(ERGO) – Boqol iyo siddeetan qof ayaa fursado shaqo ka helay olole nadaafadeed oo laga billaabay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya. Dadkan oo ay iskugu darsameen shaqo la’aan iyo sicir barar ayaa fursadan ay ka caawisay inay ku filnaadaan baahiyaha aasaasiga ah ee qoysaskooda.
Sahra Maxamed Axmed waxay bishii ka heshaa $38. Dhaqaalahan ayay sheegtay ku iibsadaan cunto ku filan oo saddex waqti ah. Waxay intaas ku dartay in shaqadan ay tahay tii ugu horeysay oo ay heshay muddo 16 sano ah oo ay ku nooshahay xerada Xagardheer.
“Bur oo kale ayaan ugu soo gataa, Iidaanka iyo hilibka oo kale. Canug yar ayaa ii joogo aabihiina waayeel waaye caano ayaan ugu gataa. Lacagta ilmaha ayaan ugu soo adeegtaa oo Uniform ayaan ugu soo gataa, buugaagta ayaan uga gadaa.”
Sahra oo 38 jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in markii hore ay ku tiirsanaayeen gargaarka hay’adaha oo kaliya. Qoyska ayaa bishii hela gunno lacageed oo ah $48.5 iyo 26 kiilo oo ah galley iyo misir.
Sahra oo ah hooyada 11 caruur ah ayaa xustay in kaalmadan ay ugu filnaan weyday in maalinkii labo waqti ku shitaan dabka, taasina ay ku dhalisay inay raadiso shaqadan oo ay billowday bishii Deseember. Waxay sheegtay in saygeeda oo 70 jir ah uu yahay in aragga la’ oo aan shaqeyn.
Toddobaadkii lix beri ayay shaqeysaa. Qashinka ayay ka soo uruurisaa xaafadaha xerada ay ku nooshahay iyadoo adeegsata fargeetada qashinka lagu xaaqo iyo jawaan, kadibna waxay ku shubtaa goob lagu gubo.
Sahra ayaa xustay inay ku shaqeyso cimilla kulul oo heer keedu yahay maalinkii 39 illaa 40 digrii. Waxay lugeysaa masaafo dhan toban km. Howshan ayay xustay inay tahay mid adag oo aan dumar ku wanaagsaneyn.
Waxay intaas ku dartay in dadka qaar ay ku aflagaadeyaan shaqadeeda markay qashinka ka qaadeyso, balse aysan dhag-jalaq u siin.
“Ilmahayga iskuulaadka dhigta waxay i dhahaan hooyo qashinkaa aad ka shaqayso ayaa nalaku aflagaadeeyaa ee iska daa. Waxaan dhahaa hooyo haddii aan dayn lahaa nafsadiina maxaan ku maaraynayaa iyo buugtiina iyo qalimaantiina.”
Sahra ayaa tilmaantay in carruurteedu haystaan waxbarasho bilaasha ah oo ay siddeed u dhigtaan iskuul hoose iyo sare. Qoyskeeda ayaa 2008 ka soo qaxay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Waxay noloshoodu ku tiirsaneyd tabcashada beer 8 hiktar ah, balse dagaal beeleedyo horseeday amni xumo ayaa ku qasbay inay soo maciin biddaan xeryaha qaxootiga.
Dhallinyaro is xilqaamay ayaa ololahan nadaafadeed billaabay, markii hay’adda Peace Win Japan oo nadaafadda xeryaha qaabilsaneyd ay dhaqaale la’aan shaqada u joojisay bishii Maarso ee sanadkii hore.
Dadka shaqeeya ayaa ah kuwo lagu xushay inaysan haysan il dhaqaale oo ay noloshooda ku maareeyaan.
Maxamed Axmed Cadde ayaa sheegay in tan iyo bishii December oo uu nadaafadda ka shaqeynayo ay u suurta gashay qoyskiisa inay dabka shitaan saddex waqti maalinkii, halka markii hore ay hal waqti wax karsan jireen.
Wuxuu tilmaamay in dhaqaalaha soo gala bishii oo ah $38 uu noloshooda wax ka badalay, kuna soo beegmay isagoo aan shaqeyn muddo sannad ah.
“Wax badan ayay iga caawisaa aniga ilme rajooyin ah oo ii jooga. Badar, buug iyo wax ay gashtaan baan u iibiyaa, waana igu yartahay lacagtu in wax la iigu daro waa jeclaan lahaa oo shaqadaydu ay kor usii socoto, maadaama duruuf jirto oo aan qaxooti joogo.”
Wuxuu tilmaamay in shaqo la’aantu walwal ku haysay tan iyo bishii January ee sanadkii 2023, markaas oo uu ka dhintay dameer uu lahaa oo uu ku shaqeysan jiray.
Qoryaha qallalan ee dabka lagu shito ayuu ku soo qaadi jiray, kadibna xerada uu deggan yahay ee Xagardheer ayuu ku gadi jiray. Wuxuu sheegay in bishii uu ka heli jiray $80 illaa $100.
Wixii intaas ka dambeeyay ma helin il dhaqaale oo kabta reerkiisa oo kaarka qaxootiga bishii ku qaata $26 iyo 20 kiilo oo ah galley iyo misir. Wuxuu xusay in aysan ku filneyn kaalmadan qoyskiisa oo ka kooban isaga iyo 6 carruur ah oo aabbo u yahay.
“Shaqadaan inaan helo dan baa iigu jirta si xoogaageyga aan uga helo. Waa shaqo iska soconeysa oo nolol maalmeedka aan ku dabbaro.”
Maxamed ayaa qorsheynaya in dhaqaalaha soo gala uu bishii meel ka dhigto $10, si uu ugu gato dameer uu ku xoogsado haddii ay istaagto shaqadan, waloow uusan waxba keydsan muddo saddex bil ah oo uu wado howshan.
Qoyskiisa oo biyaha bilaash ku hela ayaa deggan aqal xooshad ah. Wuxuu qaxooti ahaa tan iyo sanadkii 2009, markaas oo uu amni darro uga soo qaxay magaalada Kismaayo oo xilligaas ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.
Wuxuu ahaa xoogsade ka shaqeeya dhismaha guryaha. Maxamed ayaa tilmaamay inuu jecelyahay in dalkiisa hooyo uu dib ugu noqdo, balse uusan haysan dhaqaale uu nolol cusub ku billaabo.
Ololahan nadaafadeed ayaa bishii Agoosto ee sanadkii 2023 ka bilowday xeryaha Xagardheer, Ifo iyo Dhagaxlay.
Maxamed Cabdulaahi Jimcaale oo ka mid ah dhallinyarada qorshahan billaabay oo saddex ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in arintan ay ku dhalisay nadaafadda xeryaha oo xumaatay markii ay shaqada joojisay hay’addii ka shaqeyneysay.
Dhaqaalaha la siiyo dadka shaqeeya ayuu tilmaamay inay ka qaadaan qoysaska deggan xeryaha oo kii awooda uu bishii bixiyo lacag ($0.7).
Inta aysan shaqadu billaaban ayuu tilmaamay in dadka ay u sameeyeen wacyi galin la xiriirta inay isku tashadaan oo ay ka shaqeeyaan nadaafadda, ayna la baxaan qarashka ku baxaya.
“Xoolihii baqtiyay ee bannaanka lagu soo tuurayay, meelihii qashinka la dhigayay oo aad u batay oo buuro noqday oo aan waxba laga qabaneynin markii aan aragnay oo haddii ay sidan ku sii socoto ay keeni karto cudurro, sida Chelora oo kale ay sii faafi karaan oo dhibaatooyin caafimaad oo halis ah ka dhalan karaan ayaan go’aansanay in sidan wax laga badalo.”
Qoysaska ku nool xeryaha qaxootiga ayaa badi ku tiirsan kaalmada qaxootiga ee ay bixiyaan hay’adaha gargaarka. Taakuladaas oo aan ku filneyn darteed waxay dadku raadiyaan shaqooyin xoogsi ah, si ay uga helaan dhaqaale kaba noloshooda.