Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Cudurrada faafa oo ku badanaya xerayaha lagu barakacay nadaafad-xumo darteed

Jibril Osman by Jibril Osman
June 29, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Cudurrada faafa oo ku badanaya xerayaha lagu barakacay nadaafad-xumo darteed

Haweenay iyo carruurteeda oo hor fadhiya buush ku dhex-yaal xero barakac/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Fayo-dhowr xumida xeryaha barakaca iyo helitaan la’aanta adeegyada caafimaadka waa duruufo ay aqbaleen inay ku noolaadaan dadka soo barakacay, markii ay waayeen xal iyo xeelad kale oo awoodooda ah.

Qoysaska ku nool xeryaha waxay u nugul yihiin inay si fudud isku qaad siiyaan cudurrada faafa ee ay horseedaan nadaafad-darrada iyo isku-raranka dadka.

Axmed Siyaad Buulle oo ah aabbaha lix carruur ah oo deggan  xerada Danyar ee degmada Garasbaaley wuxuu shaqadiisii uga hakaday la joogista gabadhiisa oo uu soo ridday cudurka shuban-biyoodka.

Wuxuu tilmaamay in gabadhiisa oo habeen bar ay soo wajahday xaalad caafimaad-darro 25 bishii hore uu waayay xarumo bilaash ah oo xerada u dhow. Ma awoodin lacagta adeegga goobaha gaarka loo leeyahay ee deegaanka ku yaalla.

Ugu dambeyn wuxuu Isbitaalka Banaadir ka helay adeeg caafimaad oo bilaash ah. Nin ay deris yihiin ayaa ku taakuleeyay $5 oo lagu geeyay isbitaalka oo laga saaray  27 bishii May.

Axmed iyo waalidiinta kale ee xerada ku nool waxay qabaan walwal joogto ah, maaddaama xeradooda maalin walba uu carruur badan soo rito cudurka shuban-biyoodka.

“Cunnuga markii uu xanuunsado waa in islamarkii la la cararaa oo isbitaal la geeyaa, waalidka intii ay maqnaan jireen ma maqnaan karaan, taasina waxa ay saameyn ku yeelatay nolol maalmeedkii qoyska.”

Ka sokow inaysan helin adeeg caafimaad oo xeryaha ku yaalla waxaa ku adag inay helaan gaadiidka gurmadka degdega ah. Wuxuu sheegay in dadka xerada ay wajahayaan nadaafad-darro, taas oo  xoojineysa cudurrada la is qaadsiiyo, maaddaama wacyi ahaan aysan ku baraarugsanayn halista ka dhalan karta.

“Meesha wax musqul ah kama jiraan. Horay hal Musqul ayaa ugu taallay dabeyl ayaa timid, ka dibna la haaday jiingadii saarneyd, waxaa kaaga sii daran meeshaan biyaha jirigaan ayaa lagu soo jiidaa, taas oo keenta in maanta oo dhan ay qoroxda uu yaallo.”

Ninkaan oo ah danyar nolosha qoyskiisa ka maareeya iibinta lowska ayaa sheegay in uu dib ugu laabtay howshiisa, markii ay gabadhiisa u bogsootay. Shaqadan ayuu ka helaa labo doollar oo aan joogto ahayn. Wuxuu xusay in ay u suurtagaliso in hal waqti ay cunno karsadaan.

Wuxuu intaas ku daray in carruurtiisa uusan u awoodin cunnooyinka isku dheeliga-tiran ee ay u baahan yihiin, si ay uga badbaadaan xaaladaha nafaqo-darrada iyo cudurrada kale.

Qoyska Axmed wuxuu bishii Maarso ee sanndkaan 2024 ka soo barakacay deegaanka Iji ee ku yaala xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, markii ay saameysay colaad beeleed sababtay in laga gubo gurigiisa iyo beer bar hiktar ah oo uu deegaanka ku lahaa.

Dhaqtar Axmed Saciid iyo koox caafimaad oo uu hoggaaminayay oo ka howlgala isbitaalka Dawo ayaa ayaa bishii May  ka sameeyay xeryaha barakaca ee Muqdisho baaritaano iyo wacyigalin caafimaad oo ku saabsan cudurrada faafa.

Arrintaan ayaa ku dhalatay inay isaga iyo ardayda jaamacadaha iska uruuriyaan $670, si ay ugu fuliyaan caafimaad oo ay ka faa’iideystaan dadka xeryaha barakaca ku nool.

Wuxuu xusay in intii ay ku guda jireen howlahooda ay la kulmeen qoysas carruurtooda uu ku dhacay shuban-biyood oo guryaha ku haysta, kuwaas oo aan la geynin goobaha caafimaadka.

Dhaqtar Axmed wuxuu sheegay inay baareen shan boqol oo carruur ah oo boqol iyo toban ka mid ah ay ka heleen cudurrada daacuunka iyo shubanka.

Wuxuu tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ay tahay in xeryaha badankood aysan heysan musqulo hagaagsan iyo biyo nadiif ah.

Dhaqtarka ayaa tilmaamay in saxarada ay meel walba taallo, sidoo kalena biyaha oo ay ku soo qaataan caagado maalinkii dhan qorroxda yaalla oo carruurta ay cabayaan iyagoo kulul. Waxaa uu noo sharaxay waxyaabaha sababa daacuunka iyo shuban biyoodka.

“Waxyaabaha laga qaado waxaa ka mid ah in qofka uu cunno cunto wasaqeysan ama in uu cabo biyo wasaqeysan oo taabtay saraxada qof xanuunsan ama biyo ay soo qaadaan meel qof ku saxarooday ka dibna qofka afkiisa ay sidaasi ku gasho. Marka qaabkaas ayuu u gudbaa, caalamadiisa waxaa ka mid ah shubankaasi xad dhaafka ah, dadka qaarkood waa matagaan.”

Dhaqtar Axmed Saciid waxaa uu sheegay in cudurkaan ka hortagiisa ay muhiim tahay ilaalinta nadaafadda qofka jirkiisa iyo in weelasha cunnada lagu cuno si wanaagsan loo meyro.

“Waa in carruurta gacmaha laga dhaqaa. Suuliyeyaasha iyo meelaha kale ee la isticmaalayo waa in si weyn loo dhaqaa. Marka khudaarta la isticmaalayo waa in si wanaagsan loo mayro oo diirka laga soo saaro. Marka cuntadada nadaafadooda waa in si weyn looga taxadaa.”

Horjoogayaasha xeryaha barakaca Muqdisho ayaa isku dayay inay dedaalkooda ku hakiyaan halista cudurrada. Waxay bilaabeen farriimo wacyigalino ah, balse adeeg yarida caafimaad ee jirta ayaa hor istaagtay inuu miro-dhalo isku-dayadooda.

Cabaas Maxamuud Gaabow horjoogaha xerada Danyar labo ee Garasbaaley ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhibaato dhanka caafimaadka ah ay ka jirto xerada.

Ninkaan ayaa xusay in xeradiisa ay ku dhinteen afar carruur ah bishii May  la soo dhaafay, kuwaas oo la xaqiijiyay in markii la geeyay goobaha caafimaadka ay u dhinteen fuuq bax.

Wuxuu tilmaamay in xeryaha ku yaalla Dayniile iyo kaxda ay la qabaan dhibaatada shuban biyoodka, balse meelaha qaar laga helo musqulo iyo biyo oo ay taas uga roon yihiin.

“Xerada ma jirto biyo nadiif ah oo ay dadka cabaan. Dadkaan meeshii ay biyaha ka cabi jireen lacagihii markii ay ku bateen ayaa tuubadii laga jaray. Meelo waa dheer oo xooggaa loo soconaayo ayay biyaha ka doontaan.”

Dad qaar ayaan ku baraarugsanayn daryeel xumida haysata, halka qaarna ay ka rajo dhigeen markii ay waayeen cid wax u qabata.

 

 

Previous Post

Mudug: Rag ku xoolo beelley abaarta oo fursad shaqo ka helay Marsada Hobyo

Next Post

Muruq-maalka Hargaysa oo shaqoodii ay la wareegeen mashiinno casri ah

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 8, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
Next Post
100 ka mid ah maxaabiista Boosaaso ku xiran oo helay tababar xirfado

Muruq-maalka Hargaysa oo shaqoodii ay la wareegeen mashiinno casri ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-DEC-2025

IDAACADDA 09-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-DEC-2025
December 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-DEC-2025
December 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-DEC-2025
December 5, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo