Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Rag fursad shaqo ka helay geela sida casriga ah loogu dhaqdo duleedka Qardho

Jibril Osman by Jibril Osman
August 26, 2025
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Geelle Cismaan oo ku sugan goobta lagu dhaqo geella/ Maxamuud Nadiif/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 200 oo rag xoola dhaqato hore ahaa ayaa ku filnaaday maareynta noolasha qoysaaskooda, tan iyo bishii Fabraayo ee sanadkan. Waxaa u suuragaliyay fursado shaqo oo ay ka heleen xeryo geela lagu dhaqo oo duleedka magaalada Qardho ay ka hirgaliyeen ganacsato iyo qurbo joog deegaanka ka soo jeeda.

Raggaas ayaa mushaar bille ah ku qaata geela oo ay maalinkii duurka soo daajiyaan habeenkiina ay xerada calaf ku siiyaan kuna waardiyeeyaan. Maxamuud Axmed Maxmuud oo ka mid ah wuxuu awood u yeeshay inuu daboolo dhamaan baahiyaha qoyskiisa oo afar qof ah.

Dhamaadka bil walba ayuu xusay inuu qaato $300, taas oo meesha ka saartay caqabado uu ku qabay helida quudka reerkiisa tan iyo bishiikoowaad ee sanadkii hore. Shaqadan ayaa u soo baxday xilli jiilaad dabo-dheeraaday ay kaga le’deen 64 ari ah oo uu dhaqanayay.

“Saddexda waqti waan u helaa iyo arrad-tirkooda, markii horrana noloshu aadbay u adkayd oo hal waqti oo si adag aan u helno ama shaxaad iyo shaqooyin yaryar ah ayaan ku maareyn jiray, waa dareemi kartaa nin shaqo la’aan ahaa oo carruur u joogto wax badanna laga sugaayo.”

Maxamuud ayaa sheegay inuu raaco 80 halaad oo uu leeyahay nin ganacsade ah. Geela uu dhaqo oo barqo maal ah, ayuu xusay in 49 ka mid ah ay irmaan yihiin, kuwaas oo maalin kasta laga liso 97 liitar oo caano ah. Dhaqashada xoolaha oo ah waxa kali ah ee uu garanayo ayaa ka caawisay in uusan wax culays ah kala kulmin shaqadiisa.

Ninkaan ayaa sheegay in qoyskiisa oo hoy xumo ku wajahayay xero ku taalla duleedka magaalada Qardho uu bishii juun u dhisay labo qol oo jiingad ah iyo musqul ay kaga baxday $600, oo afar bil uu keydinayay.

“Gurigii hore wuxuu ahaa guri aan albaab lahayn, dabaysha aan celin karin, roobku iska soo galayo oo amni ahaan xita khatar ahaa, mararka qaar wuu naga dumi jiray oo dabeysha ayaa iska qaadi jirtay haddana dib baan u hagaajin jirnay, hadda guri jiingad iyo loox ah baan samaystay oo suuli/musqul leh sidii hore wuu dhama.”

Maxamuud ayaa tilmaamay in shaqadan ay u noqotay fursad mar la’arag ah oo qoyskiisa uu kaga saaray xaaladdii hubanti la’aanta ahayd ee haysay. Wuxuu sheegay inuu ku guulaystay in uu dugsi iyo iskuul ku daro bishii Maarso labo carruurtiisa ah oo qarash la’aanta darteed aan horay waxba u baran. Isku darkooda ayuu bishii ka dhiibaa $20.

Mushaarka billaha ah ee uu qaato waxaa u dheer in cunno saddex waqti ah laga siiyo goobtiisa shaqo, taas ayaa sababtay in ay u baaqato lacagtii uu cunnada uga jaran lahaa. Hadda wuxuu ka dhigtaa kayd gaar ah si uu ugu baxsado haddii qoyskiisa ay xaalad ku timaado.

Maxamuud ayaa sheegay in uu iska bixiyay $160 oo ka mid ahayd dayn $200 oo lagu lahaa in ka badan sideed bil. Waxaa looga yeeshay dukamo Qardho ku yaalla oo carruurta uu raashin iyo agab kale uga soo qaatay.

“Daymo ayaa farmashiyada la iiga laha oo aan dawooyin ku soo qaaday iyo daymo yaryar oo aan raashin ku soo qaadannay ayaan hadda iska guday, Alxamdullillaah, Sidoo kale hadda bishii kayd ku dhaw $50 ayaan dhigtaa si hadhaw hadday wax yimaadaan ama aan shaqada waayo aan isugu maarayno.”

Maxamuud oo 28 jir ah ayaa sheegay in ilaa markii uu arigiisii ka dhamaaday sanadkii hore ay qoyskiisu galeen xaalad adag oo dhanka nolosha ah. shaqooyin xoogsi ah oo marar badan uu raadiyay ayuu xusay in uu ku guuldaraystay, taas oo quus galisay.

Barakaca oo ay ku cusbaayeen ayuu sheegay in ay la qabsan la’aayeen, balse faa’iidadaa dhaqaale ee uu hadda shaqadiisa ka helo ayaa u abuurtay rajo hor leh.

Geela xeradiisa lagu siiyo calafka oo sanooyinkii danbe ku soo badanayay magaalooyinka dalka ayaa fursad aan horay u jirin oo dhaqaale ay ka helaan u noqday qoysas xoolihii ay ku tiirsanaayeen ku waayay roob la’aan deegaannadooda saamaysay.  

Geelle Cismaan Maxamed oo tan iyo bishii May ee sanadkaan 26 neef oo geel ah ku dhaqayay miyiga Qardho ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in lacagta uu ka qaato oo $200 ah ay ugu filnaatay dhamaan baahiyaha qoyskiisa oo ka kooban afar, walalihiis ka yar iyo hooyadiis oo waayeel ah.

“Nolosheenu markii hore iyo haddeer aad bay u kala duwan tahay, aad baan u barwaaqaysanahay, marar waxaa jirtay xaalad ay nagu adkayd. Saddexda gelin mid ayaan dabka shidan jirnay inta kalenna ma aanan heli jirin. Hadda laakiin nolosheenu waa soo kabatay, maanta nin shaqaysta oo intii hore oo uusan heli-karin hela ayaan ahay, markii horrana nin derbiyadaa iska farista ayaan ahaa.”

Geelle ayaa sheegay in markii hore ay ku tiirsanayeen shaqooyin nadaafad ah oo aan joogta aheyn, kuwaas oo hooyadiis ay xaafadaha u soo qaban jirtay. Waxaa ka soo gali jiray labo ilaa afar dollar toddobaadka dhan, taas oo aan waxba u goyn jirin.

Ninkaan ayaa tilmaamay in marka uu arko hooyadii oo da’ ah oo qabanaysa shaqooyin adag si ay cunno u helaan ay murug iyo uur ku taallo ku reebi jirtay.

Geelle ayaa sheegay inay wax weyn uga dhigan tahay inuu ka nasiyay howshii ay qaban jirtay uuna u helay wax ay joogto u cunto hooyadiis. Wuxuu sidoo kale bixiyay $200 oo looga yeeshay dukaamada raashinka iyo dharka ee magaalada Qardho.

Geelle ayaa sheegay inuu markii ugu horaysay waxbarasho ku daray 4 walaalihiis ah. Waxay kala dhigtaan fasallada kobaad iyo labaad ee iskuulka hoose, dugsi quraan, iyo qayb kale oo luuqadaha ingiriiska iyo carabiga lagu baro. Wuxuu bishii ka bixiyaa $45.

Shaqadaan waxaa ku soo xiriiriyay saaxiibadiisa uga horeeyay geel raacida. Wuxuu sheegay in bishaan Ogoosto uu dhigtay kaydkiisii ugu koobaad oo $10 ah, bilaha xigana uu qorshaynayo in uu sii wado. Wuxuu rajaynayaa marka ay u badato inuu ku bilaabo xoolo dhaqashada casriga ah oo intii uu geelaan hayay uu wax badan ka bartay.

Qoyskiisa ayaa xeryaha barakaca yimid 2024, markii cudurro ay u maleeyeen sambab iyo jadeeco, balse aysan dhaqaatiir u caddayn iyo biyo yari isku raacday oo dhowr bil haysay ay kaga dhamaadeen 136 neef oo ari ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd.

Cabdullaahi Nuur Axmed oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Green Hope ee magaalada Qardho ayaa sheegay in hab dhaqashada casriga ee xoolaha ay sare u qaadayso maalgalinta gudaha iyo fursadaha ay helayaan dadka horay u waayay ilihii ay ku tiirsanaayeen.

“Arintaani waxay soo kordhinaysaa in dalka uu dhaqaale fiican soo galo, ganacsataduna inay dalka dib ugu celiyaan lacagtooda waa arin muhimeeda leh. Tahriibkii, amni darradii iyo waxyaabihii dhibaatada ku ahaa bulshada ayaa lagaga baaqsan karaa.”

Cabdullaahi ayaa sheegay in isbadalka cimilada oo saamayn xun ku yeeshay reer guuraa badan kuna qasbay in ay galaan xeryaha barakaca, kuwaas oo nolol xumo ku wajahaya ay arintaan xal u noqon karto.

Duleedka magaalada Qardho ee gobolka Bari waxaa ku yaalla 14 xero oo lagu dhaqo in ka badan 3,200 oo geel ah, sida ay noo xaqiijiyeen iskaashatada geellayda.

Previous Post

Baydhabo: Dhaqaale la’aan waxbarashada ka reebtay boqollaal arday

Next Post

Gaalkacyo: Qoysas iska iibiyay guryo loo dhisay dibna ugu laabtay xeryaha duruuf awgeed

Related Posts

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
Next Post
Kismaayo: Qoysas dib-u-dajin loo sameeyay oo wajahaya shaqo la’aan sababtay cunno xumo

Gaalkacyo: Qoysas iska iibiyay guryo loo dhisay dibna ugu laabtay xeryaha duruuf awgeed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo