Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

GANACSATADA SUUQA BAKAARAHA OO BILAABAY INAY DIB U DAYACTIRAAN GOOBAHOODII KADIB MUDDO BIL AH OO SUUQ XIRNAA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
October 12, 2011
in Wararkii u Danbeeyay
0
GANACSATADA SUUQA BAKAARAHA OO BILAABAY INAY DIB U DAYACTIRAAN GOOBAHOODII KADIB MUDDO BIL AH OO SUUQ XIRNAA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSuuqa  Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn ee ay ka ganacsadaan dadweynaha ku nool  gobollada koonfurta iyo bartamaha soomaaliya oo muddoyinkii ugu dambeeyay aanay ka jirin wax ganacsi ah oo la taaban karo isla mar ahaantanaa ay ragaadiyeen oo ay la hareen dagaalo iyo duqeymo sababay in marki dambe suuqu xirmo,

Hada waxaa ka soconaya gudaha suuqa diyaar garow iyo dayactir xoogan kaasoo ganacsatadu ay ku doonayaan in mar kale suuqu uu dib u hawlgalo,

Waxaa gudaha suuqa ku soo qulqulaya ganacsato iyo dadweyne aad u tira badan waxaa ka soconaya dhaqadhaqaaqya xoogan ,waxaad ku arkaysa gudaha suuqa shaqaalaha ka shaqeeya dhismayaasha oo ku mashquulsan dayactirka goobihii ganacsi ee ku burburay madaafiicda.

Wariyaheena Yusuf Keynaan oo booqday suuqa Bakaaraha una kuur galayay   qaabka ay hawluhu uga socdaan halkaasi ayaa waxaa u suura gashay inuu halkaasi ku wareysto mid kamid ah shaqaale dhisme xilli uu saarnaa dabaq uu hawlo dayactir ka hayay,waxana uu weydiiyay.hawsha ay halkaasi ka hayaan “waxaan wadnaa dib u dayctirid guryihi ay madaafiicdu ku dhaceen ayaantaana waan wadnay ,ganacsatada iyo milkiilayaasha ayaana go,aansaden in ay dib u dayactirtaan goobahooda ganacsi.”

Goobaha uu dayactirka xoogani ka socdo waxaa ka mid ah agagaarka wadada ay ku badanyihiin shirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha,goobaha la dayactirayo sidoo kale waxaa kamid ah ,maqaayadaha laga cunteeyo ,Axmad Xassan waa milkiilaha maqaaxi weyn oo ku taala agagaarka isgoyska Hawlwadaag wuxuu Radio Ergo uga waramay, sida uu dareenkoodu yahay “dareenkeenu waa fiicanyahay waa naga buburtay maqaayadda waxaan halkaan u joognaa dayactir waadna u jeedaa siday xaalku yahay” .

Sidoo kale Cumar Aadan Wardheere waa mid kamid ah masuuliyiinta Hotel City oo  kamid ah hoteeladii ku burburay dagaalada waxa uu isna Ergo u sheegay in ay dib u hawlgalinayaan hoteelkooda .
“
Waxaan ku nolahay suuqa Bakaaraha illaa ciidamadii Ethopia ay joogeen  illaa hada waan ka dhex shaqayanayay kaliya 25 maalmood ayaan halkaan ka maqnaa waxaan ku faraxsanahay inaan dib u billaabo hawlahaygii” sidaana waxaa tiri  Maryan Xaaashi Kadiye oo ka mid ah haweenka shaaha ku dhex iibiya gudaha suuqa weyn ee bakaaraha.

Rajada hada soo gashay ganacsatada bakaaaraha ayaa timid maalmo kadib markii madaxweynaha dowlada fadraalka soomaaliya Shariif shiikh axmed uu kormeer ku tagay suuqa oo sanado kahor ay ugu danbeysay isagoo xarigana kajaray dib u howlgelintiisa

“Fursad weyn ayeey ii tahay inaan maanta furo suuqa weyn ee bakaaraha waa suuq muhiim u ah nolosha dadka soomliyeed gaar ahaan nolosha reer muqdisho waa meesha ganacsiga ugu badan yi hantida ugu badan aya taalo ganacsiguna waxaa uu kamid yahay wax yaabaha aan nolosha la,aanteed la maareyn karin markaa inuu noqdo suuqaan suuq amni ah oo ganacsiga si xoogan oo ugu socdo ee aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay dowladana waxay bixin doontaa juhdi aad iyo aad u weyn”

Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) waa  guddoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha waxaa uu  tilmaamay in suuqa ay dhibaato badan  ka soo gaartay dagaalada  ganacsataduna ay aaminaadii kabaxday wax walibana ay ku xirnaandoonto sidii ay ay isu fahmaan ganacsatada iyo ilaalada suuqa waxana uu yiri,

“ waa runtaa suuqa Bakaaruhu muda dheer  ayuu cakir may  sababtoo ah waxay noqotay goob dagaaleed meel haduu dagaal ka dhacana meel lagu ganacsana maahan ,hadba furitaanka suuqu waxaa uu ku xiranyahay hadba sidii loo adkeeyo nabaddda,madaxwweynuhuna waa inoo yimid”

Gudoomiayaha ganacsatada Bakaaraha ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in suuqa lafuro ganacsataduna aysan sinaba taa caqabad ugu noqoneynin iyaguna ay yihiin nabad ku nool ganacsigana ku faaiida,
“wali waxaa dhagaheena ka yeeraya xabadihii iyo madaafiicdii lagu soo garaacayay suuqa ,dawladda waxaan uga fadhinaa sugida amniga,ganacsataduna xaqabad kuma noqonayaan furida suuqa”

Si kastaba suuqa Bakaaraha ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ahaa  goob  hooy u noqotay madaafiic iyo dagaalo silsilad ah, kuwaasoo sababay dhimasho dhaawac iyo burbur haniyeed,waxaana dib u hawlgalidaan suuqu ay noqonaysaa mid ay ku farxaan soona dhaweeyaan xoogsatada,muruqmaalka iyo qeybaha kala duwan ee ganacsatada.

Previous Post

Isbitaalka SOS oo ku xirmay dagaalada Muqdisho

Next Post

MUQDISHO: WAA SIDEE XAALADDA CAAFIMAAD EE DADKA QABA CUDURADA DHIMIRKA

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 10, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Next Post
Barakacayaal cusub oo ku dhibaataysan xuduuda kenya iyo soomaaliya

MUQDISHO: WAA SIDEE XAALADDA CAAFIMAAD EE DADKA QABA CUDURADA DHIMIRKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-JUL-2026

IDAACADDA 10-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUL-2026
July 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo