
Tabarkan ayaa waxa fulintiisa iska kaashaday RADIO ERGO iyo sanduuqa badbaadda caruurta qaramadda midoobay ee UNICEF.
Kulankaan oo muddo 6 maalmood ah lagu lafa gurayey tebinta wararka la xiriira bani aadnimada ayaa waxa si weyn ugu riyaaqay ka qayb galayaashii, iyagoo dhamaantood isku raacay waxtarka simimaarkani uleeyahay warfidiyeennadda iyo bahda bulshadda gargaarka ka shaqaysa, qaar ka mid weriyayaashii ka qayb galay ayaan ra’yigooda wax ka waydiiyey waxa ay ii sheegeen sida ay ugu faraxsanyihiin tababarkan.
Ugu danbayntii kulan si wayn loo soo agaasimayay ayaa weriyaasha lagu gudoonsiiyay qalab warbaahineed iyo shahaadooyin cadaynaya wixii ka barteen tababarka.











