysa”.

inta badan dad ka shaqeysta howlaha kala bedelka lacagaha hoos u dhaca sarifka waxa ay u aaneynayaan lacago badan oo doolar ah oo magaalada soo galay.

Hadaba dhinaca kale maxay iyaga sicir bararka raashin u sababeynayaan ganacsatada bagaashleyda haweenay kamid ah ganacsatadaasi oo aan baqaarkeeda kula kulmay ayaa iska fogeysay eedda sheegtayna in arintu ay kasocoto ganacsatada waaweyn ee dakada wax kasoo degsata.

Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”  ayaa isaguna codsaday si arimahan wax looga qabto in hey’adaha ay gacan ka geystaan joojiyaana raashinka gargaarka ee dalka gudihiisa ay ka iibinayaan taa bedelkeedana ay dibada cunto dalka ku filan ka keenaan.

“Ganacsatada ayaa waxa ay sameeyaan ganacsigooda waxa ay la sugayaan hay’adaha , marka hay’adaha waxa aan ka codsanaynaa in joojiyaan dalka waxyaabaha ay iibsanayaa islamarkaana ay raashinka ka keenaan dalka dibadiisa”.

Dhibaatooyinkan kadhasha jahwareerka kataagan isbedbedelka ganacsiga waxaa aalaaba saameyntiisa dusha u rita danyarta Muqdisho oo markale arintani awgeed hada dhibaato kale wajahaya iyadoo arrinta la dadku la yaaban yihiin tahay qiimahii dollarka oo hoos u dhacay iyo maceeshadii quutal daruuriga ahayd oo qimaheedu aad kor ugu kacayo.

Yusuf Koranto/MH

Previous Post

XAALADAHA AMMAAN EE KENYA IYO WELWELKA SOOMAALIDA

Next Post

Boosaaso: Roobab burburiyay guryo ay degganaayeen barakacayaal

Related Posts

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa

June 23, 2025
Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

June 20, 2025
Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland
Cunto-Yaraanta

Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

June 19, 2025
Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed

June 17, 2025
Marka: Qoysas wajahaya nolol adag markii uu ka istaagay gargaar bini’aadannimo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Marka: Qoysas wajahaya nolol adag markii uu ka istaagay gargaar bini’aadannimo

June 11, 2025
Bari: Qoysas colaad ka barakacay oo wajahaya nolol xumo ay xal u waayeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Qoysas colaad ka barakacay oo wajahaya nolol xumo ay xal u waayeen

June 5, 2025
Next Post
Boosaaso: Roobab burburiyay guryo ay degganaayeen barakacayaal

Boosaaso: Roobab burburiyay guryo ay degganaayeen barakacayaal

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUN-2025

IDAACADDA 23-JUN-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUN-2025
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2025
June 23, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2025
June 22, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2025
June 21, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2025
June 20, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2025
June 19, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo