(ERGO) – Waxbarasho la’aan ayaa soo wajahday 260 arday, markii uu xirmay iskuulka hoose, dhexe iyo sare deegaanka Camaara ee gobolka Mudug. In kabadan 2,500 qoys ayaa barakacay deegaankan 2 bishii Feberaayo ee sanadkan, markaas oo deegaanka ay duqeysay Al-shabaab ka hor inta aysan la wareegin.
Qoysaska qaar ayaa u barakacay deegaano aysan waxbarasho ka jirin, halka kuwa tagay goobaha iskuulada leh ay awoodi waayeen inay iska bixiyaan lacagta waxbarashada.
Xuseen Faarax Cawaale waxaa tan iyo markuu barakacay waxbarasho la’aan ka ah shan carruur ah. Wuxuu sheegay inuusan iskuul laheyn deegaanka Garab-cadde oo uu maciin biday, kaas oo Camaara 10 km dhinaca bari uga beegan.
Walwalka uu qabo ayaa ah in carruurtu ay ka haraan sanad dugsyeedkan oo imtixaankiisa la qaadayo bisha Juun ee sanadkan.
“Haddii dhulku nabad noqdo waa iska heli lahaayeen waxbarasho iyo nolol. Laakiin iyadoon dhulkii nabad noqon waxay ila tahay wax qorshe ah oo meel u saaran ma jiro.”
Xuseen ayaa tilmaamay in 10 carruur ah ay wax u baran jireen ka hor inta uusan barakicin, balse hadda waxaa iskuul aada shan dhigata dugsiyada dhexe iyo sare, kuwaas oo xaaskiisu u la barakacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Waxay kala dhigtaan iskuulka Suldaan Axmed Nuur oo dowladdu leedahay iyo Cumar Al-faaruuq oo jaaliyad deegaanka ah ay dhaqaalihiisa bixiso. Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in qeybta qoyskiisa ah ee Cadaado jooga ay dul saar ku yihiin reer ay qaraabo yihiin oo deggan xerada Bari.
Wuxuu xusay inuu jeclaa in dhammaan carruurtiisu ay sii wadato waxbarashada, balse qoyskaas uu awoodi waayay inuu qaabilo reerkiisa oo ka kooban isaga, saddex xaas iyo 14 carruur ah.
Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in deegaanka uu joogo ay kula nool yihiin qoys xoolo dhaqato iyo beeraley ah oo ka caawiya cuntada iyo biyaha. Xilligan oo jiilaal ah ayuu xusay inay ku dhiban yihiin helitaanka biyaha oo fuustadii lagu iibinayo $10. Hal waqti ayuu sheegay in maalinkii ay wax karsadaan.
Waxaa hoy u ah geed habeenkii ay dugsadaan, maalinkiina qoraxda ka galaan. Wuxuu xusay in deg deg ay ku soo baxeen oo halkan ay yimaadeen iyagoo faro maran oo aan midna haysan raashiin, hu’ iyo hoy.
“Nolol cariir ah ayaan la kulanay. Qof magaallo joogi jiray oo miyi u baxay oo ilmo yar, dad waayeel ah iyo dumar umul ah wada waa dareemi kartaa. Waliba biyo iyo baad midna aan siday rabaan u heleyn, waxbarashada waxaa la helaa markii nolosha kale ay hagaagto.”
Xuseen oo 70 jir ah ayaa tilmaamay in xaaladda barakacu ay ku soo beegantay iyadoo qoyskiisu wajahayeen dhaqaale darro. Wuxuu xusay in tan iyo bishii December ee sanadkii hore ay shaqo la’aan yihiin labo wiil oo uu aabbo u yahay, kuwaas oo reerku ku tiirsanaa.
Waxay ka shaqeynayeen dhagaxa dhismaha magaalada Cadaado oo hakad galay markii dadka guryaha dhista ay diideen canshuur uu maamulku ku soo rogay oo ah $50 illaa $150.
Waxay ka mid yihiin ku dhowaad 2,500 xoogsato ah oo arintan darteed shaqo la’aan noqday, sida aan ka soo xiganay guddoomiyaha iskaashato ay lee yihiin.
Qoysaska amni xumadu saameysay ayaa inta badan u barakacay deegaanada iyo degmooyinka kala ah Garab-cadde, Dhaan-daya, Xinlabi, Seego, Gal-xagarre, Godin-labe, Cadaado iyo Baxdo oo ka tirsan gobolada Galgaguud iyo Mudug.
Qoysaska qaar ayaa Cadaado oo Camaara u jirta 202 km u yimid si aysan carruurtoodu waxbarashada uga harin. Dadkaas waxaa ka mid ah Cabdiweli Cabdullaahi Aadan oo afar gabdhood iyo wiil geeyay iskuulka Cumar Al-faaruuq ee magaalada Cadaado.
Waxbarashada oo bilaash ah ayay billaabeen bishii Maarso. Cabdiwali ayaa kaligiis koriya carruurtan oo ah agoon ay walaalo yihiin oo aabbahood uu dhintay sanadkii 2020.
Halkan Inta aysan imaan waxay u barakaceen deegaanka Dhaan-daya oo labo bil, kaddib ay ka soo guureen, markii ay waxbarasho ka waayeen.
“Markaad muddo joogay meesha waxaan go’aansaday aniga iyo qoyskaba in ardaydii iyo qoyskiiba loo raadiyo meelay ku noolaan karaan, waxbarashana ay ka heli karaan, kadibna halkan oo Cadaado ah ayaa nimad oo aan is dhaheynaa waxbarasho iyo nolol tii ka duwan ayaad ka heleysaan.”
Cabdiwali ayaa tilmaamay in toddobaadyada uu Cadaado joogo uu juhdi ku bixinayo raadinta shaqo macallinimo, si reerka uu uga saaro nolosha hubanti la’aanta ah, balse wali waxba ma helin.
“Cadaado noloshii aan ka filaynay waan ku helnay oo nabad ayaan haysanaa, waxbarashana waan ku helnay, waxa kalana way iska imaanayaan inshaa Allah.”
Cabdiwali ayaa sheegay in deegaanka Camaara ay uga soo carareen ari 20 ah oo reerku lahaa. Wuxuu tilmaamay inay waayeen gaari ay ku soo qaadaan. Hadda oo qoysku baahi weyn u qabo ayuu xusay inaysan war u hayn raq iyo ruux waxay ku sugan yihiin xoolahaas.
Dadka soo barakacay uma cadda xilliga ay ku noqonayaan deegaankooda oo hadda aysan ka jirin xasilooni amni. Deegaanka Camaara waxaa ka furnaa hal iskuul oo ah hoose, dhexe iyo sare. Waxaa hirgaliyay oo dhaqaalihiisa bixinayay muddo 14 sano ah qurba joog deegaanka ka soo jeeda.
Saddex boqol oo arday ayaa iskuulkan dhiganayay, balse waxaa waxbarasho dib u helay afartan arday oo Cadaado ka dhigta iskuulo waxbarashadoodu ay bilaash tahay. Sidaas waxaa Raadiyow Ergo u sheegay Maxamuud Maxamed Jaamac oo ah agaasimaha dalladda Iftin oo ay qurbo joogto lee yiihiin, taas oo gacanta ku haysa 11 iskuul oo ku yaalla Mudug iyo Galgaduud oo ay dhigtaan 3,200 oo arday.
“Iskuulkaas wuxuu ahaa laf dhabarta bulshada. Waxaa ka qalin jabiyay dugsigiisa sare intii uu furnaa tan iyo 2009 shan dufco. Waxaa hadda gabogabo ahaa dufcadii lixaad.”
Xad maleh dhibaatooyinka dadka rayidka ah ka soo gaara dagaalka u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, waxaana colaaddan si waynu cuuryaamisay dhinacyada nolosha aasaasiga u ah.