Magaalada Muqdisho waxaa haatan ku sugan kumanaan qoysas ah kuwaasoo ay degaandoodii ka soo sal kiciyeen abaaraha iyo macluusha daran ee ka jirta halkaasi,qoysaskaasi ayaa wax ay ka samaysteen qeyba ka mid ah xaafadaha muqdisho,aqalo cooshada ah .
Marka aad si dhab ah ugu kuur gasho xaaladaha ay qoysaskaasi ku noolyihiin waxaa si deg deg ah ku dareemi kartaa in ay yihiin silic ku noolayaal saxariirsan.
Xerada Rajo oo ah mid kamid ah xerooyinka ugu waaweyn ee ay xilligaan ku nool yihiin qoysaskaasi ka soo hayaamay abaarha waxaa 19kii Augusto 2011 dhagax dhigay Ra,iisal wasaaraha wadanka Turkiga Rajab Dayeb Ordogan kaasoo xilligaa soo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Xeradu waxa ay ku taalaa duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,gaar ahaan agagaarka Jaziira,dadka halkaasi ku nool waxaa u badan haween iyo caruur ay ka muuqato macluul xoogan,hadaba mar uu booqday xeradaasi rajo wariyaheena Yusuf Axmed Abuukar Keynaan ayaa waxa uu halkaasi kula sheekeystay qaar kamid ah dadkaasi xilli ay safaf dhaadheer ugu jireen,helitaanka cuno bisil taasoo ah Canbuulo isugu jirta Digir iyo Bariis oo casho ahaan dadka loogu talagalay .
qeybta dambe ee safka waxaa ku jirta oo taagan Haweeney da’ah taasoo ay ka muuqato macluul iyo tag dari, waxa ay cod dheer oo ay maqleen badi dadki goobta taagnaa ku tiri “Gaajaa na dishay Gaajaa na dishay waan go’nay naf baa na haysa,wax noo dhiiba”.
Dadka xiradani ku jira qiyaastii waxa ay gaarayaan illaa 4,000 oo qoys sida ay Radio Ergo u xaqiijiyeen mas,uuliyiinta xeradaasi,kuwaasoo ay sheegeen inay ka soo hayaameen meela kala duwan,iyagoona intaasi ku daray in xeradaasi ay gacabta ku hayaan oo qarashaadka ay bixiyaan dawladda waddanka isu taga imaraadka carabta (UAE).
Xaliimo Ibraahin Muuse waxa ay ka mid tahay dadka xeradaan,waxay tiri ,“aniga raashin la ima siiyo,waxaa halkaan igu haysta daryeel xumi,dhib ayaan ku qabaa halkaan waxaan ka imid wadanka Ethiopia,sidii aan u taaganahay safkaan ayaan hadana iska baxaynaa in la i qoro xitaa waa la iga diiday”
Dadka dhibaatada cuni yarada tirsanaya waxaa sidoo kale ka mid ah dad iyagu haysta kaararka lagu qaato raashinka,hadaba side ku dhacday arrintaasi waxaa Ergo uga warantay,haweeney kamid ah dadkaasi,
“Quraac nalama siiyo sidoo kale qadana nalama siiyo,casho oo cambuulo ayaan leenahay qadana malihin mar dhawa ayaan idiin billaabaynaa ayay nagu yiraahdeen, “bil ayaan joognaa halkaan waxaan ku nool nahay aniga iyo qoyskeygaba cambuuladaan aad arkaysaa”.
Kusimaha R/wasaaraha Soomaaliya ahna wasiirka Warshadaha iy Ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo isagoo u kuur galaya xaalada nolosha ee dadkaan ku nool xiriyahaan Rajo kula hadlay Radio Ergo gudaha xerada ayaa dhibaatada jirta waxa uu ku macneeyay raashiin yari aanay wax qabashadeeda ku filneyn DKMG Soomaaliya isagoo walaac ka muujiyay waxa ay xaaladooda ku danbeeyn karto dadkaan hadii aanay gargaar dheeri ah helin .waxana uu yiri:
“sidaad aragtaanba kaamka Rajo oo dad badani oo Soomaaliyeed oo abaaruhu hayaan ay ku jiraan waan la soconay awalba waanan ka war qabnay Dowladuna way imaan jirtay halkaan wasiirraa imaan jiray runtii waxaad indhihiina ku arkeysaan xaaladaan inay tahay dhibaato ba’an waa wax runtii ka awood badan awooda ay dowladdu haysato,waxaan rajaynaynaa in aan wax ka qaban doono hadii Alle yiraahdo, markaan dhageesanay cabashada dadkan ku jira xeradaan waan ognahay in raashinku yar yahay
caalamki aan ka sugaynay in ay noo soo gurmadaan oo markasta ku doodayaya in raashin uu ka buuxo Muqdisho qudradi ay buuxdo oo dadki la gaarsiin la’yahay inaysan waxba ka jirin waad arkeesaan ilaa iyo 4,000 oo qoys ayaa xe,xaaladu waa ay xumaanaysaa hadaanan la helin xal deg deg ah ilaa iyo 2,000 ayaan war bixinta aan helay wax lasiin karaa marka waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka iyo caalamka iyo umadda Soomaaliyeedba in ay u soo gurmadaan dadkaan dhibaatadu hayso waxaanan rajaynayaa in goloha wasiirada in ay ka hadlaan oo ay fadhi ka yeeshaan sidii xaaladdaan wax looga qaban lahaa.”
Wararka hoose laga helayo xeradaasi Rajo ayaa tibaaxaya in ay halkaasi ay ka jiraan is dabamarin iyo musuq,hadaba maxay dawladu kala socotaa waxaa idaacadda Ergo ay hordhigtay mar kale kusimaha R/wasaaraha?
“walaahi waxaa nasiib dara ah maadaama aan galnay 20 sano oo bur bur ah dadkii waa lakala aamin baxay qofki isaga oo wax qabanaya ayaa waxaa laga yaabaa in wax lagu tuhmo in uu wax is daba marinayo kolay inta aan anaga hada la socno hay’ad baa jirta masiibooyinka Qaranka oo Xukuumada ama Dowlada ay magacowday, dabcan toos uma maamulaan laakiin waa ay la socdaan xerooyinka oo dhan raashiinka way gaarsiiyaan marka ay arkaan in ay dhibaato ka taagantahayna dabcan iyaga ayaa arintaasi masuuliyadeeda qaadaayo, koley ma arag wax la xadayo ama leys daba marinayo waxaan rajeneynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan wixii dhiman loo soo dhameestiro waaba sheegay 4,000 ayaa joogta 2,000 ayaana loo haayaa cunto mana ahan wax la xadayee raashinki baanan la hayn la heynin”
Magaalada Muqdisho ayaa si isla siman waxaa ugu soo qul qulaya dadka wali abaaraha kasoo firxanaya waxa sidoo kale magaalada soo gaaraya gargaar ama kaalmooyin loogu talagalay dadkii horay usoo barakacay abaaraha ka jira gobollada dalka si kastaba ha ahaatee waxay magaalada muqdisho wala la ciirciireysaa dadka u baahan gargaarka ee ay macluushu hayso.