
Cayaarta waxaa soo qabanqaabiyay maamulka Ximin iyo Xeeb iyadoo ka dhacday garoonka weyn ee degmada Dhuusomeeb, waxaana loogu magac daray kulanka nabadda.
Inkastoo ay kooxdii ka socotay Cadaado ay soo bandhigtay firfircooni haddana guusha ayaa waxaa 4-1 ay ku raacday kooxdii ka socotay Degmada Cadaado.
Barnaamijka cayaaraha ee Radio ERGO ayaa waxaa la hadlay qaar kamid ah dhalinyaradii ciyaartaasi ka qeybgashay waxayna sheegeen in kasokow guusha cayaarta ay dhalinyaradu mudadii ciyaaraha ay isbarteen isna dhexgaleen.
Baashe Cabdullahi Warsame oo ah gudoomiyahaa sportska degmada Cadaado ayaa tilmaamay in ay sii socon doonaan kulama noocaasi ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo isdhexgalka dhalinyarada.
“ Kooxdan waa 17 cayaartooy iyo 8 guddi ah, waxaana aan rumeysanahay in marka la eego tayada kooxdeenna Cadaado ay u qalanto in ka cayaarto heerarka sare” ayuu sheegay
Degmada Cadaado waxaa waxaa sidoo kale ka socda cayaaro u dhaxeeya kooxo ka wada dhisan degmadaasi.











