Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Muruq-maalka Hargaysa oo shaqoodii ay la wareegeen mashiinno casri ah

Jibril Osman by Jibril Osman
July 3, 2024
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
100 ka mid ah maxaabiista Boosaaso ku xiran oo helay tababar xirfado

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Cali Abyan oo ah aabbaha qoys toban qof ah ayaa sheegay inay wajahayaan hubanti la’aan cunno afartii bilood ee la soo dhaafay.

Ninkan oo ka mid ahaa muruq-maalka sameeya bulukeetiga guryaha lagu dhiso ayaa tilmaamay in shaqadiisii ay ka riixdeen mashiino ay keensadeen shirkadaha uu u xoogsi tagi jiray.

Maxamed ayaa sheegay in nolosha qoyskiisa hadda ay ku tiirsan tahay raashin bisil oo ay ku caawiyaan qoysas ay deris yiihiin oo xaaladdoooda ogaaday.

“Saddexdii waqti oo kale maalina way waayaan maalina way helaan, maalinta Ilaahay na siiyana way cunaan maalinta kalena biyahooda ayay iska cabaan. Markaa walaal sidaas ayay saameyn aad ah noogu yeelatay arrintaasi. Markii hore iyo imika farqi wayn ayaa u dhaxeeya. Markii hore wax soo saar fiican ayuu ahaa, balse maanta waxaa dhacda inaanay xaafadii waxbaba karsanba.”

Cunnada xumada haysata waxaa u raaca in labo guri kirada darteed looga saaray intii shaqo la’aan uu ahaa. Guriga uu hadda deggan yahay ayuu xusay in lagu wargaliyay in laga rarayo haddii lacag kale ay u raacdo $40 oo lagu leeyahay.

Wuxuu sheegay in uusan hayn qorshe uu ku beddelo shaqada ka istaagtay oo uu ka shaqaynayay muddo 11 sano ah. Ninkan oo isagu si gaar ah u qaabilsanaa samaynta bulukeetiga ayaa laga maarmay, markii maamulka goobtii uu ka shaqaynayay ay keensadeen qalab koronto ku shaqaynaya oo iskiis u qabanaya hawshiisii.

Maxamed ayaa afar caruurtiisa ah oo dugsiga Nuuradiin ee magaalada Hargaysa ka dhiganayay fasalada 2, 4 iyo 5 ka saaray bishii May ee sanadkan markii lagu yeeshay $160. Wuxuu sheegay in hadda ay noqdeen guri joog aan wax daruus ah qaadan.

Daynta lagu leeyahay Maxamed intaas kuma eka. Waxaa u dheer $800 oo ay ku leeyihiin saddex baqaar oo uu raashin kaga qaatay tan iyo markii ay ay shaqadu ka istaagtay. Waxay hadda ka goosteen in ay dayn cusub siiyaan.

“Culeyska aan dareemayaa waxaa weeye xaafaddii oo bil lagaa sugayo, biyo lagaa sugayo, kiro lagaa sugayo, way adag tahay wallaahi arrintaasi aad ayay iigu adag tahay. Waxay igu dhalisay howl wayn oo waxaa weeye nin maanta wax walba laga sugayo oo reerka masuul ka ah oo xilkiisii saaran yahay waa mid warwar iyo culeys wayn ugu haysa.”

Maxamed ayaa sheegay in isku dayo badan oo uu sameeyay si uu u helo shaqo kale aysan u suura-galin. Nolosha qoyska ninkan ayaa ahayd mid isku dheelli-tiran bilo ka hor balse waxay wax walba is beddeleen markii meesha ka baxay $250 oo uu si bille ah uga heli jiray xarunta uu ka shaqaynayay. Wuxuu ahaa sida uu sheegay qofka ugu sarreeyay shaqaalaha oo gaarayay 11 nin oo la kala diray.

Wuxuu hadda noqday guri joog aan soo saarin wax daqli ah. Wuxuu sheegay in haddii uu dhaqaale heli lahaa uu samysan lahaa xarun u gaar ah, balse uusan awoodin. Saamaynta ka dhalatay shaqo la’aanta waa mid ay ka siman yihiin dhamaan ragga ay booska ka saareen mashiinada casriga ah.

Cismaaciil Maxamuud Cali waa aabbe leh qoys ka kooban sagaal ruux, wuxuu ka mid ahaa boqollaalka qof ee ku shaqaysta samaynta bulukeetiga. Xaaladdan hadda taagan ka hor wuxuu ahaa qof maalintii celcelis ahaan hela 10 doolar oo qoyska ku goyn cunno ku filan.

