Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Qoysas iska iibiyay guryo loo dhisay dibna ugu laabtay xeryaha duruuf awgeed

Jibril Osman by Jibril Osman
August 28, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Kismaayo: Qoysas dib-u-dajin loo sameeyay oo wajahaya shaqo la’aan sababtay cunno xumo

Guryo loo dhisay qoysas dib-u-dajin loo sameeyay/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaan dib u daabacaynaa warbixintan markii la saxay oo la cusboonaysiiyay. Waan ka xunnahay in nuqulkii ugu horreeyay ee la daabacay uu sheegay in hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC) ay dhistay guryaha 2022, iyadoo taageero ka helaysa UNHCR. Ka dib waxaa la ogaaday in macluumaadka qaar ee la bixiyay uu qalad ahaa. Guryaha waxaa dhistay day’adda Danish Refugee Council (DRC) 2021, iyadoo ay maalgelisay UNHCR. Waxaan ka cudur-daaranaynaa qaladka dhacay iyo wixii jahwareer ah ee uu keenay

(ERGO) – Samatar Cabdi Jaamac iyo qoyskiisa ayaa xaalad cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahaya xerada lagu barakacay ee Najax oo ku taalla Gaalkacyo, halkaas oo ay u guureen bishii Abriil ee sanadkan.

Waxay iska iibiyeen guri labo qol ka kooban oo 2021 ay u dhistay hay’adda DRC, markii ay wajaheen nolol xumo iyo daymo lagu yeeshay oo qasab ay uga dhigeen dadkii ku lahaa in ay bixiyaan.

Lacagta ay ku gateen guriga oo ahayd $2,500 ayaa ka dhamaatay 20 bishii hore. $2000 ka mid ah waxay ku bixiyeen daymaha lagu lahaa, halka inta u soo hartay ay ku tiirsanaayeen ku dhawaad saddex bil.

Dhibaatadan kuma eka qoyska Samatar waxaa la mid 40 kale oo iska iibiyay guryahooda tan iyo billowgii sanadkan. Qaarkood ayaa galay xeryo barakac, kuwana waxay dulsaar ku noqdeen ehelladooda.

Wuxuu sheegay Samatar in ay dhexda ka galeen xaalad ku qasabtay in ay labo daran mid doortaan. Halka uu ku yaallay gurigiisa oo magaalada u jirta 10 km ayuu xusay in gaajo daran ay ku qabsatay.

“Bakhaarradii raashinka markii ay inoo diideen, lacagna nagu leeyihiin maxaan ka qaban karnaa meel nolol aanan ku haysan, ciyaalkiina ay ku gaajaysan yihiin ma dagganaan karnaa? Dhibkii aan uga guuray waa noocaas. Meeshaas waxba kuma haysan annaga, meeshan magaalada ayaan aadaa Ilaahey wuxuu ii soo dhiibo ayaan helaa. Hal waqti ciyaalkayga way helaan (cunnada).”

Wuxuu tilmaamay in ay ku tiirsan yihiin shaqo dhar-dhaqis ah oo xaaskiisa ay ka soo qabato magaalada. Lacag ka yar $2 oo ay soo hesho ayay ku iibsadaan raashin ay dabka saartaan xiliga habeenkii.

Ninkan oo 61 jir ah wuxuu muddo ka badan 30 sano nolol-maalmeedka ka helayay shaqada dhismaha guryaha. Wuxuu sheegay in da’ iyo tabaryari soo wajahay ay ka hor istaageen in uu sii shaqeeyo.

Xaaladdan wuxuu ku jiray muddo ka badan labo sano. Qoyskiisa oo 11 ah ayuu ku maaraynayay raashin dayn ah, taas oo ugu danbayn u horseeday in lagu yeesha dhaqaale badan oo ku kalifay in uu iibiyo gurigiisa.

Xerada uu ku nool yahay ayuu ka dhistay aqal cooshad ah oo dhinacyada ka furan. Wuxuu sheegay dhinaca hoyga ay baylah ka noqdeen. Wuxuu gocanayaa gurigii uu iskaga iibiyay duruuf darteed.

“Hoy fiican buu ahaa. Ciyaalkayga qol bay lahaayeen anna qol. Hadda dhib baan ku jirnaa. Bannaanka tuug ayaa kuu imaan kara. Mas ayaa ku cuni kara. Cabsi weeye. Dhul adiga aad leedahayba maahan. Haddii la rabo iiga kac baa lagu dhahayaa. Bax meeshaad rabto ka doono.”

Wuxuu sheegay inkasta oo ay isku biirsadeen duruufo dhinaca nolosha ah sida hoy xumo iyo cunno yari, hadana uu ka dagtay canaabtii ka haystay daymaha lagu lahaa oo culays badan ku hayay..

Samatar iyo dadka kale ee dib ugu laabtay xerayaha lagu barakacay waxay si dhab badan ku heleen gurayaha ay iska iibiyeen oo markii hore ay nasiib ku heleen.

Sanadihii 2019 iyo 2021 ayay ka mid noqdeen dad loo xushay in guryo la siiyo. Waxay ahaayeen 200 qoys oo 160 ka mid ah weli ay deggan yihiin guryahooda oo ku yaalla deegaanka Wadajir.

Shaqo la’aanta ka jirta halka ay dageen iyo gargaarkii ay heli jireen oo ka istaagay bartamihii sanadkii 2024 ayaa qoysaska guuray ku riixay in ay maciin bidaan Gaalkacyo si ay ugu dhawaad ehellkooda iyo dadka deegaaanka.

Axmed Salaad Yaasiin iyo qoyskiisa oo 10 ah waxay ka mid yihiin dadka iibiyay guryahooda. Waxay ku biireen bartamihii bishii Abriil ee sanadkan xerada barakaca Buulo-dooro, halkaas oo ay ku wajayaan cunno yari, hoy la’aan.

Wuxuu sheegay in ay ka istaagtay shaqo dhagax-jabin ah oo Gaalkacyo uu u aadi jiray ka hor inta uusan gadin gurigiisa. Waxaa ugu wacan lacagtii ka helayay shaqada oo ahayd $8 oo hoos u dhacday, isla markaana noqontay $4.

Arrintan waxay keentay in ay u qaybsami waydo masruufka qoyskiisa iyo baabuur raaca, maaddama deegaanka uu ku noolaa uu Gaalkacyo u jiro 10 km. Gaariga ayaa soo socod iyo soo socod ku qaada dadka $4, waana lacag la mid ah inta uu shaqeeyay.

Intaas waxaa u dheeraa daymo lagu lyeeshay oo halis galiyay badqabkiisa. Wuxuu inta badan ku qaatay raashin ay qoyskiisu isticmaaleen muddo sanad ah.

“Guriga inaan iibiyo waxaa keenay daymo badan baan soo qaatay. Dadkii sidaan mudo ugu qabanayay markay daaleen ayay i kaxaysteen. Saldhigga ayaa la igaystay. Way ixirteen. Muddo bil ah ayaa la ii qabtay oo aanan ku bixin karin, markii bisha la gaaray. Dantu waxay igu qasabtay gurigayga in aan iibiyo xitaa. Lacag raqiis ayaan ku iibiyay. $2,800 ayaan ku iibiyay. Lacagta la igu lahaana cadadeeda waxay ahayd $2,500.”

Lacagta u soo hartay ayaa xusay in uu ku quudiyay qoyskiisa bilihii Abriil iyo May. Wixii intaas ka danbeeyay wuxuu caawinaad ka helay qoyska Axmed dadka ku la nool xerada, kuwaas oo ku taageera cunno aan joogta ahayn.

Dhibaatada haysa qoyskiisa intaas kuma eka. Aqal cooshad ah oo u dhisan ayuu tilmaamay in uusan ka celin karin carruurtiisa qabowga iyo qorraxda. Wuxuu ka shalaynayaa in uu iska iibiyay hoygiisa.

