(ERGO) – Muuse Cali Guuleed wuxuu qoyskiisa u awoodi la’yahay cunno, biyo iyo baahiyadooda kale ee nolosha tan iyo bishii December ee sanadkii hore. Waxay xaaladan galeen, markii doomo jiriif ah ay ka burburiyeen agabkii uu badda uga shaqaysanayay.
Arrintan waxay shaqo la’aan ka dhigtay boqollaal kalluumeysato ka soo jeeda qoysas danayar ah oo ku nool deegaannada Ceel-huur, Qosol-tira, Labad iyo Gaan ee gobolka Mudug, kuwaas oo maarayn la’ masruufka reerahooda.
Ninkan iyo saddex saaxiibadiisa ah oo ay isla shaqaysanayeen waxaa laga burburiyay 3 doomood, matooradoodii, 6 shabaagadood, soollaro iyo agab kale. Wuxuu sheegay in uu qasaaray in ka badan $6,000, uusanna hayn dhaqaale uu dib ugu iibsado qalabkaas.
“Maraakiib iyo doomo ayay wataan kumannaan ajaanib ah ayaa meeshaan jooga. Waa ka shaqaysan la’nahay. Meeshii ilmaha aan ka biilan jirnay waa ka soo cararnay wax aan samayno ma hayno.”
Muuse ayaa sheegay in markii uu meesha ka baxay wax-soo-saarkiisii badda ay xaalad nolol xumo ah galeen qoyskiisa oo 9 qof ah. Wuxuu xusay inaysan jirin meel kale oo dhaqaale uu ka soo galo oo isagu ahaa qofka keli ah ee reerka u shaqaynayay, taas oo keentay inuu dabku ka damo.
Wuxuu tilmaamay inuusan lahayn xirfad kale oo uu ku shaqaysto, maaddaama waligiis uu kalluumayste ahaa. Qoyskiisa waxay hal mar oo ciriiri ah dabka ku shitaan kaalmo aan joogto ahayn oo ay waydiistaan ehelkood degan Gaalkacyo iyo Hobyo.
Muuse ayaa xusay in maalinka ugu roon ay helaan $1.5 aan waxba ka goyn baahidooda. Carruurtiisa oo kan ugu yar uu hal sano jir yahay ayuu sheegay in ay u adkaysan la’yihiin daruufta adag ee ay wajahayaan.
“Qalab haddaan badda dhigano waa jarayaan oo wax aan samayno ayaan waynay. Haddaan iska dhicin damacno waa burcad badeed ayaa nala leeyahay.”
Muuse ayaa sheegay in xaaladan ka hor uu maalinkii heli jiray $15 illaa $20 oo faa’iido ah. Waxay ugu filnayd cunnada, raashinka, biyaha, waxbarashada, arrad-tirka iyo kirada.
Dhamaan baahiyahaas ayaa ku soo banaanaaday hadda mana yaqaan qaab uu ku xalliyo. Ninkan ayaa xusay in joogto loo soo waydiiyo dayn $380 oo dhowrkii bil ee uu shaqo la’aanta ahaa uu qoyska ugu qaaday raashin, biyo iyo waxyaabo kale oo ay u baahnaayeen.
Dhanka kale ninkaan ayaa sheegay in qoyskiisa ay dhibaato kala kulmayaan helitaanka biyaha. Ceelka deegaanka Gaan oo u jira 20 km mar kasta cilladooba ayaa sababay in foostada biyaha ah ay noqoto $10 oo awoodooda ka baxsan.
Muuse oo weligiis ka mid ahaa kalluumaysatada gobolka Mudug ayaa sheegay inaysan horay ula kulmin culaysyada dhaqaale ee hadda haysta. Deegaanno kale oo ay isku dayeen inay ka kalluumastaan waxaa uga daba yimid doomaha Jiriifka, taas oo rajo beel ka dhigtay.
Ninkaan ayaa sheegay inuu 3 bil bixin waayay min $10 oo labo carruur ah ay iskuul hoose ugu dhigan jireen magaalada Hobyo. Walaashii ayay la noolaayeen isna wuxuu ka bixin jiray qarashka iskuulka, balse markii la soo eryay waxay hadda la joogaan deegaanka Gaan iyagoo daruus la’aan ah.
Maraakiibta shisheeye ee jariifka ka wada xeebaha Soomaaliya waxay dhibaato dhaqaale u horseedeen kalluumaysato danyar ah oo dakhliga ay badda ka helaan ku dabari jiray nolosha qoysaskooda.
Cabdi Abshir Geelle oo ka mid ah ragga ay arrintan saamaysay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay ka quusteen shaqadii ay sanooyinka badan ku tiirsanaayeen, markii agabkii laga jajabiyay, hanjabaad iyo rasaas lagu soo ridana loogu daray. Xaaladahan isbiirsaday ayaa u horseeday inuu maarayn waayo qoyskiisa oo 10 qof ah.
Cabdi ayaa sheegay in maalinkii uu ugu yaraan 15 kiilo oo malay ah la soo bixi jiray intii aysan ciriiriga galin doomaha shisheeye. Wuxuu ka faa’iidi jiray $75 illaa $100 oo uu u qaybin jiray nolosha qoyska iyo shidaalka uu ku shaqo tagayo.
Ninkaan waxaa laga burburiyay 6 shabaagadood, 3 matoor, 7 xabo oo soolar ah iyo labo doomood. Wuxuu sheegay in aysan u badbaadin wax qalab ah oo uu ku shaqaysan karo.
Arrintan ayaa ku qasabtay in uu raadiyo shaqooyin xamaal ah oo helitaankoodu adag yahay. Toddobaadka dhan wuxuu xusay inuu helo $3 illaa $4 oo aan waxba u goyn qoyskiisa oo badan. Wuxuu sheegay in noloshiisu ay sidaan ka wanaagsanayd markii hore.
“Waa dareemi kartaa culayska ay leedahay nin shaqo tagay oo carruur yaryar u joogaan oo waxba soo waayay. Agabkii uu ku shaqaysan jiray aan haysan oo badar laga sugayo iyo nin shaqo tagay oo wax keensaday farqiga u dhexeeya waa garanaysaa.”
Cabdi ayaa sheegay in dhaqaale xumada ay u dheer tahay ku dhawaad $7,000 oo loo haysto. Waxay isugu jirtaa qaar muddo dheer lagu lahaa, shidaalkii ugu danbeeyay ee doomihiisa iyo qayb uu reerka raashin iyo biyo ugu qaatay intii uu baaga-muudada ahaa.
Shaqada ka joogsatay wuxuu ku tiirsanayd muddo 10 sano. Ninkaan ayaa ka walwalsan in carruurta banaanka loo soo dhigo, markii uu tan iyo bishii Janaayo bixin waayay $20 oo ah kirada labo qol oo reerkiisu ay degan yahay. Mulkiilaha ayaa u qabtay bisha socota inuu ku wada bixiyo ama uu guriga banneeyo.
Dhanka kale Abshir Maxamed Faarax oo ah guddoomiyaha iskaatadaan Bad-maal oo ka howlgasha deegaannada Ceel-huur, Labad, Gaan iyo Qosol-tira ayaa sheegay in qiyaastii 500 kalluumasato ah ay baaga-muudo yihiin, markii jiriifku saameeyay.
Xeebaha Bari ee gobolka Mudug ayuu sheegay inay isaga soo baxeen kalluumaysatadii agabkooda la burburiyay. Qoysaskii raggan ayuu xusay inay wajahaan daruufo adag oo nololeed.
“Doomo ka yimid Yaman iyo Cummaan ayaa dhibaato nagu haya. Badda dhan xaaluf ayay ka dhigeen ilamaha biilkoodii waa laga waayay meeshii aan tagno waa nooga daba imaanayaan.”
Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay og yihiin dhibaatada lagu hayo, balse aysan waxba ka qaban. Wuxuu xusay in xabbado lagu soo rido kalluumaysatada Soomaaliyeed, taas oo keentay inay badda ka baxaan.
Doomaha iyo maraakiibta sida sharci darrada ah uga jilaabta xeebaha dalka waxay caqabad weyn oo aan weli xal loo helin ku yihiin kalluumaysatada deegaanka oo markii ay iskudayaan inay iska caabiyaan dhibaato kale ay uga timaado maraakiibta burcad badeeda la dagaalama ee badda ku jira.










