(ERGO) – Fartuun Cabdirahmaan Adan waxay maamule iyo barre ka tahay iskuul ay leedahay oo carruurta lagu baro waxbarasho iskugu jirta maadi iyo diini. Arintan waxay ka caawisay inay ku filnaato maareynta nolosheeda iyo tan qoyska waalidkeed.
Sanadkii 2019 ayay qaadatay shahaadada heerka kowaad ee jaamacadda. Waxay baratay kulliyadda shareecada Islaamka. Wax shaqo ah ayay wayday muddo labo sano ah oo codsiyo ay direysay.
Wixii intaas ka dambeeyay waxay go’aansatay in iyadu abuurato shaqo ay u madax bannaan tahay si ay u gaarto isku filnaasho. Fartuun ayaa xustay in hadda aysan ka walwalin noloshooda, balse ay soo mareen xilliyo iyadu ay reerka culeys ku aheyd oo aysan waxba tari karin.
Maanta ayay sheegtay inay joogto heer iyadu shaqaaley siisay saddex gabdhood oo macallimiin ka ah iskuulkeeda oo bishii qaata min $60 oo mushaar ah.
“Qoyskeyga way ku faraxsan yihiin in meeshaan shalay joogay aan ka sii hor maray, iyagana aan wax badan u qabtay, maaddama aan ahay gabadha kaliya ee reerka u shaqeysa ee kuwa yaryar masuuliyadooda qaaday. Waxa isoo gala ayaan si hufan ayaan wax ugu qabtaa, marka hadda waxaan dhihi karaa waan isku filnaaday, qoyskana way faraxsan yihiin”
Fartuun oo ku nool magaalada Garowe ayaa sheegtay inay kobac samaynayso marba marka ka danbaysa. Taas ayay xustay in ay ku dhiiri galisayso inaysan ku fakarin in cid kale ay u shaqeyso.
Waxay tilmaantay inay shaqo la’aanta ka bixi lahaayeen dhallinyaro badan oo waxbaratay haddii hal-abuur ay sameysan lahaayeen, badalka ay raadinayaan cid ay u shaqeeyaan.
Waxay intaas ku dartay in shaqo helistu adag tahay, qofkii nasiib u yeeshana ay fududahay in laga eryo ama qandaraasku ka dhammaado, taas oo ay sheegtay in marka horaba mudantahay in laga maarmo.
Fartuun ayaa sheegtay in dhallinyarada qaar ay ka faanayaan shaqooyinka hoose, iyagoo aan haysan il kale oo dhaqaale, taasina ay dhaawaceyso mustaqbalkooda.
“Markaan wax barano waxaan ku haminaa inaan helno xafiis diyaarsan iyo shaqo si marka loo eego waa xaq uu leeyahay qofka muwaadinka ah ee dhallinyarada ah ee wax bartay. Dhallinyarada waxaan dhihi lahaa intaad shaqo raadin kartaan raadiya, laakiin isku daya inaad ka maaran taan qof inaad daba orodaan, wax yarna ha ahaadaan waa inaad shaqo abuurataan, waliba gurigaaga aad ka bilowdo”
Fartuun ayaa xustay in tan iyo markii ay shaqo bilowday in masuuliyadda reerka ay kala wareegtay hooyadeed. Waxay hadda waxbarashada ka bixisaa labo wiil oo ay walaalo yihiin oo bil kasta ay ka dhiibto $35 oo ay ku dhigtaan dugsi dhexe iyo sare.
Markii ay billaabeysay jaamacadda ayay sheegtay in hooyadeed oo reerku ku tiirsanaa awoodi wayday inay ka bixiso lacagta diiwaan galinta, taas oo uu ka caawiyay qof ay qaraabo yihiin.
Afar sano oo ay wax baraneysay hooyadeed ayaa lacagta jaamacadda iyo nolosha qoyska ka dabari jirtay bur ay dubto. Markay jaamacadda ka timaado ayay tilmaantay in iyaduna ay gadi jirtay.
“Mararka qaar waxaa dhici jirtay inaan waayo buugaagta jaamacadda ee ardayga. Hal buug ayaan marmar heli jiray, kaas ayaan macalimiinta tusi jiray jaddigiisa (Cover) si aan u muujiyo inaan haysto buugaagta oo dhan, sababtoo ah ma helaayo lacag aan ku soo gato. Ardayda aan isku fasalka nahay ayaan habeenkii ka qaadan jiray buuggaagta si aan u soo akhristo. Waxaan dhihi karaa wax kasta waxay u baahan yihiin dadaal iyo samir.”
Iskuulka Al-najaax ee Fartuun waxaa dhigta 40 arday oo da’doodu ka yartahay lix sano. Carruurta ayaa ah kuwo loogu talo galay in lasii dhiso inta aan la geyn iskuulada nidaamiga ah ee waxbarashada tooska ah.
Ku dhowaad $1000 ayay sheegtay in bishii ay ka hesho shaqadan iyo mid kale oo ah carruur guryahooda ay wax ku barto.
“Ardaydu waxay bartaan Qur’aanka, tarbiyada islaamka, carabiga, Soomaaliga, ingiriiska, xisaabta, saynis iyo social. Iyagoo yaryar ayay qaataan maadooyinkan oo dhan si ay ugu sii diyaar garoobaan iskuulka, galinka hore oo dhanna waan shaqeynaa.”
Iskuulka Fartuun ayaa shaqeynaya tan iyo bishii May ee sanadkii hore. lacagta ku baxday oo $3000 ah waa deeq ay ka heshay hay’adda cilmi baarista Puntland ee PDRC. Waxay ka mid aheyd koox gabdho ah oo hay’adda u dirsaday codsiyo la xiriira in loo maal-galiyo fikrado ay wateen.
Fartuun ayaa tilmaantay in lagu xushay dadaal keeda oo ka soo bilowday onlin-ka oo sannad ay wax ku bareysay dadka waa weyn iyo carruurta oo ay ka dhiseysay aqriska, qorista iyo tarbiyada, balse howshaas ayay go’aansatay inay joojiso, dhaqaalaha bishii ka soo galayay oo ka yaraa $150 awgeed.
“Waxaan ku fakaray intaan guriga fadhin lahaa inaan ka faa’ideysto teknoolijiyada iyo baraha bulshada, laakiin dadkii ma wada fahmayaan in hab casri ah oo online ah wax lagu barto. Meeshii way i kaafin wayday, maaddama aan ahay gabar reer danyar ah ku tiirsan yahay, Markaas ayaan ku fakaray inaan billaabo iskuulkan.”
Fartuun oo 25 jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in xilliga shaqo raadinta ay dumarku wajahaan caqabado aysan la qabin ragga. Waxay tilmaantay in caddaalad darro iyo hufnaan la’aan ay kala kulantay xafiisyo badan oo ragga kaliya door bidaya.
Amni xumada iyo kaabayaasha dhaqaalaha wadanka oo kooban waa sababta shaqo la’aanta dhigtay dhallinyaro badan oo wax soo bartay, taas oo jirta waxay dhallinyaradu haystaan fursad kale oo dhaqaale darrada ay uga hortagi karaan, sida Raadiyow Ergo uu u sheegay Maxamed Yaasiin Axmed oo bartay culuumta maamulka iyo arimaha bulshada.
“Dhallinyaradu fursado ayay haystaan, kuwaas oo ah inay wax hindisaan oo ay dhiiradaan, Markaas waxaa imaaneysa inaysan cid u baahan oo iyaga loo baahdo. Waa haddii ay ku dadaalaan barashada xirfadaha. Markaas waxaa yaraanaya dhallinyarada shaqo doonka ah ee raadinaya cid ay u shaqeeyaan. Wax dan ah uguma jirto inay cid u shaqeeyaan.”
Xal looma helin shaqo la’aanta dhallinyarada Somaaliyeed ee wax baratay, xilli kuwo kale oo badan ay sanad kasta ka qalin-jabinayaan Jaamacadaha dalka.