(ERGO) – Qoysas xoolo dhaqato ahaa oo miyiga uga soo guuray dhaqaale xumo ayaa magaalada Baydhabo ka billaabay ganacsiyo yaryar oo ay ku maareeyaan noloshooda.
Waxay go’aan sadeen inay baddalaan hab nololeyd koodii ahaa ku tiirsanaanta xoolaha, markii ay arkeen in xooluhu u dhimanayaan daaq la’aan iyo biyo yari jiilaalka dartiis.
Waxay gateen intii ugu dambeysay xoolaha oo dhimasho uga badbaaday. Miyiga ayay ka door-bideen xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka samaysteen fursado ganacsi.
Liibaan Deerow Xasan oo dadkaas ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ganacsigiisa oo ah bagaash uu ka caawiyay inay helaan cunto ku filan iyo waxbarasho bilaash ah.
Ganacsigan oo uu furtay bishii Janaayo ayuu xusay in maalinkii uu ka helo $5 illaa $7. Wuxuu ku billaabay $800 oo uu ka helay labo neef oo lo’ ah oo uu gatay.
Waxay ahaayeen kuwii ugu danbeeyay xoolihiisa oo ahaa 22 lo’ ah iyo 11 ari ah oo calaf iyo biyo la’aan uga dhintay.
“Ganacsiga markii ugu horeysay waxaan ku billaabay jiirkaan yaanyo ah, markii uu gadmay oo aan arkay inay faa’ido leedahay waxaan ku daray kabo, dhar iyo bagaash ayaan ku daray, wixii ayaan ku nool nahay aniga iyo ciyaalka.”
Liibaan ayaa sheegay in billaabista ganacsigan ay ku dhalatay markii uu arkay xoolo dhaqato magaalada uga soo horeeyay oo sidan sameeyay, nolol fiicanna ku jira, kuwaas oo isagana ku dhiiri galiyay.
Ka hor ganacsigan ayuu xusay inay ku jireen nolol adag. Dabka ayay ku shidan jireen wuxuu ku soo helo shaxaad iyo kaalmada dadka la deggan xerada Albaraka oo raashiin bisil iyo mid ceyriin wixii ay awoodaan ku caawin jiray.
Ninkan oo 70 jir ah ayaa intaas ku daray inay ku jiraan hadda nolol walwal la’aan ah. Wuxuu tilmaamay in carruurtiisa oo toddobo ah ay wax u baranayaan tan iyo bishii Feberaayo.
Wuxuu ka dhiibaa $50 oo markii hore uusan awoodin inuu helo.
“Noloshii hore waxay aheyd dhibaato iyo cariiri. Ciyaalka dhar maleh, nolol maleh, cunto iyo wax la siiyo maleh, hadda intaasba waan helnay, dhar iyo cunto.”
Liibaan ayaa sheegay in is bedelka dhaqaale ee bilaha kooban ku yimid uu galiyay rajo ah sidii uu qoyskiisa uga saari lahaa xerada, uguna heli lahaa boos iyo guri ay deegaan ku noqdaan.
Taas darteed ayuu xusay in xoogga uu saaray in bil kasta uu keydsado dhaqaale uu uga dhabeeyo riyadaas. Hadda wuxuu leeyahay dhigaal gaaraya $70 oo ka soo galay ganacsiga oo ugu furan wajahadda aqal cooshad ah oo ay ku nool yihiin qoyskiisa oo ka kooban sagaal qof.
“Qorshaheyga hadda ma ahan inaan miyi ku noqdo. Magaalada inaan joogo ayaan go’aansaday oo ganacsiga aan sii wado, carruurtana ay wax ii bartaan.”
Qoyska Liibaan ayaa bishii December ka soo barakacay deegaanka Xabaal Bar-baare oo 45km u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Lug ayay ku soo gaareen magaalada, xilli ay ku jireen xaalad quus ah.
Tiro koob rasmi ah lagama hayo xoolo dhaqatada ganacsiga ku billaabay xoolihii ugu dambeeyay, balse Liibaan ayaa sheegay inta uu og yahay inay ka badan yihiin 70 qoys oo iskugu jira dad ay isku deegaan yihiin iyo kuwo uu ku bartay xeryaha.
Cabdi Maxamed Nuur ayaa isna ka mid ah danyarta ay noloshoodu soo hagaageyso, markii uu $700 ku billaabay ganacsi uu furtay bishii Janaayo.
