Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Reer guuraaga gobolka Hawd oo dalag ka goostay beerro ay fasheen markii ay xooluhu ka nacfi beeleen

Jibril Osman by Jibril Osman
April 1, 2024
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Reer guuraaga gobolka Hawd oo dalag ka goostay beerro ay fasheen markii ay xooluhu ka nacfi beeleen

Cabdiraxmaan Yuusuf Aadan oo dhex jooga beertiisa oo ay uga soo go'een dalagyo uu beertay/ Cabdicasiis Caydiid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun iyo labo boqol iyo konton qoys oo xoolo-dhaqato-beeraley ah oo ku nool gobolka Hawd ayaa goostay dalagyo iskugu jira khudaar iyo raashin. Waxay ka soo kabteen abaar saameysay xoolohooda, taas oo cunno xumo bidday.

Cabdiraxmaan Yuusuf Aadan wuxuu shantii bishan dalaggii ugu horreeyay u iib-geeyay magaalooyinka Hargeysa iyo Balli-gubadle. Dalagyada oo iskugu jira galley, masago, yaanyo iyo qare ayuu ka helay faa’iido dhan $560.

Ninkaan ayaa tilmaamay in wax-soo-saarka beertiisa ay u sahashay inuu si joogto ah saddex waqti wax u cunnaan carruurtiisa oo 10 ah, kuwaas oo ay ku adkeed inuu hal mar dabka u shido. Wuxuu sheegay in tacbashadan ay qoyskiisa u horseedday isku filnaan dhaqaale.

Qoyska Cabdiraxmaan oo beer shan hektar ah ku leh duleedka magaalada Balli-gubadle ayaa ka mid ah xoolo-dhaqato beeraley noqday markii noloshooda ay kaafin weysay dhaqashada xoolaha.

“Markii hore waxa aanu ahayn dad socda oo xoolahaas uun dabacararaya oo wixii aad cuntaa waxba kuu tarayn, carruurta iyo dadka waaweynina ay ku rafaadsan yihiin. iminka se. Laakiin waxa aanu noqonay dad meel iska deggen oo maxaan ku idhaahdaayee beertoodii wax kala soo baxaya oo iska nastay.”

Lacagta uu ka helay dalaggii u dambeeyay ee uu goostay bishii Janaayo sannadkaan ayuu sheegay inuu ka iibsaday toban neef oo ari ah, kuwaas oo isku-darkooda laga siiyay $230. Xoolahaan ayuu qorsheeynayaa muddo, kaddib inuu iska sii iibiyo, si uu ugu xoojiyo wax-soo-saarka beertiisa.

Ninkaan oo 36 sano jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in saddex carruur ah oo ay dhaleen walaalihiis uu bil walba ka bixiyo lacagta iskuulka, halka labo uu aabbe u yahay oo aan gaarin iskuul ay u dhigtaan dugsi Qur’aan, kuwaas oo isku darkoodu bishii laga qaado $37. Carruurta ayuu xusay inay dhigtaan fasalada lixaad iyo siddeedaad ee dugsia dhexe.

Cabdiraxmaan oo ay ku cusub tahay tacbashada beeraha ayaa sheegay in weligiis uu ahaa xoolo-dhaqato, balse saameyntii abaaraha iyo cudurro ku dhacay xoolihiisa ay ku qasbeen in labada dhanba uu ka raadiyo masruufka qoyskiisa.

“Waxa aan lahaa adhi ilaa 4 tiro gaadhaya. Abaarihii markay dhaceen kolba meel baan u raray, dabeetana waxaa ku dhacay caal. Adhigii waxa uu bilaabay dhimasho, mudadaas wixii ka dambeeyey waan iska dagay waxa aan bilaabay in aan wax iska beerto.”

Konton iyo lixdan doollar oo uu ka helay neef ari ah oo uu iska iibiyay bishii Sebteember ee sannadkii hore ayuu Cabdiraxmaan sheegay inay ka caawisay inuu beeraley noqdo. Wuxu xusay in bishii Oktoober isaga oo ka faa’iidaysanaya roobka Deyrta uu abuurka geliyay dhul uu leeyahay.

Dadka beeraleyda ah ee goosanaya dalagyadooda qaar ka mid ah waxay u tahay markii labaad oo ay ka faa’iideysanayaan wax-soo-saarka beerahooda.

Qoysaska beeralayda ah ee ay noloshoodu isbeddeshay waxaa ka mid ah Khaalid Haybe Xuseen oo beer 4 hiktar ah ku hel waqooyiga deegaanka Gumburaha. Wuxuu sheegay in 8 bil ee la soo dhaafay ay reerkiisu ku tiirsan yihiin lacagta uu ka helay beerta.

Khaalid ayaa tilmaamay inay si joogto ah saddex waqti wax u cunnaan carruurtiisa oo 10 ah, kuwaas oo horay ay ugu adkayd inay hal mar wax karsadaan.

Khaalid wuxuu sheegay in dalaggiisii ugu horreeyay oo iskugu jira yaanyo iyo qare uu  u iib-geeyay bishii Julay ee sannadkii hore magaalooyinka Hargaysa, Balligubadle, Salaxley, Gumburaha iyo Qool-caday. Wuxuu xusay inuu ka helay $4000 oo faa’iido ah.

Khaalid oo xiligii Guga wax beertay ayaa sheegay inay u soo go’een dalagyo ka kooban masago, galley, qare, yaano iyo basbaas ,kuwaas oo uu ka helay dhaqaale badan.

Gobolka Hawd oo ah dhul oomane ah waxay inta badan beeraleyda deegaannadaan wax ku beertaan xilli-roobaadka, maaddaama aysan jirin motooro iyo ceelal-biyoodyo lagu waraabiyo beeraha. Waxay sameysteen goobo ay ku keydsadaan biyaha roobka, taas oo ka caawisa inay ku waraabsadaaan beerahooda xiliyada jiilaalka.

Dhaqaalaha uu ka helay waxsoosaarkiisii koowaad ee beertiisa ayuu sheegay inuu ka iibsaday shan halaad oo geel ah oo isku-darkooda laga siiyay $2500. Khaalid ayaa sheegay inuu $1600 ku iibsaday dhul labo boos oo bannaan ah.

“Farqi dheer ayaana u dhaxeeya wakhtigaas iyo wakhtigan imika. Baahiyihii aas-aasiga ahaa, dhaqaale soo kordha iyo xoolihii reerka oo aan la dhex galin oo wixii looga baahan lahaa xagan laga helo(Beerta) iyo waliba waxa ay beertu soo kordhiso oo wax laga soo iibiyo oo xoolihii in wax lagu daro mooyee aan waxba loo doonanayn.”

Khaalid ayaa xusay in miis lagu iibiyo khudaarta  uu ku leeyahay deegaanka Gumbuuraha, wuxuu sheegay  inuu ka helo maalmaha qaar $10-12.

Ninkaan ayaa sheegay inuu dhibaato ku qabo cayayaan waxyeelo u geysanaya abuurka qaraha, yaanyada iyo masagada. Wuxuu tilmaamay in mar walba oo uu abuuro beerta la kulmayo dhibaatada cayayaanka.

Haddii uu helo taageero iyo tababarro ayuu aamisan yahay inuu awood u leeyahay kordhinta waxsoosaarkiisa.

“Beertaan aan sameeyay waxaa igu dhaliyay abaarihii baa aad u baday oo xoolihii ay ku baxeen badankoodii, waxna aani qabanaynin intii yarayd ee soo hadhay. Taas bey ka fursan weyday inaan dhulka wax kala soo baxo oo aan wax beero, si aan nolosha qoyska ugu dabaro.”

Dowladda Hoose ee degmada Balli-gubadle iyo wasaaradda beeraha ayaa sheegay in 4500 oo beerood  ay ku yaalaan gobolka Hawd, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Caydaruus Farxaan Muxumed oo ah isuduwaha wasaaradda horumarinta beeraha ee gobolka Hawd.

Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay beeralayda ka caawiso tababaro kor loogu qaadayo fahamkooda wax beerashada. Bishii May ee sannadkii hore ayuu tilmaamay  inay beeralayda qaar u sameeyeen dhismaha biyo-xireen ay ka faa’iideystaan.

Isuduwaha ayaa xusay in bishaan Feberaayo ay qoysaska beeraleyda ah u bilaabeen $50 oo loogu talogalay makiinadda u qodeysa beerta iyo $80 oo muddo lix bilood ah la siinayo bil walba 4500 oo beeraleey ah, si loogu dhiirigeliyo horumarinta tacabkooda.

“Hadda gobolka hawd 425 qoys ayaanu ka caawinay saacadaha qodaalka, siidhadhkiina aanu siinay. Hadda ayey cagaftu ku jirtaa. Sidoo kale waxa aanu siinaa beeralayda tababarro kor loogu qaadayo ama lagu dhisayo aqoontooda. Suntii la dagaalanka cayayaanka ayaanu siinaa. Waxa kale oo aanu samaynay dalladii guud ee iskaashatada xoolo-dhaqato beeralayda gobolka hawd.”

Qoysaskaan u diga-rogtay beeraha waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in waxsoosaarka beerahooda uu wax ka beddelay hab-nololeedka qoysaskooda, tan iyo markii ay billaaben 2023 shaqada beeraha.

Previous Post

Baladwayne: Cunno xumo ka jirta xero barakac oo ay ku biireen qoysas ay colaad saameysay

Next Post

Baydhabo: Qiimo koror ku yimid raashinka oo cunno-xumo bidday dadka ku jira xeryaha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Baydhabo: Qiimo koror ku yimid raashinka oo cunno-xumo bidday dadka ku jira xeryaha

Baydhabo: Qiimo koror ku yimid raashinka oo cunno-xumo bidday dadka ku jira xeryaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo