Wareysi xiise badan oo dhinacyo badan taabanaya waxaa Ambassador Yusuf Baribari la yeeshay Maxamad Gaarane oo ERGO ka tirsan, waxaana ugu horeyn waydiiyay waxyaabihii lagu soo qaaday shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Geneva?
Jawaab: – Xarunta qaramada midoobay ee magaalada Gineva waxaa ka dhacay shirar badan ,waxaana aan u kala qaadi karnaa 2qeybood mid waxa uu ku saabsanaa,xuquuqul insaanka kan kalana waxa uu ku saabsanaa arrimaha Gargaarka bini,aadanimo.,shirarka xuququl insaanka 21 septembar waxaa dhacay shir mihiim ah kaasoo ku aadanaa dib u eeegida jawaabaha Dkmg soomaaliya ka bixisay 150kii talooyin ee loo soo jeediyay bishii may ee sanadkaan.72 dowladood oo ka hadlay shirkaasi ayaa ku taliyay in dkmg soomaaliya iyo maamulada jira gacan laga siiyo,arrimaha xuquuqdaa aadamaha,150kaasi talooyin ayaa dowlladdu waxa ay go,aansatay in ay aqbasho 150 kaas iyo shan talooyin oo runtii ay dowladdu dhuuxday ayaay dawladdu go,aansatay in 151 kamid ah talooyinkaasi inay qaadato 4 kamid ahna ay aqbasho si Principle ahaan ah maadaama durufaha hadda dalka ka jira uusan saamaxayn in la dhaqan galiyo, alxamdulillaah 21septembar golaha xuququl insaanku wuxuu isku raacay ansixiyaynadhammaan jawaabihii ay dawladda soomaaliyee u soo gudbisay golaha.
Su’aal: -Mudane Ambassador talooyinkaas loo jeediyay soomaaliya maxaa ugu mihiimsanaa?
Jawaab- Waxaa loo qeybin karaa 34 talooyin oo 7 kamid ah ay quseeyaan xukunka dilka ah, 34 talooyina talooyinka la isku yiraahdo xaqa loo leeyahay nolosha ,17 talooyinna waxa ay ahaayeen in dawladdu ansixiso heshiisyada caalamiga ah ee jira ee ku saabsan xuququl insaanka, 14 talooyinna waxay ku wajahnaayeen garsoorka, 10 talooyinnna waxay ku wajahnaayeen xorriyatul qowlka iyo talooyin kale.
Su’aal: -Maxaa laga yiri arrimaha gargaarka?
Jawaab- Dal 20sano iyo ka badan sidee buu dal emergency ugu jiri karaa taas waxaa weye midaan hor dhigay shirka dalalkoo dhamina igu taageereen,dalalka aan deriska nahay xitaa abaar baa ka jirta ,lakin sidey shacabkeena abaarta ugu baa,ba,ayaan uguna dhintaan kuwa wadamada deriska ah.
Su’aal: -Ambassador Bari bari waxaa nagu maqaalo ah in qorshe uu ku dhawaaqay raiisal wasaare C/wali aad ka jeedisay madasha shirka, muxuu ahaa qorshahaasi?
Jawaab-Raiisal wasaaraha waxa uu ahaa qorshihiisu in dalka ceelal laga qodo si dadkeenu uga baxaan baahida ay u qabaan biyaha, ,dadkeena ma waxaan mar waliba ku hallayneynaa in loo soo gurmado oo raashin loo keeno waa maya ,ka hor tagga ayaa ka wanaagsan kadaba taga ,qorshaha raiisal wasaarahu waa mid taariikhi ah oo ku wajahan hirgalinta ceelal biyoodyo in looga qodo dalka.marka qorshahaasina si weyn ayuu u soo dhaweeyay goluhu,qorshaha noogu wanaagsanna waa in dalkeena laga qodo ceelal biyoodyo,
Su’aal:-Majirtaa dalal aad arrintaasi kala hadasheen?
Jawaab: -Aad iyo aad dalal badan ayaay soo dhaweeyay qorshahaasi balanqaadyana noo sameeyay maxaa yeelay dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah dagaalada ka dhex dhaca badanaa dhexdooda waxaa aabbo u ah ceelal biyoodyada,marka waxaan soo jeedinay in nalaga taageero oo dalka la keeno qubaro ka shaqaysa hirgalinta ceelal biyoodyo ,dhisida dugsiyo ardaydu wax ku bartaan,in ay cusbitaalada hagaajiyaan ,in kanaalada ay nadiifiyaan oo ay furan,aad ayaayna mihiim noogu tahay soomaali dagaal waa ka daashay awood ciidan xal laguma keeni karo. Waa nin shacabku ay helaan,biyo waxbarasho,caafimaad.waxaan ka codsanaynaa ciidamada hadda dalak jooga in ay noo keenaan ciidamada ka shaqeeya milatery ingineering course,oo ka shaqeeya horumarka.raiisal wasaaruhuna arrintaasi aad ayuu uga shaqaynaya sidii loo keeni lahaa qubaradaasi.ururka iskaashiga dalalka islaamka waxay ku dhawaaqeen in soomaaliya oo dhan ay ka qodayaan 270 ceel,270 ceelna soomaaliya oo dhan kuma filna ee waa bilaw.
Wareysigaas oo dheer oo maqal ah waxaad ku dhageysan doontaan idaacadaheenna dambe hadduu eebbe Idmo