Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas hantidoodii ku waayay dagaal qabiil oo Muqdisho maciin-biday

Jibril Osman by Jibril Osman
April 22, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Siciido Aadan oo ka mid ah dad barakacay oo hoy uga raadineysa carruurteeda xero ku taalla Muqdisho/Rijaal Abdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) –  Saciido Aadan Maxamed waxay cunno yari iyo hoy la’aan ku wajahaysaa xerada barakaca Ceeldheere ee duleedka degmada Kaxda. Tan iyo saddexdii bishaan Apriil ee sannadkaan, markaas oo ay soo maciin biday halkaan.

Haweyneydaan oo ah hooyada lix carruur ah waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in carruurteeda ay u awoodi la’dahay inay u hesho cunno ku filan, xaaladda ay ku sugan yihiin darted.

Waxay ka mid yihiin 120 qoys oo ka soo barakacay deegaanka Iji ee kala qeybiya xudduudka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, markii ay saameyn ku yeelatay colaad u dhaxeysay labo qabiil oo sababtay in la gubo tuulada.

“Xaaladda waa nagu xun tahay. Buushkaan ayaan iska dhex dagan nahay, wax aan ku cuneyno ma leh, wax aan ku cabayno ma leh, wax aan ku heysano ma leh, waan ku rafaadsanahay. Annagoo bannaanka iska tuuran ayaa nala soo qabtay oo buushkaan nala soo galiyay. Ilaah baa irid idiin furayo ee meeshiina iskaga jira ayay dadka nagu dhaheen.”

Saciido saameynta ay colaadda dhaxal siisay waxaa ka mid ah inaysan nolo iyo geeri meel ku ogeyn odayga qoyskeeda, maaddaama cabsida dirirta ay sababtay inay labo daraf u kala socdaalaan.
Waxaa ku adkaatay helista gaadiid ka soo samata-bixiya xaaladdii ay ku sugnaayeen, taas waxay ku qasabtay inay soo lugeeyaan iyada iyo carruurteeda labo habeen oo isku xigta, si ay uga baxsadaan waxyeellada dagaalka.

Waxay tilmaanatay inay u suuragashay saacado badan oo ay dhex socdeen dhul hawd ah si ay u gaaraan degmada Ceelbaraf, halkaas oo ay ka soo raacday gaari hoomey ah oo keenay Muqdisho, markii dadka deegaanka ay ka bixiyeen lacag konton kun oo shilin Soomaali oo ahayd lacagta gaari-raaca.

Saciido waxay xustay inay dhibaato ka la kulantay sidii ay u heli lahayd xero ay sal dhigtaan iyada iyo qoyskeeda, taas oo sababtay in dhowr habeen ay hoy ka dhigtaan meel bannaan oo cidla ah. Shan maalin, kaddib ayay tilmaantay inay heshay xero ay uga soo horreeyeen qoysas ay isku deegaan ahaayeen oo colaadda ay soo wada barakicisay.

Saciido ayaa xustay in dhammaan waxyaabihii nolosha aas aaska u ahaa ay ku heysteen deegaanka Eji, balse hadda ay meesha ka baxeen oo ay ka cabsi ka qabto in carruurta baahi uga dhimato.

“Nolosha markii hore aan heysanay, markii aan joognay deegaankeena waxa ay aheyd mid nadiif ah. Guri ayaa noo dhisnaa. Biyo ayaan heysanay, qoryaha waan soo guranaynay waxa ay ahaayeen lacag la,aan. Hadda biyaha iyo qoryaha inta waa lacag.”

Qoyska haweyneydaan oo beeraleey ahaa ayaa laga gubay beer hal hiktar oo ay lahaayeen iyo dukaan yar oo bagaashka ay ku iibin jirtay.

Saciido ayaa sheegtay inay isu diyaarinayeen inay abuurtaan beerta, markii lacag $800 ay ku soo iibsadeen abuur. Lacagtaas waxay ka heleen dukaanka iyo dalagyo beerta uga soo go’ay oo meel ay dhigteen.
Hadda uma muuqato ifafaalo u suuragalin kara inay dib ugu laabato deegaankeeda. Raadadka colaadda ayaa wali ka muuqda.

Qoysaska ay dagaalladu saameeyeen badankood waa dad beeraley ah oo ku tiirsanaa wax soo
saarkooda balse dhibaatada dirirta ayaa ku fiday dhul-beereedyo ay noloshooda ku tiirsanayd.

Falxado Siikow Yuusuf oo ah hooyada afar carruur oo agoon ah oo hadda degan xerada Ceeldheere ee degmada Kaxda   waxay ka mid tahay qoysaskii ugu horreeyay ee ka soo barakacay deegaanka Iji, si ay nolol wanaagsan u helaan iyada iyo qoyskeeda.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in carruurteeda aysan u awoodin in hal waqti ka badan ay wax karsadaan xiligaan la joogo.

Qoyska Falaxdo waxay ku dhib qabaan la qabsiga nolosha xerada barakaca tan iyo markii ay ku soo biirtay dhammaadka bishii hore ee Maarso.
Carruurteeda ayaa wajahaya xanuun aysan horay ugu arki jirin sida qandho joogto ah iyo nabro ka soo baxay jirkooda, maaddaama ay gogol la’aan dhulka seexdaan.

Waxa ay sheegtay in ay hadda ku sugan yihiin xaalad quus ah, islamarkaana cuntada ay helaan hal waqti ay ku taageerto haweenay aan barakac aheyn oo degan meel u dhow xerada.

“Daryeel xumaa I haysato. Dhibaato ayaan ku suganahay guryihii waa naga gubteen, dharkeennii iyo alaabtii wixii aan ku dhaqmi laheyn dhammaan waan kasoo cararnay. Dhibaatadaas ayaa na haysta.”

Falxado oo horay ninkeeda loogu dilay colaad qabiil bishii Febraayo ee sannadkii 2022 ayaa sheegtay inay markale dhibane u noqotay colaadda deegaankeeda oo looga gubay guri labo qol ah oo ay daganaayeen.

Ka hor inta aysan colaadda soo barakicin waxay ka shaqayn jirtay iibinta caanaha oo ay ka soo iibsan jirtay qoysaska xoolo-dhaqatada ah ee ku noolaa tuulooyinka dariska la ah deegaankooda.

Waxay sheegtay in colaadda ay la kowsadeen mar ay isu diyaarinaysay inay beerato beer hal hiktar ah oo ay lahayd, si ay awood ugu yeelato masruufka qoyskeeda.

Haweeneydaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dagaallada ay soo gaabiyeen mustaqbalka carrurteeda oo hadda ay yihiin barakac ay nolosha ku adag tahay.

Maamulka xerada Ceeldheere ayaa sheegay inay qoysas hor leh oo colaadda deegaanka Iji ay soo barakicisay ay ku soo biirayaan xerada.

Xasan Faarax  guddoomiyaha xerada ayaa xusay in dadka ku soo biiray xerada lagu caawiyo kaalmo raashiin ah oo ay ka soo uruuriyaan dadka deegaanka, si loo siiyo dadka nugul ee gaajeysan.

Wuxuu sheegay in raashiinkaas uusan dabooli Karin baahida dadka, ka maamul ahaanna ay ku dedaalayaan sidii qoysaskaan looga saari lahaa duruufta adag ee ay wajahayaan.

Xasan wuxuu ka deyriyay xaaladda dhanka hoyga ah ee ay ku sugan yihiin , maaddaama dhibaatooyinka xerada ka jira aysan suuragal ahayn inay helaan guri qumman.

“Wali way la qabsan la’yihiin dadkaan, sababtoo ah meeshii hore dad badan ayay ka barteen ganacsiga suuqa ayay u aadi jireen. Meeshaan dhibaato aad u badan ayay ku wajahayaan dadkaan. Aniga haddii aan nahay horjoogayaashii waxaa aan awoodnaaa waa in aan bixino dhul, waana siinay.”

Colaaddaha iyo abaaraha ka jiro qaybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa qoysas badan ku qasbay in ay galaan xeryaha lagu barakacay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Previous Post

Dhadhaab: Qaxooti wajahaya cunno-xumo markii uu hakad ku yimid raashin la siin jiray

Next Post

Mudug: Carruur ku waxbarasho beellay colaad Camaara oo la barakacay ehelladooda

Related Posts

Banaadir: Qoysas barakac ah oo isku helay biyo-galin iyo nalal cadceedda ku shaqeeya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Banaadir: Qoysas barakac ah oo isku helay biyo-galin iyo nalal cadceedda ku shaqeeya

July 7, 2025
Mudug: Dad barakac ah oo ka baxay nolol xumo markii ay suuq gaysteen dalagyo u soo go’ay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad barakac ah oo ka baxay nolol xumo markii ay suuq gaysteen dalagyo u soo go’ay

July 4, 2025
Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob

July 2, 2025
Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda

June 30, 2025
Dhibaato caafimaad iyo mid nolol xumo oo ka dhalatay biyo yari ka jirta Bandarbayla
Cunto-Yaraanta

Dhibaato caafimaad iyo mid nolol xumo oo ka dhalatay biyo yari ka jirta Bandarbayla

June 27, 2025
Gaalkacyo: Cunno xumo haysa qoysaska ragga kabaha tola shaqo la’aan darteed
Cunto-Yaraanta

Gaalkacyo: Cunno xumo haysa qoysaska ragga kabaha tola shaqo la’aan darteed

June 26, 2025
Next Post
High school in Somalia

Mudug: Carruur ku waxbarasho beellay colaad Camaara oo la barakacay ehelladooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2025

IDAACADDA 07-JUL-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2025
July 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2025
July 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2025
July 5, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2025
July 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2025
July 3, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo