Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

SIIDAY U MAAREEYAAN NOLOSHA QOYSKA HAWEENKA KU NOOL MUQDISHO?

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
October 4, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
SIIDAY U MAAREEYAAN NOLOSHA QOYSKA HAWEENKA KU NOOL MUQDISHO?
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMaxay tahay duruufahay qabaan haweenku si ay u daboolaan nolol maalmeedka qoyska iyo hawsha guriga, warbixintaan soo socota ayaan ku eegaynaa hawlaha kala gedisan ee ay hayaan haweenka ku nool Muqdisho.

Duruufaha qalafsan ee ay keeneen dagaaladda iyo abaaraha ayaa ka dhigay ragga kuwo fara maran oo gidaaradda iska fadhiya, waxayna noqdeen kuwo miskax ahaan iyo muruq ahaanba hawl gab aan cimri keenin ku noqday, arrintaani waxay keentay inay haweenkii noqdaan kuwo soo dhiciya nolosha qoyska.

Muqdisho waxay ka mid tahay magaalooyinka ay dumarku shaqeeyaan, waxyaalahay qabtaanna waxaa ka mid ah ka ganacsiga dahabka, maacuunta, shaaha, khudaarta iyo waxyaalo kale. Dahabo Cali waa hooyo dahabka ku iibisa suuqyadda Muqdisho, waxayna ka waramaysaa sababahay ku bilowday.
“Waxaan shaqadaan ku jiray 5 sanno, waxaan dhalay lix caruur ah, aabahood shaqo ma hayo, anniga hooyaday ayaan uga tagaa caruurta anniguna waxaan soo dhiciyaa nolosha qoyska, dahabkaan iibiyo waxaa laga kala keenaa Suacuudi Caraybiya iyo Dubey, nooca Dubey ayaanna wanaagsan in kastoo qiimahaan ku kala gadanno kala gedisan yihiin, waxyaalahaan ka hello iibinta dahabka xoogaa way iga kabtaa inaan helo noloshayda”

Sidoo kale Caasha Cumar waa hooyo haysata 5 caruur ah waxay ka waramaysaa siday u soo shaqaysato “waxaan suuqa bakaaraha ku iibiyaa bacadle, ninkaygu waa nin weyn, mana hayo wax shaqo ah iyo meel uu aado toona, ma haystaan caruurtaydu waxbarasho, dharka waxaan ku soo qaataa dayn, waxaan ka helaana kama badna wixii la cunni lahaa, sidoo kale waxaan ku qabaa dhibaato badan, waxaan ku qabaa dagaaladda dhibaato oo duruufo kala gedisan ayaan kala kulmaa”

Siyaabo kala duwan ayey kuu sheegayaan haweenka Soomaaliyeed siyaabahay uga shaqaystaan suuqyadda, Daahira Xasan waa haweenay caanaha ku iibisa Muqdisho
“Dhalada caanaha geella waxaan iibiyaa 18000, kuwa lo’dana 1200 (Shilin Soomaali), waxaan ka keenaa Afgooye waxaanan ku iibiyaa xaafadda Madiina, hadda caanihii way yaraadeen, horay waxaan u soo heli jiray 40 litir hadase 20 litir oo abaarta dhacday ayaa saamaysay xoolihii, anniga caruurtayda waa 3, wax kaloo la qabto ma lahan, caruurtana waxaan uga tagaa walaashey, ninkayga waa baaga muudo”

Cabdiyo Axmed waxay ka mid tahay iyanna haweenka ka xoogsadda karinta shaaha “waxaan ka mid ahay haweenka shaaha ku kariya Muqdisho, anniga xaas ma ahi laakiin waxaan u shaqeeyaa qoyskayaga oo walaaladay iyo waalidkayba annigaa u xamaalla, ka ganacsiga shaaha sidaas uma sahlana waan wareejiyaa waana duruuf adag, maalin aan wax lagaa iibsan iyo dhibaaooyin kale oo badan ayaa jira”

Maxamed Aadan waa aqoonyahanadda ku nool Muqdisho wuxuu isaguna ka waramayaa waxa keenay inay haweenku soo dhiciyaan quutalyoonka bulshadda,
“Waxaa keentay dawlad la’aanta, dilkii oo batay ayaa dumarka ka dhigay kuwo haysta agoomo oo aabayaashii lagu dilay dagaaladda, tan kalena raggii ma hayaan wax shaqo ah, marka haweenkii ayaa noqday kuwo meelo hoose wax ka raadin karra, wayna ka samir badan yihiin ragga taasaanna asal u ah in dumarku noqdaan kuwo shaqeeya, ragiinna badi waxaad ku arkaysaa iyagoo gidaaradda fadhiya oo ku mashquulsan wax markaas aan qiimo badan u lahayn”

Haweenka oo badi soo xamaalla ayaa waxaa u sii dheer inay korintii iyo ababintii caruurtu ay meesha ka baxdo taasoo iyana samaayn dhinaceeda kale yeelata “Amina Axmed waa hooyo in badan ku jirtey suuqa Bakaaraha, kuna iibisa khudaarta, waxayna sheegtay in ilmaheeda wakhtigaan dagaaladda ay dhibaato ku tahay in hooyo ay ka maqnaato, “annigoo u soo shaqo tegey suuqa ayaa xaafadii caruurti ii deganayd dagaal ka dhacayaa, waxaad samaysid ma taqaanid, murugo iyo oohin ayaa ku dilaysa, waxaad gaday iyo waxaad heshay toona niyad uma haysid, haddana markaad gurigii tagto oo caruurtaadii oo gaajaysan aragto dantu inaad shaqo tagto ayey kugu khasbaysaa”

Haweenka Soomaaliyeed ayaa xilligaan lagu tirayaa udub dhexaadka nolosha qoyska waxaana gebi ahaanba meesha ka maqan cid ka taakulaysa sidii loo tayo gelin lahaa, tanoo ay ugu wacan tahay duruufaha amaan oo liita taasoo sababtay in wax qabad badan oo ka imaan lahaa bulshadda gargaarka ay meesha ka baxdo.

Previous Post

DHIBAATOOYINKA WAXBARASHO EE HAYSTA CARRUURTA KU JIRTA XERADA QAXOOTIGA KAKUMA

Next Post

CUNNO YARAAN KA TAAGAN XERADA RAJO EE MAGAALADA MUQDISHO

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
CUNNO YARAAN KA TAAGAN XERADA RAJO EE MAGAALADA MUQDISHO

CUNNO YARAAN KA TAAGAN XERADA RAJO EE MAGAALADA MUQDISHO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo