(ERGO) – Kun iyo labo boqol iyo konton qoys oo xoolo-dhaqato-beeraley ah oo ku nool gobolka Hawd ayaa goostay dalagyo iskugu jira khudaar iyo raashin. Waxay ka soo kabteen abaar saameysay xoolohooda, taas oo cunno xumo bidday.
Cabdiraxmaan Yuusuf Aadan wuxuu shantii bishan dalaggii ugu horreeyay u iib-geeyay magaalooyinka Hargeysa iyo Balli-gubadle. Dalagyada oo iskugu jira galley, masago, yaanyo iyo qare ayuu ka helay faa’iido dhan $560.
Ninkaan ayaa tilmaamay in wax-soo-saarka beertiisa ay u sahashay inuu si joogto ah saddex waqti wax u cunnaan carruurtiisa oo 10 ah, kuwaas oo ay ku adkeed inuu hal mar dabka u shido. Wuxuu sheegay in tacbashadan ay qoyskiisa u horseedday isku filnaan dhaqaale.
Qoyska Cabdiraxmaan oo beer shan hektar ah ku leh duleedka magaalada Balli-gubadle ayaa ka mid ah xoolo-dhaqato beeraley noqday markii noloshooda ay kaafin weysay dhaqashada xoolaha.
“Markii hore waxa aanu ahayn dad socda oo xoolahaas uun dabacararaya oo wixii aad cuntaa waxba kuu tarayn, carruurta iyo dadka waaweynina ay ku rafaadsan yihiin. iminka se. Laakiin waxa aanu noqonay dad meel iska deggen oo maxaan ku idhaahdaayee beertoodii wax kala soo baxaya oo iska nastay.”
Lacagta uu ka helay dalaggii u dambeeyay ee uu goostay bishii Janaayo sannadkaan ayuu sheegay inuu ka iibsaday toban neef oo ari ah, kuwaas oo isku-darkooda laga siiyay $230. Xoolahaan ayuu qorsheeynayaa muddo, kaddib inuu iska sii iibiyo, si uu ugu xoojiyo wax-soo-saarka beertiisa.
Ninkaan oo 36 sano jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in saddex carruur ah oo ay dhaleen walaalihiis uu bil walba ka bixiyo lacagta iskuulka, halka labo uu aabbe u yahay oo aan gaarin iskuul ay u dhigtaan dugsi Qur’aan, kuwaas oo isku darkoodu bishii laga qaado $37. Carruurta ayuu xusay inay dhigtaan fasalada lixaad iyo siddeedaad ee dugsia dhexe.
Cabdiraxmaan oo ay ku cusub tahay tacbashada beeraha ayaa sheegay in weligiis uu ahaa xoolo-dhaqato, balse saameyntii abaaraha iyo cudurro ku dhacay xoolihiisa ay ku qasbeen in labada dhanba uu ka raadiyo masruufka qoyskiisa.
“Waxa aan lahaa adhi ilaa 4 tiro gaadhaya. Abaarihii markay dhaceen kolba meel baan u raray, dabeetana waxaa ku dhacay caal. Adhigii waxa uu bilaabay dhimasho, mudadaas wixii ka dambeeyey waan iska dagay waxa aan bilaabay in aan wax iska beerto.”
Konton iyo lixdan doollar oo uu ka helay neef ari ah oo uu iska iibiyay bishii Sebteember ee sannadkii hore ayuu Cabdiraxmaan sheegay inay ka caawisay inuu beeraley noqdo. Wuxu xusay in bishii Oktoober isaga oo ka faa’iidaysanaya roobka Deyrta uu abuurka geliyay dhul uu leeyahay.
Dadka beeraleyda ah ee goosanaya dalagyadooda qaar ka mid ah waxay u tahay markii labaad oo ay ka faa’iideysanayaan wax-soo-saarka beerahooda.
Qoysaska beeralayda ah ee ay noloshoodu isbeddeshay waxaa ka mid ah Khaalid Haybe Xuseen oo beer 4 hiktar ah ku hel waqooyiga deegaanka Gumburaha. Wuxuu sheegay in 8 bil ee la soo dhaafay ay reerkiisu ku tiirsan yihiin lacagta uu ka helay beerta.
Khaalid ayaa tilmaamay inay si joogto ah saddex waqti wax u cunnaan carruurtiisa oo 10 ah, kuwaas oo horay ay ugu adkayd inay hal mar wax karsadaan.
Khaalid wuxuu sheegay in dalaggiisii ugu horreeyay oo iskugu jira yaanyo iyo qare uu u iib-geeyay bishii Julay ee sannadkii hore magaalooyinka Hargaysa, Balligubadle, Salaxley, Gumburaha iyo Qool-caday. Wuxuu xusay inuu ka helay $4000 oo faa’iido ah.
Khaalid oo xiligii Guga wax beertay ayaa sheegay inay u soo go’een dalagyo ka kooban masago, galley, qare, yaano iyo basbaas ,kuwaas oo uu ka helay dhaqaale badan.
Gobolka Hawd oo ah dhul oomane ah waxay inta badan beeraleyda deegaannadaan wax ku beertaan xilli-roobaadka, maaddaama aysan jirin motooro iyo ceelal-biyoodyo lagu waraabiyo beeraha. Waxay sameysteen goobo ay ku keydsadaan biyaha roobka, taas oo ka caawisa inay ku waraabsadaaan beerahooda xiliyada jiilaalka.
Dhaqaalaha uu ka helay waxsoosaarkiisii koowaad ee beertiisa ayuu sheegay inuu ka iibsaday shan halaad oo geel ah oo isku-darkooda laga siiyay $2500. Khaalid ayaa sheegay inuu $1600 ku iibsaday dhul labo boos oo bannaan ah.
“Farqi dheer ayaana u dhaxeeya wakhtigaas iyo wakhtigan imika. Baahiyihii aas-aasiga ahaa, dhaqaale soo kordha iyo xoolihii reerka oo aan la dhex galin oo wixii looga baahan lahaa xagan laga helo(Beerta) iyo waliba waxa ay beertu soo kordhiso oo wax laga soo iibiyo oo xoolihii in wax lagu daro mooyee aan waxba loo doonanayn.”
Khaalid ayaa xusay in miis lagu iibiyo khudaarta uu ku leeyahay deegaanka Gumbuuraha, wuxuu sheegay inuu ka helo maalmaha qaar $10-12.
Ninkaan ayaa sheegay inuu dhibaato ku qabo cayayaan waxyeelo u geysanaya abuurka qaraha, yaanyada iyo masagada. Wuxuu tilmaamay in mar walba oo uu abuuro beerta la kulmayo dhibaatada cayayaanka.
Haddii uu helo taageero iyo tababarro ayuu aamisan yahay inuu awood u leeyahay kordhinta waxsoosaarkiisa.
“Beertaan aan sameeyay waxaa igu dhaliyay abaarihii baa aad u baday oo xoolihii ay ku baxeen badankoodii, waxna aani qabanaynin intii yarayd ee soo hadhay. Taas bey ka fursan weyday inaan dhulka wax kala soo baxo oo aan wax beero, si aan nolosha qoyska ugu dabaro.”
Dowladda Hoose ee degmada Balli-gubadle iyo wasaaradda beeraha ayaa sheegay in 4500 oo beerood ay ku yaalaan gobolka Hawd, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Caydaruus Farxaan Muxumed oo ah isuduwaha wasaaradda horumarinta beeraha ee gobolka Hawd.
Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay beeralayda ka caawiso tababaro kor loogu qaadayo fahamkooda wax beerashada. Bishii May ee sannadkii hore ayuu tilmaamay inay beeralayda qaar u sameeyeen dhismaha biyo-xireen ay ka faa’iideystaan.
Isuduwaha ayaa xusay in bishaan Feberaayo ay qoysaska beeraleyda ah u bilaabeen $50 oo loogu talogalay makiinadda u qodeysa beerta iyo $80 oo muddo lix bilood ah la siinayo bil walba 4500 oo beeraleey ah, si loogu dhiirigeliyo horumarinta tacabkooda.
“Hadda gobolka hawd 425 qoys ayaanu ka caawinay saacadaha qodaalka, siidhadhkiina aanu siinay. Hadda ayey cagaftu ku jirtaa. Sidoo kale waxa aanu siinaa beeralayda tababarro kor loogu qaadayo ama lagu dhisayo aqoontooda. Suntii la dagaalanka cayayaanka ayaanu siinaa. Waxa kale oo aanu samaynay dalladii guud ee iskaashatada xoolo-dhaqato beeralayda gobolka hawd.”
Qoysaskaan u diga-rogtay beeraha waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in waxsoosaarka beerahooda uu wax ka beddelay hab-nololeedka qoysaskooda, tan iyo markii ay billaaben 2023 shaqada beeraha.