Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

CUNNO YARAAN KA TAAGAN XERADA RAJO EE MAGAALADA MUQDISHO

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
October 4, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
CUNNO YARAAN KA TAAGAN XERADA RAJO EE MAGAALADA MUQDISHO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMagaalada Muqdisho waxaa haatan ku sugan kumanaan qoysas ah kuwaasoo ay  degaandoodii ka soo sal kiciyeen abaaraha iyo macluusha daran ee ka jirta halkaasi,qoysaskaasi ayaa wax ay ka samaysteen qeyba ka mid ah xaafadaha muqdisho,aqalo cooshada ah .

Marka  aad si dhab ah ugu kuur gasho xaaladaha ay qoysaskaasi  ku noolyihiin waxaa si deg deg ah ku dareemi kartaa in ay yihiin silic ku noolayaal saxariirsan.

Xerada Rajo oo ah mid kamid ah xerooyinka ugu waaweyn ee ay xilligaan ku nool yihiin qoysaskaasi ka soo hayaamay abaarha waxaa  19kii  Augusto 2011 dhagax dhigay   Ra,iisal wasaaraha wadanka Turkiga Rajab Dayeb Ordogan kaasoo xilligaa soo booqasho ku yimid  magaalada Muqdisho.

Xeradu waxa ay ku taalaa duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,gaar ahaan agagaarka Jaziira,dadka halkaasi ku nool waxaa u badan  haween iyo caruur ay ka muuqato macluul xoogan,hadaba  mar uu booqday xeradaasi rajo wariyaheena Yusuf Axmed Abuukar Keynaan  ayaa waxa uu halkaasi kula sheekeystay  qaar kamid ah dadkaasi xilli ay safaf dhaadheer ugu jireen,helitaanka cuno bisil taasoo ah Canbuulo isugu jirta Digir iyo Bariis oo casho ahaan dadka loogu talagalay .

qeybta dambe ee safka waxaa ku jirta oo taagan Haweeney da’ah taasoo ay ka muuqato macluul iyo tag dari, waxa ay cod dheer oo ay maqleen badi dadki goobta taagnaa ku tiri  “Gaajaa na dishay Gaajaa na dishay  waan go’nay  naf baa na haysa,wax  noo dhiiba”.

Dadka xiradani ku jira qiyaastii waxa ay gaarayaan illaa  4,000 oo  qoys sida ay Radio Ergo u xaqiijiyeen mas,uuliyiinta xeradaasi,kuwaasoo ay sheegeen inay ka soo hayaameen meela kala duwan,iyagoona intaasi ku daray in xeradaasi ay gacabta ku hayaan oo qarashaadka ay bixiyaan dawladda waddanka isu taga imaraadka carabta (UAE).

Xaliimo Ibraahin Muuse waxa ay ka mid tahay dadka xeradaan,waxay tiri ,“aniga raashin la ima siiyo,waxaa halkaan igu haysta daryeel xumi,dhib ayaan ku qabaa halkaan waxaan ka imid wadanka Ethiopia,sidii aan u taaganahay safkaan ayaan hadana iska baxaynaa in la i qoro xitaa waa la iga diiday”

Dadka dhibaatada cuni yarada tirsanaya waxaa sidoo kale ka mid ah dad iyagu haysta kaararka lagu qaato raashinka,hadaba side ku dhacday arrintaasi waxaa Ergo uga warantay,haweeney kamid ah dadkaasi,

“Quraac nalama siiyo  sidoo kale qadana nalama siiyo,casho  oo cambuulo ayaan leenahay qadana malihin mar dhawa ayaan idiin billaabaynaa ayay nagu yiraahdeen,  “bil ayaan joognaa halkaan waxaan ku nool nahay aniga iyo qoyskeygaba  cambuuladaan aad arkaysaa”.

