Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Xoogsato ka soo shaqo taga xero ka fog Baydhabo oo dhibaato ku qaba lacagta ay gaadiidka ku kiraystaan

Jibril Osman by Jibril Osman
April 11, 2024
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Xoogsato ka soo shaqo taga xero ka fog Baydhabo oo dhibaato ku qaba lacagta ay gaadiidka ku kiraystaan

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haweenka iyo ragga nolol-maalmeedka u soo dhiciya 271 qoys oo ku jira xerada Ducaysane oo Baydhabo u jirta 5 km ayaa ka cabanaya dhaqaale-yari, markii ay ku filnaan waysay lacag ay ka helaan shaqooyinka nadaafadda iyo dhagax-jabinta.

Lacagtan ayaa u qaybsami wayday raashinka ay kardsadaan iyo kirada gaadiid ay soo raacaan xilliga qorrax-dhaca oo ay ka soo rawaxayaan shaqada, maaddama xerada ay ku nool yihiin ay ka fogtahay magaalada.

Dadkaas waxaa ka mid ah Faadumo yuusuf Ibraahim oo hooyo u ah siddeed carruur ah. Waxay la halgamaysa helidda hal waqti oo ka mid ah 24 saacba cunno ay dabka u saarto carruurteeda, kuwaas oo ay kali ku tahay korintooda.

Waxay saluugsan tahay lacagta ay ka hesho shaqada dhar-dhaqista oo ay qabato 8 saac oo kamid ah maalintii. Lacagta ay ka hesho oo ugu badnaan ah $4 ayay qayb ka mid ah ku bixisaa gaari raac. Inta soo hartay ayay sheegtay Faadumo in ay ku dabbarto cunnada carruurteeda.

“Hadda hal waqti ayaan dabka shidanaa. Aad bay noogu adagtahay, maxaa yeellay halka waqti ka badan ma awoodi. Quraac-ka-quraac baan karin jiray, markii hore ee la afurnaa. Hadda afurka wixii aan kariyo ayaa lagu hirgalaa.”

Waxay sheegtay in ay dhaqaale xumadan wajahayso muddo sanad ah oo barakac ay ku tahay xero ku taalla duleedka Baydhabo. Afar bil oo ka mid waxay dulsaar ku ahayd qoys ay ehello yihi, halka muddo 8 bil ahna ay u shaqo tagaysa Baydhabo, kolkaas oo ku biirtay xeradan.

Waxay aaminsan tahay in lacagta ay ka hesho shaqada nadaafadda ay labo jeer dabka u shidi karto qoyskeeda, balse gaari raaca oo lagama maarmaan u ah uu kala dhantaalay. Faadumo waxay u lugaysaa Baydhabo galinka hore, hase ahaatee, gabal dhaca waxay ku qasban tahay in ay ku kiraysato bajaaj $2, cabsi amni darteed.

“Naftada muhiim ayay ii tahay in aan ilaaliyo meel kasta oo aan maraayo. Habeenkii naag baan ahay waxkasta ayaan la kulmi karaa. Waa la idili karaa. Waa la i kufsan karaa. Dhibaato kale baa la igaarsiin karaa, sidaas darteed baa igu qasbaysa in aan gaari raaco.”

Waxay tilmaamtay in dhowr jeer ay isku dayday u guuridda xero ku yaalla  gudaha Baydhabo. Si ay meesha uga baxdo caqabadda ay ku qabto safarka, balse aysan u suurto galin, maaddama ciriiri iyo boos la’aan ay la ciiri ciirayaan.

Dhaqaale xumada waxaa u dheer shaqada dhar-dhaqista oo aan joogto ahayn. Labo ka mid ah toddobaadkii ayay waysaa shaqadan. Waxay sheegtay in au isku siidabbarto raashin dayn ah oo ay ka qaadato ganacstada leh bakhaarrada, kuwaas oo ku yeeshay lacag bixinteeda aysan xilligan awoodin.

“Dayn $110 ah baa laygu leeyahay. In shaa’Allah waan iska bixin doonaa, maxaa yeelay waan ku qasbanahay wax la igu leeyahay weeye oo aan awlaaddayda siiyay weeye. Ha ahaatee, wax gacantayda ku jira maanta oo aan u qorshaynayo ma jiraan. Xag Alle baan ka sugayaa.”

Faadumo oo 40 jir ah waxay gocanaysaa nolosha qoyskeedu uu ku jiray barakaca ka hor. Waxay cunno ku filan ka helayeen dukaan ay ku iibin jirtay khudaarta noocyadeeda kala duwan. Wuxuu ku xirmay colaad ka dhacday magaalada bartamihii sanadkii hore.

Dadka uu nolol-maalmeedka cariirig uga jiro waxaa ka mid ah Muudey Cabdi Keerow oo labo sano ku jira xerada Ducaysane, halkaas oo subax walba uu ka soo shaqo tago. Waa dhagax jabiye ka shaqeeya dhismaha guryaha.

Qoyskiisa oo qoyskiisa oo toban ayaa ku tiisan konton kun oo shilin Soomali ah oo u dhigma $2 oo hal waqti qoyskiisu ay iidaan uga dhigtaan raashin kiilooyin ah oo xaafadda u yaalla, kuwaas oo qaab dayn ah uu ku helay.

Wuxuu sheegay in lacagta uu shaqeeyo qayb ka mid ah uu ku bixiyo gaari raaca marka uu ka yimaado shaqada, taasi oo cuuraamisay nolol-maalmeedka qoyskiisa. Wuxuu sheegay in uusan ka fursan karin gaariga, maaddama lagu jiro soon, shaqadana ay leedahay haraad iyo daal-daran.

“Marka hadii boqolkaas kun (shilin-soomaali) la isiiyo haddana gaari ayaan soo raacaa xaafadii ayaan aadaa. Waqtigu wuu igu dhamaadaa habeen ayay noqotaa. Meesha 5 km ayay ii jirtaa. Way dheertahay. Lacagtii waxay noqonaysa mid dhexda ku soo dhamaata. Wax nolosha ku filan maahan. Aniga iyo qoyska naguma filna.”

Wuxuu sheegay in maalmaha qaar ay shaqo la’aan ku dhacdo, taas oo keenta in uu waayo lacagtii uu ku iibsan lahaa cunnada qoyska ama uu ku raaci lahaa gaari. Wuxuu sheegay in gurigiisa uu ku laabto isagoo faro maran, isla markaana daallan.

“Maalmahaas xaafada aan joogo qof walaal ah oo muslim ah oo deris ah wax uu nasiiyo mooyaane wax aan hayno malahan. Awood u malihin in aan wax u helo carruurta oo isdhexjiifa oo baahan. Wax kale oo aan helayno malahan.”

Ninkan oo 41 sano jir ah duruufta nolol-xumo ayaa ku qasabtay in uu ku biiro muruq-maalka magaalada u xoogsi taga. Wuxuu ka soo barakacay sanadkii 2022 degmada Tiyeeglow oo ka tirsan gobolka Bakool, Baydhabana u jirta 270km.

Tiyeeglow wuxuu ku leeyahay beer 5 hiktar ah oo uu ku beeran jiray dalag kala duwan. Abaar soo laa laabatay iyo fatahaado xigay ayaa ku qasbay in uu soo barakacay, markii ay beertii ka saameeyeen, sidoo kalana ay ka dileen 30 geel ah oo u dhaqan jiray.

Qoyska Muudey iyo kuwa kale ee ku jira xaaladda barakaca waxay ku biireen xerada Ducaysane 8 bil ka hor, markii qasab looga saaray xeryo ku yaallay gudaha Baydhabo. Waxay doorbideen in ay deggaan xeradan oo dib-u-dajin loogu sameeyay.

Maamulka koonfur-galbeed ayaa sidoo kale ka caawiyay dhismaha ceel-biyood ay isticmaalaan, hayeeshee maamulka xerada iyo dadka deegaanka oo xoogsato ah ayaa caqabad ay ka haystaan dhinaca masaafada ay magaaladu u jirto iyo gargaar la’aanta cunno ee haysta sida uu sheegay Maxamed Huseen Boorow guddoomiyaha xerada.

“Xeradan mudo sideed bilood ah ayay meeshaan ay ku taallaa, halmaalinna nalooma imaan, cunto xitaa malahan. Soon ayaa lagu jiraa cunto fican malahan, sidaas oo ay tahay waxaa la gali rabaa waqti roobaad oo foodda nagu soo hayo. Baco mahaysano. Aqallada albaab malahan. Waxbadan oo tabar-darro ah ayaa halkan ka jirta oo aan wax ka qaban karin.”

Sanadihii la soo dhaafay waxaa kordhay xeryaha barakaca ee laga hirgaliyay dhulka ka durugsan magaalooyinka. Maamullada ayaa uga golleh sidii loo yarayn lahaa saxmadda dadka iyo in qoysaska soo barakacay ay helaan dhul ay leeyiin. Inkastoo caqabado shaqo ay wajahayaan.

Previous Post

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo fursad shaqo abuur ka helay cusbada laga qodo Xinlabi

Next Post

Galgaduud: Qoysas abaartu ay xoolo yari bidday oo goostay dalag ay beerteen

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
blank

Galgaduud: Qoysas abaartu ay xoolo yari bidday oo goostay dalag ay beerteen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo