(ERGO) – In ka badan kun qof oo qoysaskoodu ay ku cayroobeen abaarihii dalka soo maray ayaa ku filnaaday nolosha reerahooda markii ay billaabeen shaqooyin xoogsi ah.
Waxay cusbada ka qodaan waro ku yalla deegaanka Xinlabi ee gobolka mudug. Waxay ka soo kabteen saamayntii soo gaartay xoolohooda, taas oo cunno xumo bidday.
Maxamed Axmed Aadan oo hawshan ku jira muddo labo bilood ah wuxuu si maalinle ug helaa faa’iido dhan shan dollar. Waxaa cusbada ka gata gawaari u iib-geeya magaalooyinka Cadaado, Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Hobyo.
Ninkan oo qoyskiisu ay ku nool yihiin duleedka deeganka Xinlabi ayaa tilmaamay in wax-soo-saarka shaqadan ay u sahashay in uu si joogto ah saddex waqti wax u cunnaan carruurtiisa oo 7 ah.
“Biilka ilmaha iyo waxbarshadooda baan ka dhallaaliyaa. Ragga ugu firfircood ee la dhihi karo waxbay tartay baan ka mid ahay, ciduna tukaanka ay saarantahay oo marka raashinku ka go’o isagay ka qaataan.”
Maxamed ayaa sheegay in horraantii bishan uu waxbarashada dib ugu celiyay carruurtiisa oo uu horay looga saaray bishii labaad ee sanadkii tagay. Xiligaas wuxuu bixin waayay qarashka ku baxaya oo isku hayn ah $18.
Ninkan ayaa xusay in horay ay ugu adkeed maaraynta nolosha qoyskiisa labadii sano ee la soo dhaafay markii ay dhaafeen 150 oo ari ah oo ay ku tiirsanaayeen. Waxaa ka dishay abaar deegaanka ku dhufatay sanadkii 2021.
Qoyskiisa hal mar oo ah habeenkii ayay karsan jireen raashin, markaa oo uu dayn uga soo qaadi jiray dukaan ku yaalla deegaanka oo ay macaamiil horay u ahaayeen. Shaqadan ayaa ugu soo aadday xilli laga jartay dayntaas oo gaartay $800.
Maxamed inkasta oo uu ka soo kabtay xaaladdii hore, haddana wuxuu sheegay in ay weli jiraan dhibaatooyin kale oo dhanka shaqada ah. Wuxuu xusay in ay hayso qalab la’aan uu aaminsan yahay in ay cuuryaamisay shaqadiisa. Wuxuu istusay haddii qalab fiican uu heli lahaa in wax-soo-saarkiisu uu kordhi lahaa.
“Aniga wax la caawin haddii aan helayo waa rabaa hadday ahaan lahayd goolafyada badeello lagu qudo kabaha la gashado gaarigacamo iyo garneetooyin ayaan u baahanahay. Aniga waxaan ku qaadaa gaarigacan, isaguna faraha ayuu iga dilaa wax lagu qaadi karo malahan.”
Maxamed $45 oo uu ka helay neef ari ah oo uu siiyay nin ay qaraabo yihiin, kaas oo uu iska iibiyay bishii Janaayo ee sannadkan ayuu sheegay inay ka caawisay in uu cusba qodista ku billaabo. Wuxuu ku iibsaday qalabka yar ee uu shaqada ku billaabay.
Xoolo-dhaqadata u weecday la bixidda cusbada ayaa ka siman faa’iidada u horseedday isbedelka nololeed. Cabdullahi Maxamed Xasan wuxuu awood u yeeshay in uu u hello cunno ay saddex waqti cunaan sagaal carruur ah. Waxaa u suuragalisay markii saddex bil ka hor uu billaabay iibinta Cusbada.
Wuxuu sheegay in markii ay abaarta ku dhaafeen 70 ari ah iyo shan neef oo geel ah oo uu dhaqan jiray ay dantu ku qasabtay in uu dib ugu laabto cusbada.
“Cusbadu aad iyo aad ayay u fiican tahay sanadkan bay aad u fiicneed shaqadeeduna u sahlanayd, tiradeeduna u badnayd, wax-soosaarkeeduna waa fiicnaa. Waxa kaloo soo kordhay wax-soo-saarkii intii aan bil ku soo saari jirnay hadda asbuuc baan ku soo saarnaa.”
Shaqadan waxaa kula taliyay nin ay walaalo yihiin oo ka hor billaabay. Wuxuu xusay in lacagta uu ka helo shaqadan oo maantii u dhaxaysa $5-$6, taas oo uu u kala qaybiyo in uu ku maareeyo nolosha reerka iyo in uu kaydiyo. Midda uu dhigo ayuu uga golleeyahay in uu iskaga bixiyo dayn gaaraysa $600 oo uu reerku raashin ugu qaatay labadii sano ee la soo dhaafay.
“Il-kale oo dhaqaale iga soo galaa ma jirto daynta ayaa la sii cunaa inta cusbada laga shaqaynaayo oo qof meherad jooga ayaa biilka ka qaadanaa, hadhowna markaa shaqada ka soo baxdo waad iska dhiibaysaa ama biyo ha ahaato ama raashin ha ahaato.”
Cabdullaahi wuxuu tilmaamay in shaqadaan ay tahay mid aad u adag oo aan si joogto ah looga shaqayn karin, balse ay dantu ku qasbayso. Wuxuu malin kasta u soo lugeeyaa meesha laga qodo oo xaafaddiisa u jirta 3 km.
Wax soo saarka xoogsatadan ayaa laga dareemay dhaqaalaha deegaanka sida uu sheegay Farxaan Daahir Cali oo ah gudoomiyaga Xinlabi. Wuxuu xusay in faa’iidada sanadkan ay ugu wacan tahay hanaan ay maamulkiisu u dejiyeen qaabka loo qoto cusbada oo horseeday in ay xoogsatadu ka helaan nacfi dhaafsan kii horay looga tashan jiray.
“Cusbadaas ayaa dhawr nuuc looga faa’iidaystaa. Nin waa bixiyaa nin asaga ayuu ka iibsadaa oo gaari ayuu saaraa. Nin waa ka xamaashaa, nin jawaanta lagu rarayo ayuu iibsadaa. Halkiis gaari waxaa laga yaaba ila shan qayb in looga faa’iidaysto marka faa’iidadu wax kooban maahan.”
Guddoomiyha ayaa sheegay in haddii dadkan ay heli lahaayeen tababarro ama qalab ku filan ay kordhi lahayd wax-soo-saarkooda. Wuxuu tilmaamay in hadda si kasta oo ay u dadaalaan aysan keeni karin wax dhaafsan nolol maalmeedkooda.
Inkasta oo xoogsatadan ay arrintan u noqotay fursad waxbadan ka beddeshay nololshooda, haddana weli waxaa jira welwel ku aaddan halkay shaqadaan ku badalan doonaan haddii roobka sanadaan uusan si fiican uga di’in deegaankooda.