“Nolol aad u adag baan ku jirnaa oo qof bini’aadan ah uusan ku noolaan karin. Gurigaygii markaan joogay baahidu way iska jirtay. Hadda anigoo baahi ihayso ayay hadana guri la’aan ihaysaa. Wax aan sameeyo baan garan la’ahay. Meel aan wax ka keeno iyo cid aan u qaylo dhaansho ayaan garan la’ahay.”

Nolol xumada waxaa la qaba qoyska Xasan Cali Xuseen 11 qof. Waxay galeen xaalad quus ah, markii ay dayn uga wada baxday lacagtii ay ku gateen gurigooda oo ahayd 2,100. Hoy la’aan iyo cunno yari ayaa isku biirsaday.

Wuxuu dib ugu laabtay xerada Najax oo uu ka guuray billowgii 2021, markaas oo qoyskiisu uu ka mid noqday dad ku guulaystay dib-u-dajin in loo sameeyo.

“Gurigayga waxaa u iibiyay duruuf daraadeed xaalad xumo ayaan iskaga iibiyey, tana hadda xaalad xumadii baan ku jiraa. Waxaan haysto malahan, labadaba waa isku mid maxay isku dhaamaan malahan, ileen haddii afarta dhinac dayn layga haysto caruurtii guriga ii dhex dhooban yihiin oo gurigii raashina oolin. Waa cakiraad cakiraad kale ku dar.”

Wuxuu sheegay Xasan in raashin iyo iidaankiisa oo bille ah oo ka qaadan jiray dukaan, kuwaas oo isku gaari jiray $100. Lacagtaas oo aruurtay ayaa ku gaartay $1800 . Waxaa kale oo lagu yeeshay lacag uu ku qaatay arrad-tirka iyo tuubo biyood oo u xirnayd.

Ganacsatada ku lahaa ayaa ku amray in uu degdeg u bixiyo, waxaana sidoo kale ay u diideen dayn kale si uu daboolo baahida qoyskiisa. Arrintan waxay ku sababta xaalad hubanti la’aan oo ku qasabtay in uu suuqa dhigo gurigiisa.

Ka hor daynta saamaynta taban bidday wuxuu ku tiirsanaa qoyskiisa shaqo xoogsi ah, taas oo ka istaagtay billowgii sanadkii hore.

“Deynta waxaa keentay awal shaqada waan noo socon jirtay. injineeradii aan la xamaalanayay shaqadii way ka istaagtay, sidaas ayay shaqadii noogu adkaatay, dayntana sidaas baan ku galay, bakhaarradana waan ku xirnaa. Waxay igu dheheen iska qaado waa iska bixinaysaaye. Sidii ayaan u qaadanayay. Dayntii waxay noqotay mid xaddhaaf ah.”

Saamaynta ka dhalatay dhaqaale xumada haysa qoysaska ku jira xaaladda barakaca waxay ku riixday in u bareeraan xaalad hubanti la’aan ah oo keentay in ay gadaan guryo lagu taageeray, waxaana ay ka dhexleen xaalad ka sii xun tii markii hore ay ku jireen.

Previous Post

Rag fursad shaqo ka helay geela sida casriga ah loogu dhaqdo duleedka Qardho

Next Post

Nolol xumo ka dhalatay colaad galaafatay hanti ay la haayeen qoysas ku nool Sanaag

Related Posts

Pastoralists with nothing left descend on Lasanod town and surroundings in Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

February 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Qoysas ku barakacay Godinlabe oo wajahaya nolol adag markii xoolo la’aan ay noqdeen
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku barakacay Godinlabe oo wajahaya nolol adag markii xoolo la’aan ay noqdeen

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Next Post
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland

Nolol xumo ka dhalatay colaad galaafatay hanti ay la haayeen qoysas ku nool Sanaag

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-FEB-2026

IDAACADDA 10-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo