Cudurka jadeecada, oo ka mid ah cudurrada dilaaga ah ee muddooyinkii dambe si xowli ah ugu fidayay xeryaha barakacayaasha magaalada muqdisho ayaa wuxuu soo ritay carruur tiro badan iyadoo qaarkoodna ay u dhinteen.
Hooyooyinka ay cudurkaasi uga le’anayaan carruurta, ayaa sheegaya inaysan heysan daryeel caafimaad iyagoo walaac ka muujiyay carruurta ay hal hal u weynayaan.
Faadumo Maxamed Cali, waa hooyo ku nool xerada Soomaaliweyn oo dhowaan laga aasaasay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, waxay iyadoo murugeysan u sheegtay Raadiyaha ERGO in afar carruurteeda ka mid ah ay toddobaadkii hore dhexdiisa ugu geeriyoodeen gudaha xeradaasi nafaqo darro iyo cudurka jadeecada oo is biirsaday.
“ waxaan soo marnay jid dheer si aan halkaan uga helno cunto iyo daryeel caafimaad, laakiin hadda afar carruur ah ayaa naga dhimatay hal isbuuc gudahiisa haddana kuwo kale oo xanuunsan wax daaweynaya ma laha” ayay tiri hooyo Faadumo.
Muna Aadan oo iyadana ka mid ah hooyooyinka carruurtooda ku weynaya cudurrada ka jira xeryaha barakacayaasha ayaa sheegtay, in mid ka mid ah carruurteeda uu toddobaadkii tegay ka dhintay haatanna mid kale uu ka xanuunsan yahay isla markaana aysan u heli Karin daaweyn.
Cali Xaaji oo ah hormuudka kaamka Soomaaliweyn, ayaa raadiyaha ERGO uga warramay tirada carruurta maalin walba xeradaasi ugu geeriyooda cudurrada kala duwan iyo xaaladda dadka ku jira xeradaasi.
“ haddaan ka hadlo xaaladda xeradan, waan ku ba’nay gargaar nagu filan ma helno. Carruur badan ayaa dhintay waxaan hayaa illaa toban inay toddobaadkan ugu dhinteen xeradan cudurka jadeecada. Waxaan ka codsaneynaa dowladda ku meel gaarka ah ee Somalia iyo hay’adaha gargaarka inay naga soo gaaraan” sidaa waxaa yiri guddoomiye Cali Xaaji.
Xaliimo Cabdow oo iyadana ka mid ah, dadka barakacayaasha ah ee xeradaasi ku jira ayaa sheegtay in markii hore ay ka soo qaxeen gobollada Baay iyo Bakool ka dib markii xoolahoodii ay abaaraha uga le’deen. Markii ay xeradaasi yimaadeen ayay sheegtay inaysan ka heli gargaarkii ay filayeen .
“ carruurtii gaajo iyo cudurro ayay u dhimanayaan, ma heysanno wax aan ka galno dhaxanta daran ee habeenkii mana helno cunto aan quudanno, waxaan codsaneynaa in gargaar deg deg ah naloo fidiyo” ayay tiri Xaliimo.
Tiro yar oo ka mid ah xarumaha caafimaadka magaalada Muqdisho, ayaa barakacayaasha ay ka helaan daryeel caafimaad laakiin ma ahan kuwo dabooli kara baahidooda.
Yussuf Keynaan/FM