Shaqo la’aanta ku dhacday ninkan ayaa dhaxal siisay in uu awoodi waayo dhamaan masaariifta qoyska, maaddaama uusan lahayn wax kayd ah. Wuxuu hadda ku qasbanaaday in uu caawinaad waydiisto cidkasta oo uu garanayo.

“Waad garan kartaa qof bilaa camal noqday oo xaas iyo carruur ay sugayso. Dadka ka shaqeysan jiray oo kirooyin ku jiray, oo caruur ku masruufi jiray hadana aan wax haynin sida ay noloshoodu noqonayso waad garan karta. Waxay aniga igu yeelatay bilaa camal in aan noqday, xaafadii bilaa masaariif ay iga noqdo waxbana aanan u haynin.”

Cismaaciil waxay hadda qoyskiisu ku tiirsanyihiin raashin ah min 10 kiilo oo iskugu jira bur, bariis iyo sonkor oo ay u gadday gabar walaashiis ah. Wuxuu xusay in ay karsadaan hal waqti oo ah habeenkii.

Wuxuu ka shalaynayaa in uusan u diyaar garoobin arrintan oo uusan weligiis ku fekerin in ay ku dhici karto. Waxaa lagu wargaliyay in shaqada laga joojiyay isaga oo fasax ku maqan.

Keligiis lagama dirin xarunta ee wuxuu ka mid ahaa shan rag ah oo laga maarmay bishii Febraayo ee sanadkan. Wuxuu sheegay in isaga iyo saaxiibadiis ay hadda qorshaynayaan in ay u weecdaan shaqooyin kale sida dhismaha guryaha.

“Wax aan qabto ma jiraan. Suuqa ayaan u baxaa, meelahaas ayaan iska soo marmaraa waana iska soo laabtaa. Waan welwelayaa, waxaa iga welwelinaya ciddii aan masuulka ka ahaa dayactirkoodii iyo masaariiftoodii ayaa iga welwelinaya, marka saamayn wayn ayay igu yeelatay. Magaaladu waa shaqo la’aan qofkuna markii uu shaqo la qabsado waqti dheer ayay qaadanaysaa in uu shaqo kale helo.”

Cismaaciil wuxuu aaminsan yahay haddii uu horay u yeelan lahaa xirfad kale in uu maanta ku baxsan lahaa. Wuxuu tilmaamay inuu codsi shaqo u dirsay dukaamo balse uusan jawaab ka helin.

Mashiinada lagu sameeyo bulukeetiga oo sanooyinkii danbe ku soo batay Hargeysa ayay sheegeen ganacsatada leh xarumaha in ay ku doorteen faa’iidooyin ay arkeen in ay shaqaalaha uga fiican yihiin.

Mashiinadan oo halkii xabo uu joogo qiimo gaaraya $12,000 ayay sheegeen in dhaqaalaha ku baxaya gadistiisa ay ku soo heli karaan wax ka yar hal sano maaddaama uu awood u leeyahay in maalintii uu soo saaro 1,000 xabo, taas oo laban-laab ka badan tii ay shaqaalugu samayn lahayeen.

Cabdiraxmaan Samatar Cilmi oo ah mulkiilaha meherad lagu gado bulukeetiga oo ku taalla waqooyi Hargeysa waxa uu Raadiyow Ergo u sheegay in ay ku door-bideen in uu ka wax soo saar badan yahay shaqaalaha iyo in uu ka qarash yar yahay, maaddaama uu baaqanayo mushaarkii ay bilaha u bixin jireen.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad ay shaqaalaysiiyaan weli, balse ay yihiin dad yar oo qaabilsan shididda mashiinka. Wuxuu tilmaamay in hadda ay meheraddiisu ka faa’iido badan tahay sidii hore isla markaana ay awoodaan inay daboolaan baahida macaamiisha.

Xoogsatada arrintan ay saamaysay ayay adagtahay in ay ka soo kabsadaan. Waxaa isku raacday shaqada oo ka istaagtay xilli aysan ku talo galin iyo in aysan lahayn xirfaddo kale oo ay ku bedeshaan.

Previous Post

Muqdisho: Cudurrada faafa oo ku badanaya xerayaha lagu barakacay nadaafad-xumo darteed

Next Post

Garowe: Gabar isku filnaan dhaqaale gaartay markii ay hirgalisay iskuul carruurta ay wax ku barto

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Garowe: Gabar isku filnaan dhaqaale gaartay markii ay hirgalisay iskuul carruurta ay wax ku barto

Garowe: Gabar isku filnaan dhaqaale gaartay markii ay hirgalisay iskuul carruurta ay wax ku barto

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo