Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Baydhabo: Qiimo koror ku yimid raashinka oo cunno-xumo bidday dadka ku jira xeryaha

Jibril Osman by Jibril Osman
April 2, 2024
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Qiimo koror ku yimid raashinka oo cunno-xumo bidday dadka ku jira xeryaha

Maxamed Aadan oo qoyskiisu dabka shidan la' yihiin, shaqo la'aantuna guriga fariisisay/Cabdullaahi Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysas iskugu danyar iyo kuwo ku nool xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo ayaa la’ waxay dabka ku shitaan. Waxaa saameyn ku yeeshay qiimaha raashiinka oo qaali ah tan iyo bishii January ee sanadkan markaas oo fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle ay goysay waddada marta Wanlaweyn oo ay adeegsadaan gaadiidka badeecadaha ka soo qaada Muqdisho ee geeya Baydhabo.

Raashiinka dibadda laga keeno oo ay dadku badi cunaan sida burka, bariiska, sonkorta, baastada iyo saliidda ayaa qiimahiisu kordhay wax ka badan labo laab. Maxamed Barakow Cabdi oo ah aabbaha afar carruur ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoyskiisa ay ku adag tahay in hal waqti ay shitaan dabka.

Wuxuu xusay in dhaqaale $2 ah oo maalinkii ka soo gala shaqo xamaal ah aysan u goyn labo kiilo oo bur ah ama bariis ah. Noloshooda ayuu sheegay in markii horaba adkeyd oo ay dabka shidan jireen labo waqti, balse hadda ay uga sii dartay badeecadda qaaliga noqotay

“Kiiladii bariiska ah waa $1.5, maalinkiina aniga waxaa isoo gasha labo Doollar. Wax I anfacaya maba aha oo cideyda nolosheeda maareynaya. Markii hore quraac iyo qado ayaan wax karsan jirney, hadana waxaan shidanaa hal wakhti oo afurka keli ah, waana wax yar oo aan nagu filneyn.”

Maxamed ayaa ah xoogsade dusha ku qaada raashiinka gawaarida laga dajiyo iyo kan loo qaado dadka iibsada ee doonaya in guriga loo geeyo ama goobtooda ganacsi.

Wuxuu sheegay in bishan bilowgeedii uu soo qaatay raashiin deyn ah oo qiimahiisu yahay $50. Amaahdaas ayuu xusay inay xal u noqotay cunno yari ay wajahayeen, balse raashiinkaas hadda waxba ugama yaalaan labaatan cesho kadib.

Duruufta adag ee qoyskiisu wajahayaan ayuu xusay inay u dheertahay walaac ay ku hayso bixinta deyntaas oo uusan xal u hayn.

“Maalin kasta waxaa lay leeyahay deynteyda isii. Wax aan ku maareeyo oo aan deyntaas aan ku dhiibana malahan. Shaqadeydu waa mar hel oo mar waa. Aniga ayaa maalinkii aan shaqo la’aan noqdo waxaan nolosheyda ku maareeya deyn, iyadiina naftirkeedana wax ii oggolaanaya malahan.”

Maxamed oo 45 jir ah ayaa xusay in waxa qaaliga ah aysan aheyn raashiinka dibadda laga keeno oo kaliya, balse uu la mid yahay kan dalka ka baxa sida galeyda, digirta iyo masagada oo iibsagoodu ku adag yahay.

In qiimahoodu kordho wuxuu u sababeeyay wax soo saarka beeraha oo hoos u dhaca xilligan oo kale marka ay jiilaal tahay.

“Dalag hadda beeraha ka soo go’aya ma jiro. Kiiladi digir ah waxaa hadda la siinayaa $1, bil, ka horna $0.4 aheyd. Wixii oo dhan cirka ayay isku shareereen.”

Wuxu tilmaamay in biyaha oo fuustadii la siiyo $2 aysan iibsan karin, balse ay ku nool yihiin waxay dadku ku caawiyaan oo ay u isticmaalaan cabitaan iyo cuntada oo kaliya.

Maxamed ayaa ahaa beeraley ku nool tuulada Bakal oo 25 km u jirta magaalada Baydhabo. Beer seddex hiktar ah oo halkaas uu ku leeyahay ayuu xusay in tacabkeeda uu joojiyay sanadkii 2022, markuu u waayay roob ku filan oo dalagu ku baxo.

Maxamed Aadan Hilowle oo ah labo xaasle ayaa tilmaamay in xaaladda taagan ay ku soo beegantay isagoo shaqo la’aan ah. Reerahiisu waxay ku tiirsan yihiin kaalmo yar oo ay ka helaan dadka dariskooda ah oo siiya raashiin bisil iyo mid cayriin hadba waxay u awoodaan.

Wuxuu sheegay in qoysaska qaar oo adeegooda bisha wax ka siin jiray ay joojiyeen markii uu saameeyay sicir bararku.

“Casho bes ayaan cuneynaa hadda. Inta soonka la guda galay saxuur la’aan ayaan soo manahay. Adi calaa kulli xaal tabar haddii bini‘aadam hayso anagalay nahaysaa.”

Maxamed Aadan oo ah aabbaha shan carruur ah ayaa xusay inuu shaqo la’aan yahay tan iyo bishii December dhammaadkeeda, markaas oo la kala diray xoogsato uu ka mid ahaa oo ka shaqeynayay meel laga qodo dhagaxa lagu dhiso guryaha.

lacagta maalinkii uu ka heli jiray oo $4 ah ayuu nolosha ka maareyn jiray. Wuxuu tilmaamay in shaqo kale uu raadiyay, balse uusan helin tan iyo waqtigaas.

“Walaalaha hay,adaha samafalkana inay na garab qabtaan ayaan ka rajeynayaa.”

Maxamed wuxuu ku nool yahay xerada Weel-muge ee magaalada Baydhabo. Waa dhul qof deegaan ah leeyahay oo xilliga loo baahdo laga saari doono. Halkan malahan adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha.

Wuxuu xusay inaysan helin biyo ku filan, dhaqaale yarida haysata darteed. Caagga labaatan qaadka ah ayuu tilmaamay in shan kun oo Shillinka Soomaaliga ah ay uga soo dhaansadaan ceel gaar loo lee yahay oo u jira wax ka yar hal km. Lacagta ay ku gataan waa mid shaxaad uu ku soo helo, hadane uma goyso wax ka badan in maalinkaas ay u isticmaalaan cabitaanka iyo inay cuntada ku karsadaan.

Maxamed oo 33 jir ah ayaa xeradan soo degay bishii March ee sanadkii 2022, markaas oo uu ka soo barakacay tuulada Busley oo hoos tagta degmada Diinsoor ee gobolka Bay. Waxay noloshoodu ku tiirsaneyd beer afar hektar ah oo tacabkeedu u istaagay roob yari awgeed.

Raashinka ayaa magaalada Baydhabo uga yimaada Muqdisho oo u jirta 245km. Gaadiid xamuul ah ayaa dhulka soo marsiiya. Ibraahim Cusmaan Aadan oo magaalada ku leh dukaan lagu iibiyo noocyada raashiinka oo jumlo iyo tafaariiq ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xirnaashaha waddada ka hor uu hal maalin ku imaan jiray gaariga rarka soo qaada, balse hadda waxay ku qaadataa labo maalin iyo bar.

Wuxuu tilmaamay in gaadiidku uu ka soo wareegto waddo aan toos aheyn, taas oo keentay inay kordhiyaan qiimaha ay wax ku soo qaadi jireen, maadaama ay isticmaalayaan shidaal badan. Bilaha arintani jirto ayuu xusay in ganacsigiisu hoos u dhacay.

“Dhaqaale aad u fiican ayaa ii soo xaroon jirey laakiin. Hadda taas ma haayo. Dadkii danyarta ahaa ee wax iga gadan jiray oo aan hadda awoodin ayaa sabab u ah hoos u dhaca dhaqaale ee aan dareemayo.”

Bisha Ramadaan ayaa ah mid ay adag tahay in dadku u adkeystaan cunno yarida, maaddama 12 saac oo maalinkii ah ay sooman yihiin.

Previous Post

Reer guuraaga gobolka Hawd oo dalag ka goostay beerro ay fasheen markii ay xooluhu ka nacfi beeleen

Next Post

Gedo: Qoysas ku qasaaray dalagga beerahooda oo ku biiray xeryo nolol-xumo ay ka jirto

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Gedo: Qoysas ku qasaaray dalagga beerahooda oo ku biiray xeryo nolol-xumo ay ka jirto

Gedo: Qoysas ku qasaaray dalagga beerahooda oo ku biiray xeryo nolol-xumo ay ka jirto

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo