Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

HOOYOOYINKA OO KA MURUGEYSAN CARRUURTOODA U DHIMANAYA CUDURRO JADEECADA AY KA MID TAHAY

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
October 3, 2011
in Caafimaadka
0
HOOYOOYINKA OO KA MURUGEYSAN CARRUURTOODA U DHIMANAYA CUDURRO JADEECADA AY KA MID TAHAY
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankCudurka jadeecada, oo ka mid ah cudurrada dilaaga ah ee muddooyinkii dambe si xowli ah ugu fidayay xeryaha barakacayaasha magaalada muqdisho ayaa wuxuu soo ritay carruur tiro badan iyadoo qaarkoodna ay u dhinteen.

Hooyooyinka ay cudurkaasi uga le’anayaan carruurta, ayaa sheegaya inaysan heysan daryeel caafimaad iyagoo walaac ka muujiyay carruurta ay hal hal u weynayaan.

Faadumo Maxamed Cali, waa hooyo ku nool xerada Soomaaliweyn oo dhowaan laga aasaasay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, waxay iyadoo murugeysan u sheegtay Raadiyaha  ERGO in afar carruurteeda ka mid ah ay toddobaadkii hore dhexdiisa ugu geeriyoodeen  gudaha xeradaasi nafaqo darro iyo cudurka jadeecada oo is biirsaday.

“ waxaan soo marnay jid dheer si aan halkaan uga helno cunto iyo daryeel caafimaad, laakiin hadda afar carruur ah ayaa naga dhimatay hal isbuuc gudahiisa haddana kuwo kale oo xanuunsan wax daaweynaya ma laha” ayay tiri hooyo Faadumo.

Muna Aadan oo iyadana ka mid ah hooyooyinka carruurtooda ku weynaya cudurrada ka jira xeryaha barakacayaasha ayaa sheegtay, in mid ka mid ah carruurteeda uu toddobaadkii tegay ka dhintay haatanna mid kale uu ka xanuunsan yahay isla markaana aysan u heli Karin daaweyn.

Cali Xaaji oo ah hormuudka kaamka Soomaaliweyn, ayaa raadiyaha ERGO uga warramay tirada carruurta maalin walba xeradaasi ugu geeriyooda cudurrada kala duwan iyo xaaladda dadka ku jira xeradaasi.

“ haddaan ka hadlo xaaladda xeradan, waan ku ba’nay gargaar nagu filan ma helno. Carruur badan ayaa dhintay waxaan hayaa  illaa toban inay toddobaadkan ugu dhinteen xeradan cudurka jadeecada. Waxaan ka codsaneynaa dowladda ku meel gaarka  ah ee Somalia iyo hay’adaha gargaarka inay naga soo gaaraan” sidaa waxaa yiri guddoomiye Cali Xaaji.

Xaliimo Cabdow oo iyadana ka mid ah, dadka barakacayaasha ah ee xeradaasi ku jira ayaa sheegtay in markii hore ay ka soo qaxeen gobollada Baay iyo Bakool ka dib markii xoolahoodii ay abaaraha uga le’deen. Markii ay xeradaasi yimaadeen ayay sheegtay inaysan ka heli gargaarkii ay filayeen .

“ carruurtii gaajo iyo cudurro ayay u dhimanayaan, ma heysanno wax aan ka galno dhaxanta daran ee habeenkii mana helno cunto aan quudanno, waxaan codsaneynaa in gargaar deg deg ah naloo fidiyo” ayay tiri Xaliimo.

Tiro yar oo ka mid ah xarumaha caafimaadka magaalada Muqdisho, ayaa barakacayaasha ay ka helaan daryeel caafimaad laakiin ma ahan kuwo dabooli kara baahidooda.

Yussuf  Keynaan/FM

Previous Post

Hooyooyinka ku sugan xeryaha barakaca oo murugo xun ay ku reebtay macaluusha ka muuqata carruurtoodda

Next Post

DEGMOOYINKA DHUSOMAREEB IYO CADAADO OO KULAN CAYAAREED YEESHAY

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
DEGMOOYINKA DHUSOMAREEB IYO CADAADO OO KULAN CAYAAREED YEESHAY

DEGMOOYINKA DHUSOMAREEB IYO CADAADO OO KULAN CAYAAREED YEESHAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-JAN-2026

IDAACADDA 19-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JAN-2026
January 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo