Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Gedo: Qoysas ku qasaaray dalagga beerahooda oo ku biiray xeryo nolol-xumo ay ka jirto

Jibril Osman by Jibril Osman
April 9, 2024
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Gedo: Qoysas ku qasaaray dalagga beerahooda oo ku biiray xeryo nolol-xumo ay ka jirto

Maxamed Cabdi Yuusuf iyo gabar uu dhalay oo hor-fadhiya aqal cooshad ah oo xerada ku yaalla/ Maxamuud Cabdirishiid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Siddeed iyo toban kun qoys oo beeraley ah oo 3,000 oo ka mid ay ku biireen xeryo ku yaalla Luuq ayaa ka cabanaya xaalad cunno yari iyo hoy xumo. Waxay ka dhaxleen fatahaad uu sameeyay webiga Jubba bishii Nofeember ee sanadkii hore.

Dadkaas waxaa ka mid ah qoyska Maxamed Cabdi Yuusuf oo 6 ah. Waxay ku tiirsan yihiin cunno bisil oo ay helaan hal waqti oo ka mid ah maalintii. Waxaa ku taageera qoysas la deggan xerada Wadajir oo dhaqaale ahaan dhaama

Xeradan ayuu la galay qoyskiisa saddex bil ka hor, markii guri labo qol ka koobnaa ay fatahaaddu ka dumisay. Wuxuu sheegay in uusan u shaqo tagi karin magaalada oo looga leeyahay daymo badan.

Lacagta daynta ah ayuu ku maal-galiyay beertiisa oo 12 hiktar ah dabayaaqadii bishii Sabteembar ee sanadkii tagay, balse muusan calfan dalaggii uu ku beeray oo fatahaaddu ay qaadday.

“$6,500 ayaa la igu leeyahay, beertiina wax ka soo baxay maleh. Hadda nolosha taagan waa uun sidii ilmaha iyo reerka dabka loogu shidi lahaa, halkii saddex waqti looga shidayay waxay gaartay in hal waqti aan la daalaa dhaco. Nolosha reerka ayaa ku wareersanahay hadda mooyaane beer tacabkeed howsheeda waan u kaadiyay inta Ilaahey wax naga siinayo.”

Qoyskiisa waxaa hoy u ah guri cooshad ah oo dhinacyada ka bannaan. Qabowga iyo qoraxda ayay u nugul yihiin carruurtiisa. Wuxuu isku dayay dhowr jeer in uu ka saaro qoyskiisa xerada. si ay u deggaan guri kiro ah. Waxaa se uu waayay dhaqaalihii uu iskaga bixin lahaa.

Maxamed ka hor fatahaaddii El Nino waxaa il-dhaqaale u ahaa beertiisa oo nolol ahaan ku filnayd qoyskiisa. Wuxuu sheegay in uu beeran jiray dalagyo iskugu jira khudaar iyo raashin u badan galley iyo masago. Duruufta dhaqaale xumo ee haysa ninkan waxay sababtay in saddex ka mid ah carruurtiisa ay ka haraan waxbarashada.

“Xaafadda ayay ilmihii iska joogaan. Hadde dhaqaale ayaa la rabaa, lamana awooddi karo. Beertaa laga maarayn jiray ilmaha arrad-baxooda, noloshooda iyo waxbarashadooda. Waxaas hadda meel laguma hayo.”

Maxamed oo 36 jir ah ayaa sheegay in ay walwal ku hayso dayn ay ku leeyihiin ganacsato uu ka soo qaatay abuur iyo qalabka beeraha lagu fasho, kuwaas oo si joogta ah u la soo xariira. Waxay ka dalbanayaan in uu siiyo lacagta ay ku leeyihiin.

Wuxuu sheegay in uu ka niyad jabay beer falashada, maaddama uusan ka maarmin dayn kale ama deeq lagu caawiyo. Wuxuu ka saaray qorshihiisa in uu dib u tacbado beertiisa xilligan.

“Matoorkii dhamaa ee beerta aan ku waraabin jirnay ee aan ku la xarbin jirnay biyaa la tagay. Hadda iyo matoor kale iyo tuubooyin hor leh kharash hor leh ayay u baahan tahay. Marka beeru igu soo orod maahan.”

Qaar ka mid ah beeraleyda uu ka mid yahay Maxamed ayaa sheegay in ay u weecdeen xirfado kale, markii ay waayeen dhaqaale ay ku dabbaraan nolol-maalmeedka qoysaskooda, sidoo kalana ay ku maal-gashadaan beerahooda.

Cabdiwaaxid Oogle oo 40 jir ah wuxuu beddeshay xirfaddiisa. Wuxuu sheegay in uu ku biiray shaqada dhismaha guryaha bil ka hor. Wuxuu ka quustay tacbashada beertiis oo 5 hiktar ah, taas oo uu ku fatahay webiga Jubba ee mara dagmada Luuq.

Toddobaadkii labo maalin oo ka mid ah ayuu helaa shaqadan oo aan joogta ahayn. Wuxuu shaqaystaa halkii mar $5. Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in qoyskiisa uu helay waxay cunaan hal mar oo ka mid ah 24kii saac.

“Dantaa kugu kallifaysa, maaddaama ciddu kaa sugayso in aad u soo shaqayso. In aad fadhiso maahan. Waa in aad dadaashaa oo wax suubiso ma ogtahay? In aan alyoomkaas raadsado maahane wax beer iiga soo go’a ma jiro. Xooggayga ayaan wax ku helaa wax meel kale iiga yimaadana malahan.”

Wuxuu tilmaamay in labo bil ka hor uu ku laabtay gurigiisa oo ka badbaaday fatahaadda. Wuxuu ka mid ahaa dadkii ka barakacay, markii webigu uu ku fatahay Luuq. Cabdiwaaxid wuxuu rajaynayaa in beertiisa oo dib u fasho haddii uu helo caawin.

“Cid na kaalmaysa haddii aan heli lahayn oo na garab qabata horaan u sii wadan lahayn shaqadeena beerta. Abuurka iyo cagafta ayaa noogu sii daran iyo shidaalkii oo qaali sii noqday.”

Qiimayn ay sameeyeen maamulka dagamada Luuq iyo iskaashatada beeraleyda 23 bishan Febraayo ayay ku oggaadeen in qoysaska ku biiray xeryaha lagu barakacay kaddib, musiibadii El Nino ay u badan yihiin beeraleyda qasaaraha uu ka soo gaaray fatahaadda sida uu sheegay Maxamed Qaasim guddoomiyaha iskaashada beeraleyda Luuq.

Wuxuu xusay in ay ka soo kaban la’yihiin saameynta gaartay beerahooda, markii qalabkii ay beeraha ku falayeen ay biyuhu la tageen. Intaas wuxuu ku daray in sidoo kale fatahaaddu ay ka dhigtay kuwa ku xarooday xeryaha, markii guryahooda ay fatahaaddu ay dumisay. Wuxuu soo jeediyay in beeraleydu ay u baahan yihiin gacan qabasho. Si ay uga baxaan xiligan adag.

“Musiibo xun baa dhacday oo biyo baxadu keentay. Musiibadaas waxaa looga soo kabsan karaa in dhaqaale la helo. Kii burjawaasi ahaa shaqo ayuu heli doonaa. Kii matoor iyo dhaqaale kale u baahan fursad buu helayaa, wuxuuna awood u leeyahay in uu xarbiyo intii tabartiis ah. Hadda dhibaato ayaa ka jirta deegaanka oo beeraleyda dhan ay ka siman yihiin.”

Qasaaraha soo gaaray beeraha ku yaalla dagmada Luuq iyo deegaannada u dhow waxay saameysay suuqyada khudaarta iyo raashinka dalka ka baxa. Waxaa kordhay qiimahooda. Ganacstada magaalada ayaa ku qasabnaaday in ay gaadiid kaga doontaan dagmooyinka kale ee Jubbaland, taasi oo labo laab ka dhigtay qiimihii ay markii hore ku heli jireen.

 

Previous Post

Baydhabo: Qiimo koror ku yimid raashinka oo cunno-xumo bidday dadka ku jira xeryaha

Next Post

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo fursad shaqo abuur ka helay cusbada laga qodo Xinlabi

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo fursad shaqo abuur ka helay cusbada laga qodo Xinlabi

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo fursad shaqo abuur ka helay cusbada laga qodo Xinlabi

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo