Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag ku xoolo beelley abaarta oo fursad shaqo ka helay Marsada Hobyo

Jibril Osman by Jibril Osman
June 28, 2024
in Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Nin qaxooti ah oo noloshiisu isbeddeshay markii uu ku shaqo billaabay taksi

File Photo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cismaan Maxamed Cilmi ayaa xal u helay labo sano kaddib, maaraynta nolosha qoyskiisa oo 12 ah, markii shaqo baabuur wadis ah uu ka helay dagmada Hobyo ee gobolka Mudug saddexdii bishii Abriil ee sanadkan.

Wuxuu ka mid yahay 200 oo rag ah, kuwaas oo abaarta ay xoolo la’aan ay bidday. Waxay ka shaqo billaabeen dekadda macmalka ee Hobyo, halkaas oo gaadiidka ka soo degga ay u ka xeeyaan magaalooyinka Cadaado, Guriceel, Gaalkacyo iyo Dhuusomareeb.

Cismaan wuxuu shaqeeyaa bishii 25 maalin oo ka mid ah, halkii baabuur ee uu wado ayuu ka helaa lacag u dhexeeya $80 ilaa $120. Dhaqalahan ayaa meesha ka saaray xaalad cunno-xumo oo qoyskiisa ay wajahayeen labo sano oo barakac iyo shaqo la’aan uu ahaa.

“Farqi wayn baa u dhaxeeya oo la taaban karo. Noloshii hore iyo tan. Shaqadan faa’iido badan baa ka helay, taas oo aan nolosha ku maareeyey iyo tan dad badan oo qoyskayga, waalid iyo walaal iyo in badan oo saaxiib leh.”

Wuxuu sheegay in labadii ee u danbeeyay uu helay macaamiil ku xiran oo gaadiidka uu u ka xeeyo si uu lacag uga helo. Arrintan ayaa ka caawisay in saddexda waqti ay qoyskiisu helaan cunno ku filan, taasi oo illowsiisay duruuftii uu la soo maray sanadihii xoolo la’aanta uu ahaa.

Xirfadda wadidda gaadiid wuxuu bartay sanad ka hor. Waxaa ka taageeray nin ay qaraabo yihiin. Wuxuu tilmaamay in ugu danbeyn ay u noqotay fursad shaqo abuur oo uu ka maareeyo nolosha qoyskiisa.

Daboollidda baahida cunno ee reerkiisa waxaa u dheer in uu waxbarashada ku daray toddobo ka mid ah carruurtiisa oo horay uu ugu awooddi waayay lacagta ku baxaysa. Wuxuu xusay in bil kasta uu ku bixiyo $60 oo ay ku dhigtaan iskuulka hoose iyo dhexe ee Hobyo.

Wuxuu intaas ku daray Cismaan in dhaqaalaha soo gala uu sidoo kale ka caawiyay in uu iska bixiyo lacag dayn ah oo qoyskiisa uu ugu qaaday raashin labadii sano ee u danbeeyay.

“Ilaa $500 baa la igu lahaa markii aan shaqada billaabayay. Aayer aayer baan iskaga bixiyay lacagta. Markan labo baabuur ka xeeyaba qayb ayaan iska bixinayay. Si isteeb-isteeb ah baan iskaga dhameeyay.”

Wuxuu tilmaamay Cismaan in uu dhigaalsado lacagta uu shaqeeyo qaybta ka soo harta masruufka qoyska. Wuxuu naawilayaa in uu ku maal-gashada ganacsi ama uu iibsado gaari uu ku shaqaysto si uu u yeesho il-dhaqaale oo kale oo qoyskiisu ay ku tiirsanaadaan.

Ninkan oo muddo 15 sano ah xoolo-dhaqato ayaa sheegay in uu ka raystay noloshii miyiga, maaddama uu wajahay rafaad ka dhashay abaaro soo laalaabtay oo ugu danbeyn xoolo la’aan dhigay.

Miyiga Hobyo ayuu ku dhaqanayay xoolaha abaartu ay ka dishay oo ahaa 200 oo ari ah. Wuxuu sheegay in uu ku xarooday magaalada isagoo dulsaar ku noqday qoys ay ehello yihiin, balse uu u wareegay guri kiro ah bil ka hor, kaas oo bishii uu ka bixiyo $40.

Cali Salaad oo kamid darawaliinta fursadaha shaqo ka helay marsada Hobyo wuxuu xirfaddiisa ku shaqaynayaa tan iyo 25 bishii Maarso ee sanadkan. Wuxuuna ka helay dhaqaale ku filnaaday nolol-maalmeedka qoyskiisa oo 11 qof ah.

Cali ayaa tilmaamay in bishiiba uu shaqeeyo ugu badnaan lix jeer. Wuxuu safarrada baabuur wadista ku kala bixiyaa magaalooyinka Galmudug, halkaas oo ay ka soo wacaan macaamiisha doonaysa in gaadiidka u soo daga loogu keeno deegaankooda.

Wuxuu sheegay in uu leeyahay macaamiil la soo xariirta marka ay ka doonayaan dalab shaqo. Waxay tani ka caawisay in bil walba uu helo lacag u dhaxeysa $300-$400. Nolosha qoyskiisa ayaa isbadeeshay tan iyo markii uu ku shaqo billaabay xirfadda baabuur wadista.

“Waagii hore cid itaqaanna malahayn. Laakiin haddeer markan soo istaago dakadda Hobyo waxaa la I leeyahay aniga baabuurka ii wad. Aniga i hormari qof caan ah ayaan noqday. Niman jooga Cabud waaq baa i soo wacaya kuwa jooga Guriceel baa I soo wacaya waxay leeyihiin baabuurkaas noo soo wad, lacagtaadana taleefonka ka fiiriso.”

Ka hor shaqadan wuxuu qoyskiisu ku tiirsanaa shaqo xoogsi ah oo dhaqaale kaafiya uusan ka heli jirin. Wuxuu jabin jiray dhagax lagu dhiso guryaha. Wuxuu sheegay in toddobaadkiiba mar laga iibsan jiray hal-iska-rogo oo dhagax ah, taas oo qiimaheedu yahay $10.

Duruufta ayaa ku qasbi jirtay in uu qoyskiisa raashin dayn ah uga qaado bakhaarrada, maaddama lacagta uu shaqeeyo toddobaadkii aysan ku filnayn maaraynta nolol-maalmeedka carruurtiisa.

Hase ahaate, baahidaas hadda meesha way ka baxday. Wuxuu ku xisaabtama lacag badan oo uu ka helo gaadiidka uu ka xeeyo marka laga soo dajiyo marsada dagmada Hobyo.

“Kuwa Gaalkacyo $60 ilaa $70 baa lagu wadaa. Magaalooyinka ka shisheeyana $120 ilaa $100 baa lagu wadaa. Dhaqaalaha aan ka helo waxaan iskaga bixiyaa masruufka xaafadda iyo korontada, waxna raasamaal baan u dhigtaa illeen maalin kasta shaqadu mataagnee, markii hore dukaamo ayaan dayn ka qaadan jirnay. Way kugu dhagayaan markaad daynta ka qaadato ma garatay.”

Wuxuu tilmaamay Cali in qoyskiisa uu ka saaray caqabadihii nololeed ee haystay. Lacagta uu ka helo shaqadiisa ayuu tilmaamay inuu u qeybiyo saddex. Labo qayb wuxuu ku bixiyaa cunnada qoyska iyo waxbarashada labo ka mid ah carruurtiisa, halka qaybta u hartay uu dhigaal-sado.

Cali Salaad oo 40 jir ah waxay abaartu ka dishay 150 neef oo ari ah ah iyo 30 halaad oo ku dhaqan jiray miyi hoostaga dagmada Wisil. Markii uu cayrtoobay 2021 waxay dantu bidda in uu noqdo dadka rara gaadiidka ama kirishboy, halkaas oo uu ku bartay xirfadda baabuur wadista.

Ragga ku shaqaysta gaadiid wadista badankooda waxay gacan ka heleen ganacsatada gaadiidka iyo alaabaha kale la soo degga, kuwaas oo ku xiray macaamiisha gawaarida ka iibsada sida Raadiyow Ergo uu u sheegay Cismaan Cabdille Barkhadle oo ah wakiilka shirkadda Baraarug.

Wuxuu sharraxayaa shuruudda ay hor dhigaan qofka shaqo doonka ah si loogu xiro macaamiil uu u ka xeeyo gaadiidka.

“Kow waa in la helaa baahida baabuur darawalnimo qof aqoonteeda leh. Qof la aamini karo oo qof la yaqaanaa uu wadana waa in la helo. Annaguna xafidaadda iyo boosaska bannaan cid buuxisa ayaan u baahannahay. Tusaale bilihii u danbeeyay 400 gaari ayaa noo soo degtay, afartaas boqolna gaariba ninbaa soo waday.”

Shirkadda uu madaxda ka yahay waxay ka mid tahay ilaa afar kambani oo gaadiidka iyo alaabaha kale ka la soo degga dakadda Hobyo. Furitaanka marsadan waxay fududaysay in ay shaqo abuur heleen boqollaal danyar iyo dad ku cayroobay abaaraha iskugu jira, kuwaas la soo baxa nolol-maalmeedka qoysaskooda.

Previous Post

Gabadha kaliya ee Burco ku dhex wadda bajaaj oo la kulanta caqabad aysan la qabin ragga ay isku xirfadda yihiin

Next Post

Muqdisho: Cudurrada faafa oo ku badanaya xerayaha lagu barakacay nadaafad-xumo darteed

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Muqdisho: Cudurrada faafa oo ku badanaya xerayaha lagu barakacay nadaafad-xumo darteed

Muqdisho: Cudurrada faafa oo ku badanaya xerayaha lagu barakacay nadaafad-xumo darteed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo