Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Hooyooyinka ku sugan xeryaha barakaca oo murugo xun ay ku reebtay macaluusha ka muuqata carruurtoodda

Radio Ergo by Radio Ergo
September 29, 2011
in Cunto-Yaraanta
0
Hooyooyinka ku sugan xeryaha barakaca oo murugo xun ay ku reebtay macaluusha ka muuqata carruurtoodda
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee ku teedsan qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho oo aan u kuur galay xaalada ay ku sugan yihiin caruurta iyo haweenka ayaa waxaan indhahayga ku soo arkay caruur farabadan oo xiligani la ildaran cuduro ay ka mid yihiin jadeecaddaa shuban iyo nafaqadaro

Qaar kamid ah hooyooyinka barakcayaasha ah ee an kula sheekeystay xeryha aan booqday ayaa waxay ii sheegeen in caruur farabdan ay ka geeriyoodeen tan iyo markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho kuwaasoo sheegay iney u geeriyoodeen shuban iyo nafaqadaro kadib markii ay sheegeen in caruurta aan loo haynin wax ay cuni karaan, iyadoo xeryha qaar laga kariyo sida ay ii sheegeen barakacayaasha aan la kulmay hal waqti oo la siiyo garaan bariis ah waaba hadii ay kala gaarto sida ay ku waramayaan barakacayaasha.

Madino Afraxey waa hooyo haysata gabar yar oo 5 sano jir ah lana yiraahdo Adeego Ibraahim Osman, gabadhan yar ayaa waxaa ka muuqda xaalad nafaqadaro oo aad u liidata mana awoodo canugtan  inay saami u joogsato nafaqadarada haysata aawgeed “shuban, matag, qandho, wax ma cunayso, biyo keliya ayey cabtaa xaaladeeda waa sidaas” sidaasi waxaa ii sheegtay Hooyo Madino

Sidoo kale Xalimo Abukar waa hooyo ku dhaqan xerada  barakcayaasha Markaabo waxey ii sheegtay in caruur ay dhashay ay cudarka Jadeecada kaga geeriyoodeen xeradan todobaadkii la soo dhaafay  iyadoo iminkana caruur kale ay ka hayso xanuunka jadeecadda iyo nafaqadaro “  Jadeecaa iiga dhacday tan iyo bishii Soon ayay haysaa, waxaan siiyo malaha, caano malaha, sonkor malaha, roobaa nagu da’ayo waa dhibannahay”

Hooyadan oo magaceeda ku bilaabaysa ayaan waxaan kula kuylmay xerada barkacayaasha isbartiibo degaanka Sonakey ee degmada Hodan waxeyna ka sheekeynaysaa dhibaatooyinka nolol xumo ee ku haysata iyada iyo caruuteeda campka ay ku nool yihiin  “aniga magacayga waa Iisho Ibraahim Ceymooy, aniga waxaan cunaayo malahan, canuga naaska iga nuugayo waxba igama helaayo, dhar mahaysano wax ma haysano, waxaan lahaa sideed caruur ah hal caloolaa iga dishay, waxaan ka wadaa calool shuban ayuu u dhintay, halkaan hal waqti oo bariis qaleyl ah ayaan ka cunaa caruurta wax ma u heyno, waxaan codsanaynaa in nala kaalmeeyo”

Dhanka kale xeryaha barakacayaasha qaar kood ee aan booqday ayaa waxaan ku arkay caruur kaligooda nool kuwaasoo waalikdii dhalay la ii sheegay in ay  geeriyoodeen halka qaar kalana ay waalidiintooda  ku kala lumeen abaarta darteed,  gabadhan yar oo magaceeda ku bilaabaysa ayaa waxay ka mid tahay caruurta waalid la’aanta ku nool xerada barakacayaasha markaabo 2 ee degmada Hodan waxayna gabadhan yar ay wada nool yihiin laba caruur ah oo ay iyadu ugu weyntahay “Magacayga waa bishaaro walaalayaalow waxaan ka imaanay buur, halkaan roob ayaa nagu dhibaateeyay, waxaan cuno mahaysano, waxaan nahay caruur agoon ah oo waalidkoodu  geeriyoodeen, halkaan waxan u imaanay inaan helno waxaan cuno” sidaasi waxaa Radiyaha Ergo u sheegtay Bishaaro

Sidoo kale xeryaha ay daganyihiin qoysaska barakacayaasha ee aan booqday ayaa waxaa ka mid ah Xerada Barakacayaasha  Muuri oo u dhow safaaradii hore Mareykanka ee gudaha magaaladda Muqdisho halkaasoo ay ku nool yihiin Haween iyo Caruur farabadan oo la ildaran cuduro iyo Nafaqadaro.

Hooyooyinkii aan halkaasi kula sheekeystay waxaa kamid ah hooyo lagu magacaabo Haawo Ahmad waxey ii sheegtay hooyadan in laba caruur ah ay ka geeriyoodeen laba todobaad kadib markii uu haleelay cudurka.

Isku soo wada duuboo caruurta ku dhuqan xeryha barakcayaasha ee gudaha magaalada Muqdisho ayaa xiligani ah kuwo ula’anaya cuduro ay kamid yihiin Jadeecada, Shubanka iyo nafaqadaro, kuwaasoo aaanan helin wax daryeel ah hadii ay ahaan lahayd mid caafimaad iyo mid quudin intaba.
Sacdiya Mohamed/MH

Previous Post

Shir hay’adaha gargaarku ku qabteen Muqdisho iyo ururka Alshabaab oo bilaabay dib u celinta barakacayaashii abaaraha

Next Post

HOOYOOYINKA OO KA MURUGEYSAN CARRUURTOODA U DHIMANAYA CUDURRO JADEECADA AY KA MID TAHAY

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
Next Post
HOOYOOYINKA OO KA MURUGEYSAN CARRUURTOODA U DHIMANAYA CUDURRO JADEECADA AY KA MID TAHAY

HOOYOOYINKA OO KA MURUGEYSAN CARRUURTOODA U DHIMANAYA CUDURRO JADEECADA AY KA MID TAHAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-JUN-2026

IDAACADDA 25-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo