(ERGO) – Buux Faarax Ducaale wuxuu awood u yeeshay inuu qoyskiisa u helo cunno ku filan. Wuxuu sheegay inay u suuragalisay, markii uu faa’iido fiican ka helay shaqo xoogsi ah oo uu billaabay 16 bishii Janaayo ee sanadkan.
Wuxuu ka mid yahay boqol iyo konton rag ah oo u badan xoolo-dhaqato oo loo qaatay in ay shaqaale ka noqdaan dhismaha waddo xariirisa magaalooyinka Xeego iyo Boorama ee gobolka Awdal.
Buux ayaa sheegay in shaqadan oo uu si maalinle ah uga shaqeeyo uu ka helo lacag u dhaxaysa $10 -$15. Qoyskiisa oo ka kooban 15 qof ayuu xusay in dhaqaalaha soo gala ay u horseeday in ay ka baxaan nolol xumo ay muddo ku jireen.
“Noloshii wey is badashay oo haddii ay arad beel noqoto, haddii ay cunto noqoto iyo haddii ay dhigaal noqoto intaba waanu ka helnay. Markaa kobcin weeyaan.”
Qoyska Buux oo ahaa xoolo dhaqato ayaa waxaa saameeyay abaartii dalka ka dhacday sanadkii 2021. Konton neef ayaa uga badbaaday 280 ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsaneed. Tan iyo xilligaas waxay reerkiisu wajahayeen dhaqaalo xumo badday in ay labo waqti oo isxigta ay dabka shidan waayaan.
Ninkan shaqadan cusub wuxuu kaga maarmay dhuxulaynta dhirta oo uu ka shaqayn jiray. Shaqadaas oo uu dhib badan ka mari jiray. Waxaa ugu wacnaa waddo xuma deegaanka ka jirtay oo ku qasbi jirtay in uu awr ku qaado. Todobadka ugu badan ayuu suuq gayn jiray labo jawaan oo laga siin jiray $19, taas oo aan ku filnayn qoyskiisa.
Dadka deegaanka oo dhirta jaristeeda kuwada fooganaa ayuu sheegay in ay saamayn ku yeesheen xoolaha oo daaq la’aan ku dhacday. waxay sababeen in ay xitaa yaraato dhirtii dhuxusha ay ka samayn jireen, taas oo keentay in ay ku adkaato in ay xitaa helaan wax ay dhuxuleeyaan.
Xiliga ay waayaan ayuu sheegay in uu ku qasbanaan jiray in uu iibgeeyo hadba neefkii ii bleh. Magaalooyinka Boorama iyo Xeego ayuu tilmaamay marka uu geeyo in uu kala kulmi jireen suuq xumo oo ay ku adkaan jirtay in uu ku helo qiimo wax uga gooya suuqa.
“Sayladda ayaa aad iyo aad ayay dhulka noola gashay. Xagga aanu ka bakhtinay ee nolosha cidhiidhi ku gashay weeyaan. Ariga waan ka xaysanaa. Laakiin neefkii riyaalbaa nalaka siistaa, riyaalkii marka la naga siiyo ee annagu suuqa u la soo dhaadhacno lacagtii dadkii haystay meheradaha raashinka, ama arad beelka ama dharka haystay, waxay ku iibinayaa doollar ama kaash, kaashkii markii ay noogu dhuftaan waanu ku baaba’nay oo wax la’aan baa naga raacday.”
Buux maaraynta nolosha reerka waxaa u dheer in uu hadda awood u yeeshay in uu waxbarasho ku daro afar ka mid ah carruurtiisa oo horay u ahaa umi aan waligood wax baran. Wuxuu geeyay iskuul iyo dugsi Qur’aan uu bil kasta ka bixiyo isku gayn $36.
Ninkan iyo labo wiil oo uu dhalay ayaa si ay wax-soo-saar kooda u kordhiyaan waxay ka wada shaqa billaabeen wadada waxaay soo helaan ayay u kala qaybiyaan biilka reerka, waxbarashada carruurta iyo in ay meel u dhigtaan in ay mustaqbalka ku samayntaan ganacsi haddii shaqadaan istaagto.
Lacagta ay sida billaha ah shaqadaan uga helaan oo gaaraysa $900 ayay aaminsan yihiin in ay u noqon karto fursad ay ku samaystaan maal-galin dhaxal siisa isku filnaansho dhaqaale.
Dhanka kale waxay iska gudeen mudada ay shaqaynayeen $600 dayn ah oo lagu yeeshay xilligii abaaraha. Wuxuu xusay in uu ka nastay waydiin joogto ah oo uu labo sano kala kulmayay dadkii lacagta ku lahaa.
Dhammaan dadka arrintaan shaqo abuurka ay u noqotay ayaa ka siman faa’iidada dhaxalsiisay isbeddelka nololeed.
Cabdi Muuse Suldaan wuxuu si welwel la’aan ah u maareeyaa nololsha qoyskiisa oo 14 qof ka kooban muddada uu shaqada xoogsiga ku jiro. Waxay ka soo kabteen nolol-xumo ay ku jireen tan iyo 2017, markaas oo kuu yaraaday ari ay horay ugu tiirsanaayeen.
“Soomaalidu waxaay tiraahdaa subaxba ishaad hayso ayaa caddaysaa. Annaga nagama qasnayn saddexdii bil. Aad iyo aad baan ugu noolaanay. Haddii ay xaaskayaga tahay iyo haddii ay carruurta tahay.”
Cabdi marka laga yimaado in hawshan ay u noqotay shaqa abuur waxaa u dheer in uu ka soo kabsan doono dhibaato uu ku qabay waddo xumada deegaanka. Waxaa sanad kasta ka qasaarayay dalag uga soo go’a beer saddex hektar ah oo uu ku leeyahay duleedka Xeego.
Guud ahaan beeralayda ay isku meesha deggan yihiin ayuu sheegay in horay ay dalaggooda u cuuryaamisay waddo la’aanta deegaanka.
Wuxuu intaas raaciyay in saamaynta ka dhalatay waddo la’aantu aysan intaas ku ekayn. Miciishada ayuu xusay in ay ugu imaan jirtay qiimo qali ah oo ay gaadidku diidi jireen in ay yimaadaan dhulka ay deggan yihiin oo ah dhul aan la mari karin. Waxaa intaas u dheeraa caafimaad la’aan iyo waxbarasho la’aan.
“Waxbarasho ma jirto, meelna loo soo maro iyo cid wax noo barta midna ma hayno. Aabahay aniga siduu igu dhalay ee waxa weeyaan aanu waxba iigu dhigin halkii bay carruurtayduna ka sii barbaartay oo macalimiinna ma hayno.”
Cabdi inta uu shaqadaan waday wuxuu sheegay in uu ka helay lacag gaaraysa $1,500. Dhaqalahaas ayuu hadda billaabay in uu ku tacbado beertiisa oo uu naawilayo in haddii ay roob fiican hesho sanadkan uu wax badan ka faa’iidi doono. Wuxuu diyaarinayaa dalag uu qiyaasayo in uu qiimo badan ka go’yn doono suuqa, maadama sanadkan uu awoodo in uu abuuro.
Ninkan ayaa sheegay in beerta oo horay uu uga rajo dhigay uu dib ugu dhiiraday markii la siiyay tababarro lagu baray qaabka casriga ah ee beeraha lagu beerto iyo ceel biyoodyo laga hirgaliyay dhulbeeroodkooda oo la filayo in ay dhamaan beeraha ku waraab sadaan.
Arrintaas ayaa qayb ka ah mashruuca wadada lagu dhisayo oo ay maalgalinayso Soomaaliland ayna fulinayso hay’adda maxalliga ah ee AADO. Barnaamijkaan ayaa u jeedkiisu yahay in la helo hanaan ay waxsoo saarkooda ku hordhin karaan beeralayda iyo xoolo-dhaqatada oo hadda go’doon ku jira.
Xasan Xuseen Nuur oo ah madaxa hay’adda u qaabilsan gobolka Awdal ayaa sheegay in sidoo kale mashruucan uu beeralayda iyo xoolo-dhaqatada marka laga yimaado shaqo-abuurka ay ka heleen. Wuxuu tilmaamay in sidoo kale la sameeyay hanaan bacaad celin ah, kaas oo wax badan ka taraya badbaadada beeraha iyo daaqa xoolaha.
Arrintan ayaa noqotay markii ugu horraysay oo si muuqata wax looga qabtay wadadaan oo muddo ay dadku ku dhib qabeen. Sida la filayo waxay sahli doontaan in beralayda iyo xoola-dhaqatadu ay si fudud ku gaaraan magaalooyinka, taas oo kaalin ka qaadan doonta dhaqaalaha gobolka.