Kusimaha R/wasaaraha Soomaaliya ahna wasiirka Warshadaha iy Ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen  Ugaas Khaliif oo isagoo u kuur galaya xaalada nolosha ee dadkaan ku nool xiriyahaan Rajo kula hadlay Radio Ergo  gudaha xerada ayaa dhibaatada jirta waxa uu ku macneeyay raashiin yari aanay wax qabashadeeda  ku filneyn DKMG Soomaaliya isagoo walaac ka muujiyay waxa ay xaaladooda ku danbeeyn karto dadkaan hadii aanay gargaar dheeri ah helin .waxana uu yiri:

“sidaad  aragtaanba kaamka Rajo oo dad badani oo Soomaaliyeed oo abaaruhu hayaan ay ku jiraan waan la soconay awalba waanan  ka war qabnay  Dowladuna way imaan jirtay halkaan wasiirraa imaan jiray runtii waxaad indhihiina ku arkeysaan  xaaladaan  inay tahay dhibaato ba’an waa wax runtii ka awood badan awooda ay dowladdu haysato,waxaan rajaynaynaa in aan wax ka qaban doono hadii Alle yiraahdo,  markaan dhageesanay cabashada dadkan ku jira xeradaan waan ognahay in raashinku yar yahay

caalamki aan ka sugaynay in ay noo soo gurmadaan oo markasta ku doodayaya in raashin uu ka buuxo Muqdisho qudradi ay buuxdo oo dadki la gaarsiin la’yahay inaysan waxba ka jirin waad arkeesaan ilaa iyo 4,000 oo qoys ayaa xe,xaaladu waa ay xumaanaysaa hadaanan la helin xal deg deg ah ilaa iyo 2,000 ayaan war bixinta aan helay wax lasiin karaa marka waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka iyo caalamka iyo umadda  Soomaaliyeedba in  ay u soo gurmadaan  dadkaan dhibaatadu hayso waxaanan rajaynayaa in goloha wasiirada in ay ka hadlaan oo ay fadhi ka yeeshaan sidii xaaladdaan wax looga qaban lahaa.”

Wararka hoose  laga helayo xeradaasi Rajo ayaa tibaaxaya in ay halkaasi ay ka jiraan is dabamarin iyo musuq,hadaba maxay dawladu kala socotaa waxaa idaacadda Ergo  ay hordhigtay mar kale  kusimaha R/wasaaraha?

“walaahi waxaa nasiib dara ah maadaama aan galnay 20 sano oo bur bur ah dadkii waa lakala aamin   baxay qofki isaga  oo wax qabanaya ayaa waxaa laga yaabaa in wax lagu tuhmo in uu wax is daba marinayo  kolay inta aan anaga hada la socno hay’ad baa jirta  masiibooyinka Qaranka oo Xukuumada ama Dowlada ay magacowday, dabcan toos uma maamulaan laakiin waa ay la socdaan xerooyinka oo dhan raashiinka way gaarsiiyaan marka ay arkaan in ay dhibaato ka taagantahayna  dabcan iyaga  ayaa arintaasi masuuliyadeeda qaadaayo, koley ma arag wax la xadayo ama  leys daba marinayo waxaan rajeneynayaa  in sida ugu dhaqsiyaha badan wixii dhiman loo soo dhameestiro waaba sheegay 4,000 ayaa joogta 2,000 ayaana loo haayaa cunto mana ahan wax la xadayee raashinki baanan la hayn  la heynin”

Magaalada Muqdisho ayaa si isla siman waxaa ugu soo qul qulaya dadka wali abaaraha kasoo firxanaya waxa sidoo kale magaalada soo gaaraya  gargaar ama kaalmooyin  loogu talagalay dadkii horay usoo barakacay abaaraha ka jira gobollada dalka si kastaba ha ahaatee waxay magaalada muqdisho wala la ciirciireysaa dadka u baahan gargaarka ee ay macluushu hayso.

Previous Post

SIIDAY U MAAREEYAAN NOLOSHA QOYSKA HAWEENKA KU NOOL MUQDISHO?

Next Post

Dhadhaab: duruufaha nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka la dejiyey xerada cusub ee kaambicaws

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Dhadhaab: duruufaha nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka la dejiyey xerada cusub ee kaambicaws

Dhadhaab: duruufaha nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka la dejiyey xerada cusub ee kaambicaws

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo