Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shir hay’adaha gargaarku ku qabteen Muqdisho iyo ururka Alshabaab oo bilaabay dib u celinta barakacayaashii abaaraha

Radio Ergo by Radio Ergo
September 28, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Shir hay’adaha gargaarku ku qabteen Muqdisho iyo ururka Alshabaab oo bilaabay dib u celinta barakacayaashii abaaraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankShir jaraaid oo si wada jir ah ay ugu qabteen magaalada Muqdisho afhayeenka hay’adda WFP Susannah Nicol iyo madaxa Hay’adda OCHA koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Peter Neussl ayaa looga hadlay xaaladaha bini aadannimo ee kajira Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in cunno lagaarsiiyo dadka dhibaataysan.

Madaxa OCHA ayaa sheegay in ay sii korhayaan dhibaatooyinka ka dhashay abaarhaa ku dhuftay Soomaaliya isagoo tilmaamay in abaaraha ka sokow dagaalada ka soconaya dalka ay keeneen barakacayaal farabadan oo ku barakacay gudaha Soomaaliya, waxaa jira deegaanno aanu gaarin gargaarka sidii loogu talagalay oo qaarkood ay ka taliyaan Al-shabaab, madaxa OCHA konfurta Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay adagtahay in raashiin gargaar ah la gaarsiiyo dad ku dhibaataysan deegaannada ay ka taliyaan Al-shabaab balse ay jiraan iskaashi ay la sameeyeen ururo xiriir la leh Al-shabaab oo dadka gaarsiiya cunnada loo qorsheeyey.

Hay’adda WFP ayaa dhinaceeda sheegtay in ay qorsheynayaan taakuleyn ay u sameeyaan 1.9 million-oo qof oo ku nool Soomaaliya dhamaadka sanadkan.

Haweenayda afhayeenka u ah WFP Ms. Nicol ayaa xustay inay 23-xarumood oo ku yaala Muqdisho ay quudin ugu sameeyaan 100,000 oo qof kuwaasi oo hela cuno bisil oo nafaqeysan.

Afhayeenka WFP mar ay ka jaawaabaysey musuq maasuqa lagu eedeeyo inuu hareeyey gargaarka loo wado dadka tabaalaysan waxay sheegtay in ay sameynayaan baaritaano ku aadan cunnada la musuq maasuqo oo sidii la rabey aanu u gaarin dadka dhibaataysan.

Hay’adaha WFP iyo OCHA ayaa si wada jir ah u sheegay in ay sii adkaanayso xaaladda dadka ay saameeyeen abaaraha iyadoo madaxa OCHA koonfurta iyo bartamaha Mr. Neussl  xusay sida ay sheegtay UNICEF in 80% caruurta Soomaaliya ay yihiin kuwo la dhibaataysan cudurada ay ka midka yihiin Duumada iyo Jadeecada.

Qoysas dib loo celinayo.

Qorshayaal dib loogu celinayo kumanaan barakacayaal ah ayaa ka soconaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Maamulka xarakada Al-shabaab iyo guddiga abaaraha ayaa iska ka shanaya daadgureynta qoysaska oo ay asiibeen abaaraha Soomaaliya.

Sheek Suldaan Al-maxamed oo ka tirsan saraakiisha Al-shabaab ayaa saxaafadda u sheegay in ay dib u celiyeen afar iyo toban kun oo qoys kuwaasi oo markii hore ka soo barakacay deegaano ay kmid yihiin Ufurow Diinsoor iyo Qansaxdheere ee gobolka Bay.

Qoysaska maamulka uu tiro koobka ku sameeyay ayaa ahaa 17,000 iyadoo haatan ay baaqi ku yihiin kaamamka 13,000 oo haatan la qorsheynayo in dib loo celiyo.

Gudoomiyaha degmada Baydhabo ayaa sheegay in talaabadni ay qaadeen markii ay soo dhowaadeen xilli roobadka dayrta islamarkaasina la doonayo in laga faaidaysto beeraha oo dadka lagu dhiiriyo wax soo saarka. gudoomiyaha ayaa tilmaamay in taageero ay siin doonaan dadka haatan ay dib ugu celiyeen deegaanadoodii ay abaaruhu ka soo barakiciyeen.

A Koranto/MH

Previous Post

Kulan saddex geesood ah oo dhexmaray UNHCR, Soomaalida qaxootiga ah iyo dawladda Koonfur Afrika

Next Post

Hooyooyinka ku sugan xeryaha barakaca oo murugo xun ay ku reebtay macaluusha ka muuqata carruurtoodda

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Hooyooyinka ku sugan xeryaha barakaca oo murugo xun ay ku reebtay macaluusha ka muuqata carruurtoodda

Hooyooyinka ku sugan xeryaha barakaca oo murugo xun ay ku reebtay macaluusha ka muuqata carruurtoodda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo