Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

SHILLINKA OO QIIMAHIISU HOOS U DHACAY AYAA SAAMAYN KU YEESHAY NOLOSHA DADKA KU NOOL MAGAALADA HARGAYSA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
October 6, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
SHILLINKA OO QIIMAHIISU HOOS U DHACAY AYAA SAAMAYN KU YEESHAY NOLOSHA DADKA KU NOOL MAGAALADA HARGAYSA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSaacadda ayaa ku beegnayd 12-kii duhurnimo markii aan soo gaarnay Magaalada Hargaysa, isbadello dhinaca dhismaha la xiriira iyo baaritaanda dadka ee dhinaca amaanka ayaa kamid ah qaababka ugu horeeya  oo ay ku kala duwan yihiin garoomada diyaaradaha ee Magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdishu.

Su’aallo la xiriira socodaalkaaga kaddib  waxyaabaha aad arkayso waxaa kamid ah barxadweyn oo leh darjiinno iyo geedo halkaasi lagu tallalay oo qaarkood hoostooda la harsan karo, soo dhowayn ayaad kala kulmaysaa dadka garoonka ka shaqeeya iyadoo ay jiraan  gaadiid la kireeyo oo kuu qaadaya deegaanka iyo dhinaca aad ka doonayso Magaalada.

Waxaanu ujihaysanay gudaha Hargaysa waa safarkii iigu horeeyay oo aan ku tago Magaalada Hargaysa, filashadaydii waxay ahayd in magaalada muuqaal ahaan ay kabaxaad yartahay sida hadda ay tahay laakiin waa magaalo weyn oo leh dhismooyin dhaadheer oo u dhisan qaabab kala duwan oo soo jiidasho leh.

Farasmagaaalaha Hargeysa waa goob aad u mashquul badan, gaadiidka dadweynaha iyo kuwa raaxada ayaa ah kuwo si taako taako ah isku daba taagan, ciidamada Taraafikada ayaa si taxadar uu ku jiro u ilaaliya gaadiidka si aannu u dhicin shilal.

Suleymaan Cumar Qaalib waa taksiille ka shaqeeya gudaha Hargaysa idaacadda Ergo ayuu u sheegay in uu jiro koror ku aadan qiimaha cunnada iyo maciishadda.

“ waxaan ahay taksiille baansiinka ayaa nagu kaca maciishadana way kacdaa, markii shidaalka uu jabnaa koorsada waxaan ku qaadi jiray $6 laakiin hadda waa $10, qiyaastii 5- km, dadka ka yimd Muqdisho ee joogga hargeysa waa walaalaheenna.” Ayuu yiri Qaalib.

Inta aad socoto wadada goobaha aad arkayso waxaa kamid ah taallada xorriyadda, muuqaalada madaxdii hore ee Somaliland, Xarunta Banka dhexe iyo dhismooyin ay deganyihiin shirkado iyo goobo kale oo ganacsi.

“ shaqadeydu waa iibinta Qaatka, nabadda Somaliland waxaa u hawlgalay dadka oo dhan nabaddana waxaa kawadashaqayn kara dowladda iyo shacabka.” Khadro oo ah haweenay iibisa Qaatka ayaa sheegtay.

Marka aad ku sugantahay Muqdisho aragga ciidamo hubaysan iyo gaadiid dagaal waa waxyaabo aan cusbayn balse Magaalada Hargaysa waa dhif iyo naadir in aad suuqyada ku aragto askari hubaysan.

Nabadgalyada kasokow dhinacyada horumarka ay ka samaysay Somaliland waxaa kamid ah waxbarashada.

Qaar kamid ah ardayda waxkabarta magaalada oo aan kula sheekaystay goob lagu shaaheeyo oo ku taalla nawaaxigga taallada xorriyadda ayaa ii sheegay in ay jiraan dhalinyaro badan oo waxbarashada sare u soo doonta Jaamacadaha magaalada Hargeysa.

Sida Muqdisho oo kale bulshado ma ahan kuwo dhegaha la raaca idaacadaha iyo siyaasadaha ka jira wadanka, laakiin waxay kuu sheegayaan in lama taabtaan ay tahay Madaxbanaanida Somaliland.

Si kastba maalmahan waxaa jira hoos u dhac ku yimd qiimaha Dollarka iyo koror ku aadan maciishadda , sida ay ii sheegeen dadka deegaanka arintani waxay keentay in nolosha ay noqoto mid sare u sii socota.

Qaarkamid ah dadka sarifa lacagaha qalaad oo aan weydiiyay sababta waxay ku micneeyeen in lacago badan oo Dollar ah ay soo galeen magaalada maadaama la dhoofiyo Xoolaha sababo ku aadan Xajka.

Xaaladdan waxay sidoo kale ay saamayn ku yeelatay adeegyada kale oo internet-ka uu kamid yahay.

Qoysaska ay saameeyeen dagaalada Koonfurta Soomaaliya oo soo gaaray Somaliland ayaa la ii sheegay in si caadi ah ay uga shaqeystaan magaalada.

Magaalada Hargeysa xilliyada habeenkii dhalinyaro badan oo is dhaaf dhaafaya ayaad ku arkaysaa wadooyinka kuwaasi oo taga goobaha lagu  caweeyo.

Previous Post

Dhadhaab: duruufaha nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka la dejiyey xerada cusub ee kaambicaws

Next Post

30 WARFIDIYEEN OO TABABAR LAGU BARANAYO TEBINTA WARARKA ARRIMAHA BANI’AADANIMO LOOGU SOO GEBAGEBEEYEY HARGEYSA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
30 WARFIDIYEEN OO TABABAR LAGU BARANAYO TEBINTA WARARKA ARRIMAHA BANI’AADANIMO LOOGU SOO GEBAGEBEEYEY HARGEYSA

30 WARFIDIYEEN OO TABABAR LAGU BARANAYO TEBINTA WARARKA ARRIMAHA BANI’AADANIMO LOOGU SOO GEBAGEBEEYEY HARGEYSA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo