(ERGO) – Xaliimo Xasan Maxamed kaligeed korinaysa siddeed carruur ah oo agoon ah waxay markii ugu horraysay ku filnaatay maaraynta nolishooda. Waxay billowday shaqo xoogsi ah bishii Julay ee sanadkii hore.
Waxay ka mid tahay 105 haween ah oo ka shaqeeya xaarista jayga si ay u daboolaan nolosha qoysaskooda. Dumarka oo ku nool xeryaha lagu barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho waxay subax kasta u lugeeyaan deegaanka Jasiira oo ay ka shaqeeyaan.
Xaliimo ayaa sheegtay in shaqadan ay bishii ka hesho lacag gaaraysa $200, taas oo meesha ka saartay cunno yaridii carruurteeda haysatay. Waxay hadda awood u yeelatay in ay saddex waqti dabka u shiddo.
“Shaqaddaan nolosheyda wax aad u weyn ayay ka bedeshay. Shalay waxaan ahaa Hooyo dhar dhaqow aadda, balse hadda waxaan u wareegtay Jay oo aan aruuriyaa. Nolol maalmeedka Carruurteyda ayaan ku maareystaa maalinkii. Carruurteyda quutul yoomkooda meesha ayaan ka helaa.”
Waxay tilmaamtay in ka hor haqadan in ay dhar-dhaqid u daadi jirtay xaafadaha ka agdhow xerada ay ku nooshahay. Shaqadaas oo ku qaadan jirtay maalin dhan ayay kala soo hoyaadi jirtay $2 oo ku adkayd in ay xitaa hal mar dabka ku shitaan.
Qoyska hawenaydan oo deggan xerada Igadabagee oo ku taalla degmada Dayniile ayaa waxay sidoo kale ka soo kabteen hoy la’aan ay ku jireen muddo shan sano ah. Qol yar ayay ku dhisatay jiingado ay ku soo gadatay $200 oo ay aruursatay intay shaqadaan haysay.
Afar ka mid ah carruurteeda ayay xustay in markii ugu horraysay gaysay waxbarashada, markii ay ogaatay in ay bixin karto qarashaadka ku baxaya. Waxay xustay in macallinka iskuulka u ogolaadey in labo ka mid ah ay si bilaash ah ku dhigtaan, halka labada kale ay ka bixiso isku gayn $14 ah bishii.
“Waxaan ka helaa lacagta aan ku bixiyo Jayga, markii hore guriga ayay joogi jireen aniga waxba uma heyn, waxaan rafaad ku qabay sidii aan ku keeni lahaa nolol maalmooda”
Xaliimo ayaa sheegtay in ay iska gudday dayn gaaraysay $50 oo ay ku lahaayeen tukaanno ay raashinka ka qaadan jirtay. Dadka dukaamada leh ayay xustay in ay hadda daymiyaan wixii ka dhimanaada maaddaama ay soo celisay middii hore.
Waxay xustay in ay ka iibsadaan shirkadaha dhismaha ka shaqeeya. Halkii gaari oo jay ah laga siiyo $30. Waxay iskugu xiran yihiin si koox koox ah iyaga oo halkii koxba ay maalintii aruuriyaan hal gaari iyo wax ka badan si ay u iibiyaan isla markaas.
Qoyska Xaliimo waxay sanadkii 2019-kii ka soo barakaceen degmada Baardheere markaas oo uu ku fatahay Wabiga Jubba. Fatahaaddaas ayay sheegtay inay ku weyday dukaan yar oo ay ku biili jirtay carruurteeda. Waxaa u saarnaa alaab ay ku qiimaysay labo kun oo doollar.
Qaar ka mid ah haweenkan ayaa markay fursaddaan heleen waxay ku dhiiradeen in ay abuurtaan ganacsiyo yar yar oo ku yaalla gudaha xerada ay ku nool. Ujeed kooda ayaa ah in ay helaan il-dhaqaale haddii ay ka istaagto shaqadaan ay hadda hayaan.
Faay Cusmaan Cali oo ah hooyada Afar carruur ah kuna nool xerada Al Nasri ee Kaxda ,waxay gurigeeda hortiisa ka sameysatay sandaqad yar oo lagu iibiyo khudaarta, dharka iyo bakaashka. Waxay sheegtay in dukaanka ay furatay billowgii sanadkan markii muddo bilooyin ah ay aruurinaysay lacag dhan $300.
Faay ayaa sheegtay in subaxii inta aysan shaqaddaan galin ay furto dukaanka, inta ay maqantahay waxaa u sii joogta gabar ay habaryar u tahay oo la nool. Haweenaydan oo carruueteedu ay agoon yihiin ayaa xustay in ay si buuxda ugu filnaaday cunnadooda iyo arrad tirkooda.
“Farqi wayn ayaa u dhaxeeya markii hore iyo hadda. Markii hore hal mar ayaan wax karsan jirnay haddase saddex waqti ayaan karsannaa Ilaahay ayaa taas ku mahadsan.”
Qoyska Faay ayaa sanadkii 2017 ka soo barakacay baadiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool, markii abaartii sanadkaas ay ku waayeen 100 neef oo ari ah oo ay ku tiirsanaayeen. Tan iyo xilligaas xaalad nolol xumo ayay ku wajahayeen xeryaha lagu barakacay
Muno oo ka mid dadkii ugu horreeyay ee shaqadaan billabay ayaa sheegtay in ay soo dhaweeyaan haweenka cusub markay shaqada bilaabayaan si ay ula qabsadaan. Welwelka ugu badan ayay tilmaantay in ay ku hayaan dadka ka qaatay wixii ay u tabar beeleen.
“Adigoo dhib badan ka maray ayay kaa xadayaan kii gaari wata oo meesha soo mara waxaa laga yabaa in uu horay u qaato, anaga xoogeenna oo xalaal ah ayaan ku xamaalanaa, Hadda waxaa naga maqan hal kaarik cidii qaatay ma la oggaa meesha uu la aaday lama oggaa ilaahay ayaan ku deynay xooggana kasoo bixinaya”
Shaqada ay haweenkaan qabtaan maahan mid ay dumarku si fudud ku qaban karaan, balse duruufta haysa darteed ayaa ku kalifaysa. Waxay u badan yihiin barakac aan haysan meel kale oo ay ciirsadaan.