Tan iyo xilligaas ayuu xusay in qoyskiisu ay helaan cunto ku filan, ayna ka soo kabteen xaalad hubanti la’aan ah.
“Hadad seddexda wakhti waxbaa loo kariyaa carruurta. Hadda way noo toosan tahay noloshu. Habeenkii si fiican ayaan u hurdaa oo walwal ma qabo, maaddama aniga, xaaska iyo ciyaalka aan ka baxnay baahidii badneyd.”
Cabdi ayaa dukaan yar oo uga furan xerada uu deggan yahay ee Buula toosi wuxuu ku gadaa cuntooyinka daruuriga ah. wuxuu tilmaamay in maalinkii uu ka helo $5, illaa $7.
Wuxuu ahaa nin faro maran oo ari uu dhaqanayay oo ahaa 100 ay abaar uga dhinteen sanadkii 2025. Xaaladaas waxay dhaxalsiisay inuu ka soo barakaco deegaanka uu ku noolaa ee Xabaal Bar-baare.
Hal waqti oo cunto ah si uu u ugu helo carruurtiisa oo 11 ah ayuu sheegay inuu ka dawarsan jiray magaalada Baydhabo.
Bishii December ayay ku dhalatay in ganacsigan uu billaabo markii uu arkay dad la duruuf ahaa oo ka baxay caqabadihii haystay.
Wuxuu gatay labo hektar oo ka mid ah beer uu ku leeyahay deegaanka uu nolol xumada uga soo guuray, taas oo aysan waxba ka soo go’in tan iyo bilowga sanadkii 2025, roob yari awgeed.
Isbedelkii halkaas ka bilowday ayuu xusay inuu u horseeday inuu ku filnaado maareynta nolosha qoyskiisa, inuu yeesho keyd dhaqaale oo gaaraya $90 iyo inay waxbarasho bilaabaan bishii Feberaayo carruurtiisa oo dhaqaale la’aan darteed ka caaganaa markii hore.
“Wixii aan ganacsigeyga aan ka helo ayaan ku bixiyaa waxbarashada, qaarna ayuuto ahaan ayaan meel uga dhigtaa si mustaqbalka aan wax ugu qabsado.”
Qoysaska ganacsiyadan samaystay ayaa ka siman is beddelka dhaqaale ee ay uga baxeen noloshii adkeyd.
Faadumo Maxamed Yuusuf oo ku nool xerada Al-baraka ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in 7 carruur ah oo agoon ah oo kaligeed ay koriso ay ka maareyso noloshooda dukaan ay ku gaddo qudaar iyo raashiin, kaas oo ay tilmaantay in maalinkii ay ka hesho $4 illaa $6.
Ganacsigan ayay ku bilowday bishii November $600, markii ay gadatay seddex neef oo lo’ ah.
“Carruurtii oo agoon ahaa maareyn tooda hadda ayaan ku filanahay noloshooda. Noloshii hore adeyg ayey igu aheyd, armaa cunug uusan kuu noolaaneyn ayaan is lahaa. Duruufta I haysay awgeed.”
Faadumo ayaa sheegtay in xerada ay deggan tahay aysan laheyn wax adeeg ah oo bilaash ah, sidaas darteedna ay adagtahay inuu ku noolaado qof aan haysan dhaqaale uu ku dabaro nolosha qoyskiisa.
Biyaha ayay xustay in fuustadii ay ku iibsadaan $2. Afar carruur ah oo ay awooday inay waxbarashada ka bixiso markii ay bilowday ganacsigan ayay sidoo kale tilmaantay inay u dhigtaan iskuul hoose oo xerada u dhow, waxayna ka dhiibtaa bishii $20.
Intaasba iyadoo dabarta, hadane waxay sameysey dhigaal lacageed oo gaaraya $120 oo ay shegtay inay uga sii baraan degeyso xaaladaha adag.
“Aniga iyo carruurta waxaan udoonan jirnay biyaha meel 1 km ah oo jidka laga talaabayo. Waan soo gadanaa biyaha, ganacsiga aan sameystay darteed. Ganacsigan mid ka weyn ayaan rabaa inaan sameeyo.”
Qoyska Faadumo ayaa sanadkii 2025 ka soo barakacay deegaanka Gurbaan ee gobolka Baay, markii ay ka la’ deen 18 neef oo lo’ ah iyo ari boqol ah, waxay u dhinteen daaq la’aan ah iyo biyo yari ay wajaheen.










