(ERGO) – Iiisho Aadan Cali waxay qoyskeeda oo sagaal qof ah hoy la’aan, biyo yari iyo cunno xumo ku wajahayaan xerada lagu barakacay ee Raama-cadey ee duleedka magaalada Baydhabo. Waxay soo gaareen 19 bishii Abriil ee sanadkan.
Waxay ka mid yihiin 250 oo qoys oo ka barakacay degmada Buurhakaba, markii ay saameeysay colaad u dhexeeysa labo qabiil oo ka dhacay magaalada horraantii bishii hore. Qoyska Iisho ayaa dulsaar ku ah dadkii horay xerada u degganaa.
Waxay ku caawiyaan raashin bisil oo ay iska soo aruuriyaan. Mararka qaar ee ay ka waayaan ayay sheegtay in ay miciin bidaan maqaaxiyaha ku yaalla magaalada oo ay ka soo raadiyaan raashin haraadi ah oo aysan u helin si joogto ah.
“Colaad beeleedkan ayaa sidaas na yeelay. Markaan deegaankeenii aan joogney waxan karsaneyney quraaco, qado iyo casho oo waan heli jirnay.”
Haweenaydan ayaa sheegtay in ay la qabsan waayeen nolosha barakacnimada oo aysan horay u aqoon. Waxay tilmaamtay in ay dantu ku qasabtay, markii ay magaalada soo gaareen oo ay ogaatay in aysan deggi karin gudaha Baydhabo, maddaama aysan iska bixin karin kirada iyo biilka.
Iisho oo horay nolosha qoyskeeda uga maarayn jirtay dhar-dhaqis ay magaalada Buurhakaba uga shaqayn jirtay ayaa sheegtay in aysan hadda hayn qorshe ay ku beddesho. Waxay tilmaamtay in ay meesha ka baxday $4-$6 oo ay ka heli jirtay.
Haweenaydan oo saygeedu uu yahay waayeel aan shaqayn kari ayaa ah halka qof ee uu ku tiirsan yahay qoysku. Maalmaha ay soo wayso dad ay u shaqayso ayay dayn ka qaadan jirtay bakhaar ay macaamiil ahaayeen oo ay u yaryaran jirtay hadba wixii ay hesho.
“Dadkii daynta igu lahaa habeen hore way isoo waceen, qofkii xoolahayga la tagay Ilaah ayaan ku daayay ayuu igu dhaheen. Annagana xaaladdeena sidey tahay Ilaah ayaa og ayaan dhahay, hadiiba aan wax helno sidii aan kuugu gudi lahayn ayaan ku tala jiraa, sidaas ayaan ugu jawaabey.”
Qoyska Iisho oo dagaalku qabsaday xilli habeen ah oo aysan ku talo-galin ayaa ka soo tagay guri labo qol ah oo ay Buurhakaba ku leeyihiin. Waxay soo galeen safar lug ah oo qaatay saddex maalin iyada oo ka soo tagtay wixii ay agab haysteen, maaddaama aysan haysan dhaqaale ay gaadiid ku kiraystaan.
Waxay sheegtay in aysan helin wax soo dhawayn ah markii ay xerada soo gaartay. Waxay dantu ku qasabtay in ay habeenba meeel la seexato carruurta maaddaama aysan haysan xitaa dhul ay si joogto ah u deganaadaan. Haweenaydan ayaa tilmaamtay in ay ku hungowday rajadeedii ahayd in ay xerada ay ka heli doonto nolol dhaanta tii ku haysatay magaaladeedii.
Inkasta oo colaaddu wada saamaysay dadkii magaalada ku noolaa haddana waxay si wayn u taabatay qoysaska danyarta ah ee aan xamili karin barakaca degdegga ah. Dhaahiro Xasan Cali iyo carruurteeda oo 7 ah waxay dulsaar ku yihiin qoys ay qaraabo yihiin oo deggan xerada Raama-caddey.
Qoyska ay la degeen ayay wadaagaan buush yar oo aan ku wada filnayn. Aqalka oo ka samaysan calalo iyo qoryo laysku dhejiyay ayay sheegtay in uuusan ka celin karin dhibicda roobka gu’ga oo si maalin le ah ugu da’a.
Dhaahiro ayaa xustay in hoy xumada ay u dheertahay cunno yari. Waxay hal waqti siisa carruurta waxa ay ku soo hesho dawarsi ay u aaddo qoysaska barakacay ee horay u joogay xerada. Maalmaha ee ay soo wayso ayay sheegtay in ay gaajo ku seexdaan.
Dhanka kale waxay sheegtay in ay ku dhib qabaan helidda biyaha. Waxay maalin kasta 10 liitar oo biya ah garabka uga soo qaddaa ceel riig ah oo xerada u jira 2 km. Waxay tilmaamtay in ay 30 malin tahay umul oo ay ku adag tahay qaadista biyaha, balse tantu ku qasbayso.
Biyaha ayaa laga siiyaa halkii jirgan lacag dhan shan kun oo shilin Soomaali ah, taas oo aysan awoodin in ay iibsadaan. waxay hadda u yaryaraysaa $20 oo ay ku caawiyeen gudi xerada ka shaqeeya oo ogaaday xaaladdeeda.
“Biyaha ceel kore ayaan ka soo dhaansanaa iyo wixii godoomiyaha nasiiyo ayaan iskaga soo gadanaa halkoo jirgaan ayaan ku soo gadanaa qof wax karsanaya malahan biyaha cid sidaa u isticmaaleysa malahan hal wakhti ley wax la kariyaa iyo carruurta xoogaa loogu qabeynayo intaas ayaan ku nool nahay.”
Dhaahiro oo kaligeed korinaysa carruurteeda oo abbahood ay kala tageen lix bil ka hor aana lagu daryeelin ayaa sheegtay in ay hadda wajahayaan xaalad nololeed oo aad u liidata. Waxay xustay in ilmaheeda ay uga cabsi qabto nafaqo darro, maddaama aysan helin cunnto ku filan.
Haweenaydan oo horay noloshooda uga dabari jirtay $3 ilaa $4 oo ay si maalinle ah uga heli jirtay xaabo ay soo aruurin jirtay oo ay ku gadi jirtay magaalada Buurhakabo ayaa sheegtay in hadda aysan hayn shaqo u beddesha.
Waxay ka soo barakacday raashin oo iskugu jiray min 12 kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ahaa oo ay iibisay 10 maalin ka hor inta aan dagaalku dhicin. Waxay sheegtay in ay carruurta oo kali ah ay la soo carartay, maaddaama aysan hayn dhaqaale ay ku kiraystaan gaari ay ku qaataan.
“Saa’id ayuu dhib noogu geestey dagaalka halkaas ayaan ka soo lugeeyey barakac ayaa nasoo galey waan iska soo baxney ani aad irkeysid gaari ayaan ku imaadey oo la igu soo dhaweeyey labo maalin ayaan wadada ku soo jirey muslimka ayaa carruurta inoo nooleynayay rafaadkaas ayaan ku imaadey ilaah garabkooda hagalo”
Dhaahiro ayaa sheegtay in sidoo kale ay welwel ku hayso saddex ka mid ah carruurteeda oo ku waxbarasho beelay colaadda. Waxay dhigan jireen dugsi Qur’aan ay ka dhiibi jirtay min $3 bilkasta. Waxay tilmaamtay in aysan awoodin in ay ku darto dugsiyo ku yaalla xerada maddaama aysan bixin karin qarashka ku baxaya.
Guddoomiyaha xerada Raamada-caddey Cabduqaadir Cabdi Nuur ayaa sheegay in maalin walba ay soo gaaraan dad cusub. Wuxuu sheegay in dadku ay imanayaan iyaga oo xaaladdooda ay aad u liidato maddaama ay saad la’aan ku soo mareen masaafo dhan 60 km.
“Anaga wixii tabarteena ah waan dadaalney laakiin ma aboodno inan daboolno haabidooda oo dhan waxan ka codsaneynaa Hay’adaha samafalka isi deg deg ah in wax loogu qabto dadkaas magaalada daafaheeda ayay kukala daad san yihiin inta halkan joogta kama hadlaymo ee xero kasta dad noocaas ah ayaa joogo. Dadkaas waxay ubaahan yihiin caawimaad deg deg ah.”
Dadkan oo ah kuwo u badan haween iyo carruur ayaa haddii aysan caawinaad helin u muuqda kuwo xaalkoodu ka siidari karo. dhanka kale rajo kama qabaan in ay dib u laabtaan maddaama colaadii aan ilaa hadda xal loo helin.