(ERGO) – Caasha Axmed Nuur waa gabadha kaliya ee magaalada Burco uga shaqeysa bootada Bajaajta. Kalinimada darteed waxay wajahdaa caqabado aysan la qabin ragga ay isku shaqada yihiin, hasa yeeshee taasi kama hor istaagin howsheeda.
Caasho oo 37 jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in duruufta nololeed ee la xiriirta ay ka weyn tahay caqabadda ay leedahay shaqadan oo ay bilowday bishii Janaayo.
“Caqabadaha waxaa ka mid ah markaan kaligey meel soo istaago oo inta kale rag yihiin waxaa la oronayaa Bajaajta yaa wata. Marka la yiraahdo gabar ayaa wadata waxay dhahayaan ma raacayo gaari ay gabar waddo. Laakiin uma joojiyo taas, waloow marka caqabadahaas igu soo noqnoqdaan aan is iraahdo iskaba daa Bajaajta, laakiin waxaan ku fakaraa inaan ka rumeeyo hamigeyga oo aan cidna u joojin.”
Caasho ayaa tilmaantay inaysan wax sahlan aheyn in qof dumar ah ay bajaaj magaalada Burco uga shaqeyso. Waxay u sababeysay dadka oo aan horay u baran, dhaqan ahaana u arka waxaan dumarka ku habooneyn.
Magaaladan waxaa ka shaqeeya 480 Bajaaj ah oo iyada mooyee inta kale ay rag wadaan. Waxay xustay in maalinkii ay ka hesho $5 illaa $11. Dhaqaalahaas labo laabkiis ayay xustay in raggu helaan.
Waxay sheegtay in dad badan aysan kalsooni ku qabin iyada, sidoo kalana xilliga habeenkii ay ka caagantahay inay shaqeyso sababo ammaan darteed.
“Waxaan shaqeeya lixda subaxnimo illaa 12 duhurkii, hadana waxaan ku soo noqdaa oo aan shaqeeya afarta galabkii illaa lixda maqribkii. Habeenkii oo lacag badan laga helo bajaajta ma shaqeeyo, maaddama aan dumar ahay oo aan aamini karin, sababtoo ah wax kasta oo nafteyda halis galin kara ayaan la kulmi karaa.”
Bajaajta ayaa ah gaadiidka ugu badan ee ka dhex shaqeeya xaafadaha magaalada. Waalidiinta ayaa dhallinyarada uga dhiga shaqo abuur, si aysan u tahriibin ama nolosha uga dhicin inta ay isticmaalaan maandooriye, balse Caasho sabab taas ka duwan ayaa ku riixday.
Waa go’aan ku dhashay markii ay kala tageen saygeeda sanadkii hore, kalina ay la noqotay lix carruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo aysan jirin cid ku biisha.
Waxay xal u aragtay inay iibsato bajaajta oo iyadoo celis ah ama aan cusbeyn ayay kala baxday labo kun oo Doollar. Lacagtaas ayay ka heshay boos ay gadatay.
Shan bil oo ay ku shaqeyneyso ayay tilmaantay inay ku filnaatay maareynta noloshooda. Caasho waxaa la nool shan walaalaheeda oo ah agoon uu ugu weyn yahay wiil 14 jir ah.
“Carruurteyda iyo walaalaha aan koriyo waxay heleen nolol maalmeed ay ku xisaabtami karaan. Markii aanan shaqeyn jirin noloshan mey jirin, sababtoo ah nolol maalmeed toos ah oo aan ku tiirsaneyn ma jirin. Maalin aan qadno iyo maalin aan helno ayay noloshu u dhexeysay, marka taasi waxay igu kaliftay inaan boos iibiyo oo Bajaaj ku gado si nolol maalmeedka halkaas uga soo saaro.”
Caasho ayaa xustay in hadda ay helaan cunto ku filan, balse shaqadan ka hor ay hal waqti wax karsan jireen. Waxay la nooleyd qoyska hooyadeed oo deggan xerada Caaqil yare oo duleedka Burco ku taal. Noloshooda ayaa ku tiirsaneyd kaar ay siisay hay’adda World Vision oo bishii ay ku qaadan jireen $75 oo raashiin ay ku badashaan.
Gargaarkaas ayaa qoyska waalidkeed ka istaagay bishii January ee sanadkan. Tan iyo xilligaas waxaa reerka caawiya dad ay qaraabo yihiin, iyaduna waxay ku taageertaa wixii ay awooddo.
“Duruufta nololeed mid adag ayay aheyd markii hore, waxaa yar ee gargaarka ah ayaan ku tiirsaneyn oo markii dambe meesha ka baxay. Hadda aniga ayaa dhaqaaqa, carruurtana inta aan shaqeynayo waxaa ii haysa ayeeyo oo guriga joogta iyo hooyo.”
Caasho ayaa xustay in bilooyinka ay shaqeyneyso aysan wax dhaqaale ah keydsan. Waxa soo gala ayay sheegtay inaysan ka badneyd nolol maalmeedka reerka, balse hankeedu waa inay gadato bajaajyo kale oo loogu shaqeeyo si dakhligeedu u kordho.
Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in wax weyn ay uga dhigantahay in carruurteedu wax u bartaan iyadoo cidna u daba fariisan lacagta bishii laga qaado oo isku darkeedu yahay $30.
“Carruurtu wali dugsi hoose iyo dhexe ayay ku jiraan oo heer sare mey gaarin. Bishaan helo waan siiyaa iskuulka lacagtiisa, bisha aan waayana maamulaha ayaan ku dhahaa waan keenayaa ee ha soo ceyrin. Arintan waxay iiga dhigantahay inaan buuxiyay boosas badan oo ka bannaanaa xaafadda.”
Caasho iyo carruurteedu waxay deggan yihiin jiingad kiradeedu tahay bishii $30, taas oo ay ku nooshahay tan bishii February, markaas oo ay ka soo guurtay hooyadeed oo ay la daganeyd labo aqal oo cooshad ah.
Waxay tilmaantay in heerka ay joogto maanta uu bilo ka hor ahaa riyo qofkii ay u sheegto u arkayay waxaan suurto gal aheyn.
“Dadka wax ku caaya iyo wax ku ammaana waad arkeysaa nooc walba, laakiin anigu uma joojiyo oo danteyda ayaan ka raacdaa. Hamigeyguna waxa weeye in ummadaas dhan ee 11 qof ah ee aan masuulka ka ahay aan buuxiyo baahiyaadkooda asaasiga ah, waxbarasho, caafimaad, kiro, biyo iyo koronto nooc kasta oo ay tahay.”
Burburka qoysaska ee ka dhasha kala tagga lamaanaha ayaa reero badan dhaxal siiyay nolol xumo. Caasho waligeyd ma shaqeyn muddo toban sano ah oo la qabay.
Waxaa nolosha reerka dabari jiray seyga ay kala tageen oo ka shaqeynayay dhagaxa dhismaha, balse biilka ayuu ka jartay markii uu guursaday xaas kale.