(ERGO) – Boqollaal qoys oo danyar iyo beeraley iskugu jira ayaa cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ku wajahaya deegannada Xin-galool, Ceel-buux iyo Baran ee gobolka Sanaag tan iyo bartamihii bishii Luulyo.
Waxay degmada Dhahar uga soo barakaceen dagaal u dhaxeeyay ciidanka maamulka Puntland iyo maleeshiyo deegaanka ah.
Ganacsiyadii, beerihii iyo guryihii ay deganaayeen ayaa la gubay, qaarna la qaatay, taas oo u horseeday dhaqaale xumo.
Axmed Cali Xuseen oo dadkaas ka mid ah ayaa xusay in maqaaxi raashinka bisil uu ku iibin jiray iyo dukaan bagaash ah 18 July laga gubay.
Waxa sidoo kale laga burburiyay dalagyo isugu jiray masago, qare, yaanyo iyo basal oo bishii May uu ku abuuray beer labo hektar ah oo meel 15 km u jirta magaalada Dhahar uu ku leeyahay.
Wuxuu goosan lahaa billowgii Bishan Agoosto. Ninkaan ayaa sheegay in qoyskiisa oo 7 qof ah, kuwaas oo hadda ku sugan deeganka Ceel buux uusan u heli karin wax ay hal mar cunnaan.
“Waxaa mararka qaar dhacda inaan dabka shidan hal ama labo maalin. Samaaynta aan la kulanay aad bey u culeystahay, dad soo barakacay oo aan cuntana heli karin waxbana heyn baan noqonay.”
Axmed ayaa sheegay in dagaalka uu ku wayay wiilkiisii curadka ahaa, kaas oo 28 bishii hore aano qabiil loogu dilay miyiga degmada Dhahar.
Wuxuu xusay in uu ahaa 22 sano jir sanadkii hore dhameeyay dugsiga sare, kuna ku han-weynaa in uu kala wareego masruufka qoys, maaddama uu waayeel noqday.
Sidoo kale wuxuu qaban jiray falista beerta iyo xisaabaadka dukaanka. Wuxuu tilmaamay in raadinta biilka reerka uu u dheer yahay cadaadis uu kala kulmayo dad ku leh lacag $800 oo dhamaadkii Juun uu maqaayada iyo dukaanka ugu soo adeegtay.
Wuxuu cabsi ka qabaa in laga saaro guriga ay degan yihiin oo bishaan uusan bixin kiradiisa oo $40 ah.
“markii u danbeysay dad baa nagu dul kireysan rabay. Waxaa markaas nala siiyay digniin ah inaan ka baxno. Dad baa naga caawiyay, markii ay xaalada nagu adkaatay. Hadda lafteeda waxbo ma heyno balse in ay naga sugaan ban ku daganahay.”
Axmed ayaa sheegay inuu ahaa qofka kali ah ee reerkiisa u dhaqdhaqaaqi jiray. Xaaskiisa ayuu xusay in shan sano ay la nooshahay cuduro dhanka maskaxda ah, aysanna waxba ku soo kordhin karin reerka oo daryeel, daawo iyo gacan ku hayn ay u baahan tahay.
Qoysaska ka soo barakacay colaada Dhahar ayaa deegaannada ay tageen ka helin wax cawimaad ah oo uga timaada hay’adaha samafalka ama maamullada dalka. Qoyska Faadumo Jaamac Axmed oo 10 qof ka kooban ayaa ka mid ah.
Waxay sheegtay in ilaa bishii hore aysan helin biyo iyo raashin ku filan iyo hoy ay gabaadsadaan. Haweenaydaan ayaa xustay in habeenada qaar ay gaajo ku seexiso carruurteeda oo yar yar ah.
Waxaa intaas u dheer in ay awoodi waysay biyaha oo halkii fuusta la iibiyo $7 degmada Baran oo ay u soo barakaceen. Gaari dameero ka soo dhaamiya ceel magaalada u jira lix saac oo socod ah ayay sheegtay in aysan deyn u ogolayn aysanna heli karin lacagta qaaliga ah ee ay gadayaan.
“Meshu waa oomane, marna waa la helo, marna waa la waayo oo waa wajiyo badanyihiin. Waad garan karta waxay ay ku kala duwanyihiin dad deegaankoodi ka yimid oo iska dhibaateysan iyo qof deegaankiisa joogo oo wax walbo heli kara.”
Faadumo ayaa sheegtay in deegaankoodii ay ku haysteen nolol wanaagsan, balse barakaca kadib ay galeen xaalad aysan xalkeeda heyn.
Waxay tilmaamtay in ay ka soo tageen iyagoo aan waxba ka soo qaadan gurigoodii oo ka koobnaa saddex qol oo dhagax ah, barkad, musqul iyo jiko. Hadda waxay dulsaar ku yihiin dad qaraabadooda ah.
Cariiriga iyo cunna xumada waxaa u wehliya in khasaare hanti uu ka soo gaaray colaadda. Haweenadyaan ayaa sheegtay in dukaan ay raashin ku iibin jirtay iyo gurigoodii dab la qabadsiiyay agabkii yaallayna la qaatay.
Waxay sheegtay in ay carruurta kala soo carartay iyadoo aan waxba ka soo qaadan. Faadumo ayaa isbarbar dhigaysaa xaaladaan iyo markii ay deegaankoodii joogeen.
“Qoyskeena nin walba dhankiisa buu ka shaqo tegi jiray subax walbo laakiin hada meel loo shaqo tagayo malahan. Markeygii hore Dukaan yar baan haystay balse sidiisii ban uga imid, Lacagta iga qasaartay marka aan yareeyo waa #3000.”
Faadumo ayaa sheegtay in Saygeeda uu subax kasta magalada ka raadiyo shaqooyin xamaal ah, balse inta badan uu soowaayo, maaddama aan magaalada laga aqoon, asna uusan lahayn xirfad uu ku shaqaysto.
Ninkaan oo horay u ahaa macallin dugsi Qur’aan ayaa hadda noqday baagamuuddo, markii ay dadku kala barakaceen. Wuxuu qaadanayay $200 oo ku filneed noloshooda.
Haweenaydaan ayaa tilmaamtay in afar carruurteeda ah oo kala dhiganayay dugsiyada dhexe iyo sare ay dagaalka ku waxbarasho beeleen. Waxay sheegtay in aysan awoodin lacagta lagu dhigto iskuullada magaalada Baran oo bishii laga rabo isku dar $20.
Fardowso Yuusuf Xuseen ayaa sheegtay in colaada ay ku waysay ishii dhaqaale ee ay ku maarayn jirtay qoyskeeda oo sideed qof ah. Waxay dagaalka ku waayen saddex dukaan oo ay kiraysteen, kuwaas oo bishii ay ka qaadan jireen $150.
“Guriyaheeni iyo wixii noo dhax yallay waa la burburiyay. Alaabtii, lbaabadi, xitaa boorsooyinka ay dharka noogu jireen waa laga daadiyay. Korontadii guriga wey kala furfureen oo waxay ugu taala galeen in ay gubaan.”
Fardowso ayaa sheegtay in 24 saac ay hal mar dabka saartaan raashin min 10 kiilo oo bur, bariis, sonkor iyo saliid ah oo shantii bishaan ay ku iibsadeen $50 oo ay ka heshay ehelkeed jooga Garowe. Raashinkaas oo ka sii dhamaanaya ayay xustay in aysan garanayn meel kale oo ay wax ka keento.
waxay tilmaamtay in ay ka walwalayso labo carruurteeda ah oo colaada ku waxbarasho beelay. Deegaanka Xingalool oo ay joogaan ayay sheegtay in iskuullada lagu dhigto lacag laba jibaar ka badan magaaladoodii.
“Farqi weyn baa u dhexeeya tusaale xaga waxbarashada carruurta $14 baa deegankeeni wax lagu bari jiray halkan aan hadda imaanay $27 waye. Dugsiga Qur’aanka ilmaha waxay igu dhigan jireen min $7 halkana waxaa lagu dhigta $10 qofkiiba. Wax walbo waa labo jibaar.”
Fardowsa ayaa sheegtay in xaaladaan adag ay kali ku tahay maaraynta nolosha qoyskeeda. seygeeda oo qaba cudurrada dhiikarka iyo macaanka oo ay dhaqaatirtu ku sheegen ayay xustay in bilowgii dagaalka dad ehelkiisa ah ay u qaadeen isbitaal Hargaysa ku yaalla. Halkaas oo wali lagula tacaalayo.










