(ERGO) – Boqol iyo soddon iyo saddex qoys oo beeraley ah oo ku nool degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa goostay dalagyo iskugu jira khudaar iyo raashin, markii ugu horreysay. Cabdirisaaq Jaamac Cali wuxuu 6 bishan billaabay in dalagga u soo go’ay oo iskugu jira galley, digir iyo khudaar uu u iib-geeyo toddobaadkibba labo mar magaalooyinka Caabudwaaq iyo Ballanbale.
Wuxuu xusay inuu ka helo faa’iido u dhaxaysa $140-200. Cabdirisaaq oo xoolihiisa ay saameeyeen abaarahii ka dhacay deegaanka ayaa sheegay inay ku adkayd inuu hal mar dabka u shido carruurtiisa oo 6 ah. Waxuu xusay in tacbashadaan qoyskiisa u horseeday isku filnaan dhaqaale.
“Dalagga ii soo baxay wuxuu kafeeyey in subaxdii aan karsano, habeenkiina aanu karsano, maalintiina waxyaro bariis ah iyo digirta la isku daro waliba hadda waxaa sameynaa intaan shiidno bay ilmahu subaxii mushaari ahaan u cabaan.”
Cabdirisaaq oo beer 9 hektar ah ku leh deegaanka Geesa-weyne oo masaafo ahaan Cabudwaaq u jira 4KM ayaa ka mid ah dadka ka faa’iidaystay abuur, tababar iyo qalabka lagu falo beeraha oo ay siisay hay’adda HIRDA oo gacan ka helaysa hay’adda cunnada adduunka ee WFP bishii Agoosto ee 2023.
Bilihii Sebtember iyo October ayuu sheegay inuu hagaajiyay dhulka uu ku beertay dalagyada iyo khudaarta ay ka mid yihiin qaraha, canbaha, saytuunka, batiiqa ,basasha iyo barbanooniga.
Ninkaan ayaa tilmaamay in markii uu dhammeystay tababar socday 18-23 bishii August inay u suuragashay in bishii November ee sannadkii hore uu abuurto beertiisa.
Waxuu awood u yeeshay inuu iska gudo dayn dhan $450 oo reerkiisa lagu yeeshay sannadkii hore, kuwaas oo aan horay u haysan il kale oo dhaqaale uu ka soo galo. Wuxuu intaas raaciyey in beerashadu ay ka fiicantahay dhaqashada xoolaha.
Labaatan neef oo ari ah oo kaga badbaaday abaarta ayuu siiya calaf uu ku beeray beertiisa, kuwaas oo uu carruurta cadayska ugu maasho. Rajadiisa ayaa ah inuu sii joogteeyo shaqadaan tacbashada ah.
Waxuu sheegay in qalabka iyo abuurka la siiyey miro-dhalkooda ay kaalin muhiim ah ku lahayd tababarkii uu qaatay oo ku saabsanaa qaabka loo tacbado abuur horumarsan, tallaalista geedaha iyo ilaalinta badqabka dallagga.
“Tababarka waxaa la igu barayey qaabka wax loo abuurto, iyo sida dhulka loo beero sida loo geed qaado dhulka markii dhirtu soo baxdo. Waxaa iigu xigay tababar kale oo beerta dhexdeeda la igu siiyey oo qaabkii hore oo aan na qaanay mid ka duwan. Hadda basasha oo kale maanan aqoon si loo abuuro. Ma aanan arkin waligeey meel lagu beerto.”
Cabdirisaaq ayaa dhaqaalaha ka soo gala dallaga wuxuu sidoo kale ku bixiyaaa waxbarshada carruurtiisa oo lix ah. Afar dhigta iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Shire Jaamac ayay labo maraysaa fasalka koowaad ee dugsiga sare, halka labada kale ay dhigtaan fasalka shanaad ee dugsiga dhexe.
Labo carruur ah oo aan gaarin da’da iskuulka ayuu sheegay inuu geeyay dugsi Qur’aan. Tan iyo bishii Febraayo wuxuu awood u yeeshay inuu carruurtiisa isku-darkooda uu bishii ka bixiyo lacag $80 ah, maaddaama markii hore ehelladiisu ay bixin jireen.
Qoyska Cabdirisaaq waxay haysteen 170 oo ari ah, balse wixii ka dambeeyay 2018 ayay uga le’deen abaaro deegaanka ku soo laa-laabtay lixdii sano ee la soo dhaafay.
Beeraleyda ka faa’iidaystay caawintaan ayaa gaaray soo kabasho dhaqaale. Maxamed Liibaan Juun oo beer saddex hektar ah ku leh duleedka magaalada Cabudwaaq ayaa sheegay in labadii toddobaad ee la soo dhaafay ay qoyskiisu ku tiirsan yahiin wax-soo-saarka beertiisa. Wuxuu xusay in labadii mar ee uu suuqa geeyay uu ka faa’iiday lacag u dhaxaysa $130-170.
Ninkaan oo haysta saddex iyo toban carruur ah ayaa tilmaamay in tallaadaan ay u noqotay fursad wanaagsan oo ka caawisay inuu ka boxo duruufihii nolosha, maadaama muddo labo xili beereed ah uusan wax dalag ah u soo go’in oo ay abaarahu baajinayeen wax kasta oo uu beeri lahaa.
“Aniga waxaan ku qabsadaa labo reer oo aan leeyahay biilkooda waa ku baxshaa. Waxbarshadii waa ku baxiyaa, caafimaadkooda waa ku baxiyaa. Mararka qaarkooda dadka ehelka oo aan waxba haysan baan raashin uga qaadaa. Mararka qaarkooda aniga intay igu filnaatay baan dadka qaraabada ila ah ee masaakiinta ah ku sadaqaystaa.”
Xiliga adag ee uu soo maray ayuu tilmaamay inuu ku tiirsanaaa dayn uu ka qaadanayey dukaan deegaanka ku yaala oo ay macaamiil ahaayeen. Waxaa lagu yeeshay dayn gaaraysa $1100, taas oo hadda uu iska baxiyey $400 oo ka mid ah dayntii lagu lahaa.
Dalagyada ka baxa beertiisa oo kala ah raashinka diirka leh iyo noocyada khudaarta ee kala ah qare, canbe, saytuun, batiiq, basal iyo barbanooni ayuu u iib geeyaa magaalada Cabudwaaq. Dhaqaalaha uu ka helay ayuu u kala qeybiyaa nolosha reerka iyo soo iibinta gidaar ama silig uu ku wareejiyay 35 mitir oo beertiisa ka mid ah.
Ka sokow beertiisa sida ay qoyskiisa ugu noqotay fursad nololeed, waxay sidoo kale dabooshay baahidii calaf ee haystay xoolo yar oo abaarta uga badbaaday.
“Waxii beertaas ka soo go’a ama calafka ha ahaato ama waxyaabaha qaraha ka soo go’ ha ahaato waxaas oo dhan baa u kaydiyaa oo marba qayb la siiyaa. Waa 38 neef. Waa faa’iido kale oo aan ku qabo.”
Maxamed ayaa qorshaynaya in tacbashada beerta uu ballaariyo, maadaama uu helay tababar wanaagsan. Waxuu xusay inuu hiigsanaayo inay noqoto beertiisa mid kaafiso deegaanka oo dhan iyo deegaanada kale ee gobolka.
Fu’aad Maxamuud Warsame oo ah guddoomiyaha iskaashato ay ku mideysan yihiin beeraleeydaan ayaa sheegay inay nasiib u yeesheen dhammaantooda inay ka faa’idaystaan taageerada ay heleen.
Wuxuu tilmaamay in maamulka iskaashatada uu kaalin weyn ka qaatay gaaritaanka hiigsiga beeraleydan, maaddaama ay la wadaageen baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran hay’adaha wax ka qaban kara.
“Dad waxaa jira xoolohoodiina dhammaadeen , si dhiirigelin loogu sameeyo, dhulkoodiina lagu taageeri karo. Wixii lagu tari karo oo maalgelin ah la siiyo. Ayagana dhulka ku dhiiradaan oo wax soo saartaan ayay tahay waxa ugu muhiimsan.”
Dadka ay xoolaha dhaafiyeen abaaraha ee u weecday dhanka tacbashada beeraha ayaa ku soo badanayay dhowrkii sano ee u dambeeyay gobollada Mudug iyo Galgaduud.