Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: duruufaha nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka la dejiyey xerada cusub ee kaambicaws

admin by admin
October 5, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dhadhaab: duruufaha nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka la dejiyey xerada cusub ee kaambicaws

Qaar ka tirsan qaxootiga ku nool Dhadhaab/Farxaan Lafoole

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Qaar ka tirsan qaxootiga ku nool Dhadhaab/Farxaan Lafoole

Billowgii bishii August  ee sanadkaan ayey ahayd markii hay,adda Qaramada midoobay u qaabilsan dhanka qaxootiga ee UNHCR ay xero qaxooti cusub oo lagu magacaabo Kaambicaws ay ka dhistay meel qiyaastii illaa 10km dhanka bari kaga beegan xerada weyn  ee qaxootiga Xagar Dheere, waxaana xeradaasi ay u dhistay kumanaan qoysas Soomaaliyeed kuwaasoo ka soo hayaamaya abaaraha daran iyo colaadaha ku dhuftay Soomaaliya.

Dadka la soo dejiyay xeradaasi cusub ee Kaambicaws waxaa ka mid ah qoysas xoolo dhaqata ah kuwaasoo  xoolahii ay lahaayeen ay kaga dhamaadeen abaaraha daran ee jira.

Aadan Sheekh Cabdi wuxuu ka mid yahay qoysaska cusub ee halkaasi ay soo dejisay hay,adda UNHCR,  wuxuu Radio Ergo uga waramay  xaaladda guud ee dhinaca nolosha ee ka jirta xeradooda, wuxuuna sheegay in xoolihii uu lahaa ay kaga le,deen abaaraha isagoona sheegay in halkaan ay ku heleen gar gaar aan sidaa u badnayn, dhinaca kale wuxuu xusay inay jiraan dhibaatooyin  ku haysta gudaha xerada kuwaasoo ay ka mid yihiin caafimaad xumi iyo dhibaato dhinaca hoyga ah.

Xeradaan cusub ee Kaambicaws waxaa ku yar dhanka gaadiidka dadkuna waxay maalaan cagtooda markii ay rabaan in ay gaaraan xerada midaan ka weyn ee Xagar Dheere, gudaha kaamka waxaad ku arkaysaa teendhooyin badan oo ay ku qoran yihiin magaca hay,adda qaxootiga ee UNHCR,sidoo kale waxaa gudaha xerada dhex wareegaya gawaari booyado ah kuwaasoo dadka u  qeybinaya biyo ay cabaan,kuwaasoo iyana ay ku xardhan yihiin magaca hay,adda OXFAM.

“Waxaa jira is badal  badan oo kajira halkaan gaar ahaan dadka asalkoodu ku noolaa miyiga xooluhuna abaarta kaga lumen, waxayna dhibaatadda ugu weyn ee saamaynta ku yeelatay noloshooda tahay iyagoo u bartay  in ay cunaan hilibka xoolaha iyo caanahooda laakiin halkaan lagama helo intaaba taasina waxay ku noqotay mid adkaysay noloshooda” sidaana waxaaa tiri Faaduma Yuusuf oo iyadu ah  haweeney ka mid ah qoysaskii ka soo barakacay xaafadda Calanleey   ee degmada Kismaayo, waxa sidoo kale ay sheegtay Faaduma in  xerada looga dhisay teendhooyin ay tiri habeenkiina waa qabow aan celin Karin dhaxanta maalintiina wa kulayl diirku kugu dhagayo,waxana ay dhinaca kale u mahadcelisay hay,adda Alxaramayn oo ay sheegtay in ay abaal weyn u hayaan maadaama ay naga caawisay dhanka nolosha ayay hadalkeeda ku soo gabagabeysay Faduma.

Cabsida ugu weyn ee ka jirtay kaamka ayaa ahayd dhanka ammaanka laakiin hada ammaanku waa mid wanaagsan oo laisku hallayn karo kadib markii ay hawlgalo lagu sugayo amniga ay halkaasi ka billaabeen ciidamo boolis ah oo katirsan dawladda Kenya kuwasoo ka tirsan saldhiga booliska Xagardheere ,waxana ay habeenkii gaaf wareegaan xerada daafaheeeda iyo gudaheeda si ay u xaqiijiyaan ammaanka guud ee xerada,

Xeradaan cusub ee Kaambi caws ayaa waxaa mucaawinooyin kala duwan oo isugu jira bariis sonkor timir iyo agabya kale soo gaarsiiyay dawladda waddanka Turkiga iyo hay,adda Qatar charity taasoo ay wakiil uga tahay hay,adda Xaramayn

Xuseen Cabdi Ibraahim oo kamid ah dadka ku nool xeradaasi isla marahaantaana ka soo barakacay meel u dhaw degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in hay,adahaasi kheyriga aha ay soo gaarsiiyeen ,bariis,baasto,sonkor,iyo timir isagoona u mahadceliyay,hase ahaatee waxa uu intaasi ku daray in ayaantaan aanay helin wax gar gaara.

Qaar kamid ah qoysaska ku nool xeradaan cusub ee kaambi caws ayaa ku eedeeyay hay,adda qaramada midoobay u qaabilsan dhanka qaxootiga ee UNHCR inaysan siinin kaararki ay ku qaadan lahaayen raashinka  iyagoona sheegay in muda ka badan laba bilood ay halkaasi ku sugan yihiin.dhinaca kale hay,adda UNHCR ayaa arrintaan ku micneysay in ay sii kordhayaan dadka ka soo talaabaya  soohdinta ee soo gaaraya xeryaha qaxootiyada eek u yaala dalka Kenya taasina ay keentay ayay yiraahdeeen qulqulka dadka oo ay ku mashquuleen.

Dhamaad

Farxaan Lafoole/MH

Previous Post

CUNNO YARAAN KA TAAGAN XERADA RAJO EE MAGAALADA MUQDISHO

Next Post

SHILLINKA OO QIIMAHIISU HOOS U DHACAY AYAA SAAMAYN KU YEESHAY NOLOSHA DADKA KU NOOL MAGAALADA HARGAYSA

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

January 29, 2026
Next Post
SHILLINKA OO QIIMAHIISU HOOS U DHACAY AYAA SAAMAYN KU YEESHAY NOLOSHA DADKA KU NOOL MAGAALADA HARGAYSA

SHILLINKA OO QIIMAHIISU HOOS U DHACAY AYAA SAAMAYN KU YEESHAY NOLOSHA DADKA KU NOOL MAGAALADA HARGAYSA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-FEB-2026

IDAACADDA 13-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-FEB-2026
February 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-FEB-2026
February 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo