Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo wajaha xaalad quus ah markii laga goostay gargaar cunno

Jibril Osman by Jibril Osman
September 5, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Qaxooti soomali ah oo aan haysan cunno ku filan/ Axmed Cabdullaahi Jaamac/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maareynta nolosha ayaa ku adag kummanaan qoys oo ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, markii bishan Agoosto laga joojiyay raashiin iyo gunno lacageed oo ay siin jirtay hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP.

Dadka duruuftan wajahaya waxaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwo ka maarma gargaarka. Raadiyow Ergo oo u kuur galay qoysas uu saameeyay go’aankan ayaa la kulmay Farxiya Aadan Maxamed. Reerka oo afar qof ah cidna uma shaqo tagto.

Waa dad qaba baahiyaha gaarka ah. waxay sheegtay inaysan awoodin in hal waqti ay dabka shitaan tan iyo markii laga jartay raashiin iyo gunno lacageed oo ay bil walba heli jireen.

Waxay xustay in cunno hal waqti ah oo aan joogto aheyn ay ku caawiyaan dariskeeda. Labo kiilo oo raashiin ah ayay tilmaantay inaysan gurigeeda ku baryin. Kaalmada ay helaan oo cunno bisil iyo mid ceyriin iskuga jirta waa mid aan sii socon karin waqti dheer.

Sababta ayay ku sheegtay dadkaas oo iyaguba ah danyar noloshu ku adagtahay oo qaarkood laga dhimay taakuladii ay qaadan jireen.

“Murugo ayaa I haysa, aniga oo aan waxba haysanin oo hadana xanuun ii dheeryahay, aniga oo wixii aan ku noolaana la iga goostay, dabkii oo wax lagu shidanayo aan lahaynin, xaaladeena sidaas waaye. Dadkaas iska dhiban ayaa nahay. Anaga waxaan haysana malahan oo nolol ah. Kaarkii aan ku nooleyn oo aanan ka maarmin waa la goostay.”

Farxiya ayaa tilmaantay in dhawaaqa ka soo yeeray ha’adda WFP uu yahay kii ugu xumaa ee ay maqasho rubac qarni ay ku nooshahay qaxootiga oo ay timid iyadoo 15 jir ah.

Waxay tilmaantay in waxa kaliya ee ay ku tiirsanaayeen ay ahaayeen gunno lacageed oo ah $25 iyo afartan kiilo oo bariis ah, siddeed kiilo oo misir ah iyo 5-liter oo saliid ah.

“Waa  baxay markii aan galay UN tana waxaa lay dhahey kaar kaagu waxba malaha, gurigaagii ku noqo maamo. Waa qalbi jabay,  haddee waa yaabay maskaxdaydii dhami waa gadoontay. Habeenkii waa fekeray. Aniga wax meel iga soo gala malahan. Dal iyo dibbad wax meel iga soo gala malahan.”

Farxiya oo 49 jir ah ayaa sheegtay in go’aanka joojinta uu ku soo beegmay xilli qoyskeeda uusan ku jirin qof shaqo tagi kara. Seygeeda oo 70 jir ah ayay xustay in toban sano ka hor uu dhabarka ka jabay isagoo guri dhisaya, hadda waa sariir yaal.

Wiilkeeda oo ahaa xoogsade gawaarida dhaqa ayay xustay in labo sano ka hor uu ku naafoobay gaari uu dhaqayay oo ku soo dhacay.

Gabadheeda oo la yiraahdo Faadumo oo 20 jir ah, waa dadka gaagaaban ee qaba baahiyaha gaarka ah, lugna naafo ayay ka tahay. Farxiya, qudheedu waa bukaan qabta xanuunka suuxitaanka.

“Markii hore naaska ayaa la iga qabtay, muddo dheer ayuu i barar sanaa oo i xanuunayay,  hadana xanuun kale ayaa iigu darsamay. Qof maradeeda ceshan karta ma ihi. Waxaa la arkayaa dabka anigoo isku dhejinayo, xanuun dartiis. in la ii qabto maahee waa is gubaa.”

Farxiyo ayaa is weydiineysa sababta ka dambeysay in qoyskeeda lagu daro dadka ka maarma kaalmada hay’adaha. Waxay sheegtay in bishii July ay gurigeeda ugu yimaadeen koox ka socota hay’adaha samo-falka, ayna u sheegtay qaabka ay u nool yihiin.

Waxay sameynayeen xog uruurin guud, waana tan lagu saleeyay dadka laga joojiyay gargaarka. Farxiya ayaa xustay in tallaabada xigtay ay noqotay mid aysan fileyn oo noloshooda saameysay.

Qoyska Farxiya oo ku nool xerada Xagardheer ayaa sanadkii 1992, colaad uga soo qaxay degmadda Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe. Kadib 34-sano oo qaxooti ah, wali waxay wajahaysaan hubanti la’aan dhinaca nolosha ah.

Hay’adda WFP ayaa qaxootiga ku jira xeryaha u kala saartay afar qaybood. Qaybta 1-aad waxaa loo qoon-deeyay 40% raashin ah. Qaybta 2-aad, 20% raashin ah. iyo qeyb laga joojiyay oo aan waxba heleyn, kuwaas oo lagu sheegay inay dabari-karaan noloshooda, laakiin taa bedelkeeda waxaa raashinka laga gooyay dad nugul oo iskugu jira naafo, kuwo xanuunsan iyo haween korinaya carruur lagu furay iyo qaar agoon ah.

Go’aanka hay’addu waa mid la xiriira dhaqaale yari. Qiyaastii 150, 000 oo qof ayaa laga joojiyay kaalmo raashiin iyo lacag ah oo bil kasta ay helayeen. Sidaas waxaa Radio Ergo u sheegtay Xabiibo Nuur Khaliif oo ah guddoomiyaha xerada Xagardheer.

Waxay sheegtay inaan lagala tashan qaabka lagu kala saaray dadka kaalmadu u sii soconeyso iyo kuwa laga joojiyay.  Waxay tilmaantay in qoysas badan ay la ilmeynayaan gaajo iyo rajo xumo aysan xal u hayn.

“Dadka aan waxba meel kale uga iman ee kaarkaa bes dhowranaya  ayaa laga gooyay raashinka oo ilaahay nagu ogyahay, runta ayaan sheegayaa kaamamka anaga ayaa masuul ka ah. Dadka dhibaato ayaa haysa, cunugu haddii uu caawa qado oo beri qado sidee calooshiisu noqonaysaa, Marka waxaan codsaneynaa in deeq bixiyaasha iyo hay’adaha samafalku ay dadka u imaadaan. Waxaan ka qabsi qabaa gaajo iyo macluul in dad ay u dhintaan.”

Go’aanka joojinta iyo yareynta gargaarka waa mid ku soo beegmay xilli dadku wajahayaan dhaqaale xumo iyo sicir barar soo jiray tan iyo sanadkii 2020.

Dadka aan dabka shidan karin waxay maciin bideen oo caawinaya qoysas aan heli karin cunto ku filan oo kula nool xeryaha qaxootiga.

Helitaanka fursadaha shaqada oo adag, waxay gargaarka ka dhigtay inuu noqdo isha koowaad ee dhaqaale ee ay ku tiirsan yihiin dadku.

Isniino Aadan Cilmi ayaa sheegtay in tan iyo 2023 oo ay ku nooshahay xerada Ifo-2 ay raadineyso shaqo xoogsi ah, balse aysan helin.

Waxay sheegtay in laga goostay kaalmada ay helayeen oo aheyd mid aan ku filneyn. Xaaladooda nololeed ayay xustay inay ka sii dartay oo ay gaartay heer aysan dab shidan muddo 24 saac ah.

“Saddex habeen ayaan waxaan u kariyo aan waayay, hadda ilaahay ayaa mahad leh, deriska ayaa kiilo isoo dara, taas ayaan dhowr habeen u karinayay, habeenna waa qadayay, habeena waa quudanayay. Qof haween ah ayaan ahay, markii aan waxba usoo waayo waxaan ku qasbanaadaa in aan gaajo ku seexiyo, biyo cabba oo seexda ayaan dhahaa.”

Isniino oo ah hooyada toddobo carruur ah ayaa tilmaantay in cunno xumada ay u dheertahay hoy xumo iyo biyo yari. Biyaha ayay sheegtay in jiirkaano ay uga soo dhaansato ceel u jira masaafo gaareysa illaa saddex km.

Xeradan oo la asaasay sanadkii 2022, waxaa ku nool qoysas badan oo aan ku jirin diwaanka qaxootiga, kuwaas oo ku dul noolaa dadka laga jaray gargaarka.

Haweeneydan ayaa xustay in saygeeda oo qaba xanuunka dhimirka markii daryeel ay u weydana loo wareejiyay ehelkiisa oo deggan xerada Dhagaxlay oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab.

Waxay sheegtay inaysan laheyn awood ay ku wajahdo duruufaha dhinac kasta ka taagan ee sii adkaanaya.

“Qof cunnadii uu sugayay laga jaray xaaladiisu ma fiicna oo waa bariga dhexe. Walwal faro badan ayaan dareemay. Ilmaha xagee ula carartaa ayaan is dhahay. Xoolo haddii aan helo baadiye ayaan iska guuri lahaa oo qaxooti maba rabo. Waxa halkan isoo fadhiisiyay waa inaan waxba haysan.”

Qoyska Isniino ayaa amni xumo uga soo qaxay deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe, sanadkii 2023-kii. Waxay ku tiirsanaayeen tacabka beeraha. Xeryaha qaxootiga dhadhaab oo la asaasay sanadkii 1991, waxaa ku nool in ka badan 400,000 oo kun oo qof.

Previous Post

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

Next Post

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

Related Posts

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed
Wararkii u Danbeeyay

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed

March 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 9, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Next Post
blank

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-MAR-2026

IDAACADDA 13-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAR-2026
March 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAR-2026
March 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo