Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

SARE U KACA SARRIFKA DOOLLARKA MAREYKANKA OO SAAMEYN KU YEESHAY NOLOSHA DADKA KU NOOL XAAFADDA EASTLEIGH

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
October 7, 2011
in Arrimaha Bulshada
0
SARE U KACA SARRIFKA DOOLLARKA MAREYKANKA OO SAAMEYN KU YEESHAY NOLOSHA DADKA KU NOOL XAAFADDA EASTLEIGH
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSicirka cuntada quutul daruuriga ah iyo shidaalka ayaa ka qaaliyoobay  meelo badan oo dunida ka mid ah, taasina waxay saameyn weyn ku yeelatay bulshada saboolka ah.

Xaafadda Eastleigh ee Soomaalidu ay ku badantahay ee magaalada Nairobi, ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah looga dareemay kor u kaca qiimaha cuntada aasaasiga u ah nolosha aadmiga. Is baddalkaasi ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay sarrifka doollarka mareykanka oo si aan xad lahayn uga sara maray shilinka Kenya.

Ganacsatadii ayaa waxay taasi ku qasabtay inay laba jibbaar iibiyaan badeecooyinkooda intii ay iibin jireen ka hor muddo saddex bilood haatan laga joogo.

Bulshada  ku nool Eastleigh ayaa waxay isugu jiraan kuwo iyagu leh ganacsiyo u gaar ah, kuwo dad kale u shaqeeya oo bishii qaata mushaar go’an iyo kuwo dibadda laga soo biilo, intaba waxaa la oran karaa wuu wada saameeyay.

Caasha Cabdullaahi waxay ka ganacsataa maqaayad oo ay ka soo saarataa biilkeeda, waxay inooga warrameysaa sida iyada uu u saameeyay sare u kaca doollarka.

“maqaaxi baan ka shaqeystaa, raashiinkii aan ayaa laba jibbaar innagu noqday xitaa haddaan kordhinnay qiimihii aan iibin jiray cuntada maqaayadda weli khasaaro un baa iigu sugan sare u kaca doollarka si aad ah ayuu inoo saameeyaydan nooguma jirto aad baan ugu khasaarnay” sidaasi waxaa tiri Caasha.

Cabdi Cali, waa dukaanle badeecooyinka tafaariiqda ku iibiya Eastleigh, wuxuuna ka warramayaa in macaamiishii uu hore u lahaa ay badankood ka kala tageen sababtuna ay tahay sare u kaca cuntada .

“ waxaan ka cabaneynaa badeecadii  oo aad u kacday, kiishka sokorta oo aan markii hore ku gadan jirnay illaa saddex kun iyo saddex boqol shilinka Kenya haatan wuxuu marayaa illaa toban kun oo shilin taasina ay sababtay doollarka oo aad u kacay badeecadiina saameeyay. Marka waxaan codsaneynaa in doollarka nalaga dhimo oo nalaga xakameeyo, macaamiishii ayaa naga kala tagtay badeecada oo qaali ah awgeed”

Qudaarta oo dadku ay si aad ah u iibsadaan ayaa iyaduna mudooyinkii ugu dambeeyayba ahayd mid aad qaali u ah dadkuna ay cabasho ka muujinayaan. Hibo Maxamuud oo ka mid ah gabdhaha ka ganacsada qudradda ayaa waxay leedahay

“sare u kaca doollarka aad buu inoo saameeyay khasaare ayuu inoo keenay, qudaartana aad bey u kacday taasina waxay nagu keentay suuq la’aan”

Cabdiraxmaan Xirsi waa sarrifle isku sarrifka lacagaha doollarka mareykanka iyo shilinka Kenya, wuxuuna inooga sheekeynayaa is badalka uu isaguba indhihiisa ku arkay.

‘Doollarka aad buu u saameeyay ganacsatada soomaalida ah ee ku sugan Eastleigh, sababtoo ah doollarka oo lagu sarrifi jiray siddeed kun oo shilinka Kenya ah hadda wuxuu marayaa toban kun iyo wax ka sarreeya, sidaa darteed maciishaddii baa kor u kacday ninkii badeecada heystay xitaa ma yaqaanno wuxuu gado, marka waxaad arkeysaa dukaamo xiran oo aan wax laga gadan, mararka qaar ayaa waxay ganacsatada door bidaan inay dukaamadooda iska xiraan illaa inta ay xaaladdu iska baddaleyso”

Waxaa jira in dadka dibadda laga soo biilo, inkastoo ay lacag intii hore ka badan ay ku helayaan marka ay doollarka ku baddalanayaan shilinka Kenya haddana waxaa taas daba socota khasaare lixaad leh, Sababtoo ah marka ay lacagtaas badan geeyaan suuqa ma ahan mid wax badan u goyneysa. Fardowso oo dadkaas dibadaha laga soo biilo ka mid ah ayaa arrintaasi inoo sharxeysa:

“waxaan idiin sheegayaa inaan sare u kaca doollarka wax faa’iido ah inoogu jirin, aniga marka la ii soo diro lacagta doollarka ah waxaan ku sarrifanayaa lacag badan oo shilinka Kenya ah, laakiin markaan suuqa geeyo ee aan doonayo inaan ku soo adeegto wax badan iima goyneyso marka khasaare maahee faa’iido kuma qabno”

Ma ahan mid la soo koobi karo sida sare u kaca sarrifka doollarka mareykanka uu u saameeyay dhammaan badeecooyinka, dadka iyagu shaqeeya ee bishii qaata mushaar go’an kuna qaata shilinka Kenya ayaa dhibaato lixaad leh iyaguna qaba. Waxaa dhacda in qof reerkiisa Somalia jira u diri jiray biil uusan haatan awoodin. Dadkaasi waxaa ka mid ah Rayaan Cabdulqaadir oo ka shaqeysa dukaan dharka lagu iibiyo.

“aniga waxaan u shaqeeyaa Maamo dukaankan isla leh, waxaan qaataa Toban kun shilinka Kenya, markii hore hooyo oo Soomaaliya jirta ayaan u diri jiray 50 Doollar, laakiin hadda ma awoodo waayo doollarkii ayaa qaali ah. Toban kun kama goyn karo hadda Kontan Doollar waayo biilkeygaba kuma filna”

Barnaamijkeennii ganacsiga ayaan intaas ku soo gabagabeyneynaa, oo aan maanta kaga hadleynay sare u kaca ku yimid qiimaha doollarka mareykanka iyo sida uu u saameeyay bulshada iyo ganacsatada ku nool xaafadda Eastliegh ee magaalada Nairobi, Kenya.

Previous Post

30 WARFIDIYEEN OO TABABAR LAGU BARANAYO TEBINTA WARARKA ARRIMAHA BANI’AADANIMO LOOGU SOO GEBAGEBEEYEY HARGEYSA

Next Post

AMB:YUUSUF MAXAMAD ISMAACIIL (BARIBARI) OO KA HADLAY QORSHE CUSUB OO WAX LOOGA QABANAYO ABAARAHA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
AMB:YUUSUF MAXAMAD ISMAACIIL (BARIBARI) OO KA HADLAY QORSHE CUSUB OO WAX LOOGA QABANAYO ABAARAHA

AMB:YUUSUF MAXAMAD ISMAACIIL (BARIBARI) OO KA HADLAY QORSHE CUSUB OO WAX LOOGA QABANAYO ABAARAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo