(ERGO) – Kun iyo labo boqol iyo konton qoys oo xoolo-dhaqato-beeraley ah oo ku nool gobolka Hawd ayaa goostay dalagyo iskugu jira khudaar iyo raashin. Waxay ka soo kabteen abaar saameysay xoolohooda, taas oo cunno xumo bidday.
Cabdiraxmaan Yuusuf Aadan wuxuu 5 bishan dalaggii ugu horreeyay u iib-geeyay magaalooyinka Hargeysa iyo Balligubadle. Dalagyada oo iskugu jira galley, masago, yaanyo iyo qare ayuu ka helay faa’iido dhan $560.
Ninkaan ayaa tilmaamay in wax-soo-saarka beertiisa ay u sahashay inuu si joogto ah saddex waqti wax u cunnaan carruurtiisa oo 10 ah, kuwaas oo ay ku adkeed inuu hal mar dabka u shido. Wuxuu sheegay in tacbashadan ay qoyskiisa u horseedday isku filnaan dhaqaale.
Qoyska Cabdiraxmaan oo beer shan hektar ah ku leh duleedka magaalada Balligubadle ayaa ka mid ah xoolo-dhaqato beeraley noqday, markii noloshooda ay kaafin weysay dhaqashada xoolaha.
“Markii hore waxa aanu ahayn dad socda oo xoolahaas uun dabacararaya oo wixii aad cuntaa waxba kuu tarayn, carruurta iyo dadka waaweynina ay ku rafaadsan yihiin. iminka se waxaa aanu noqonay dad meel iska degan oo beertooda iskaga nasta.”
Lacagta uu ka helay dalaggii u dambeeyay ee uu goostay bishii January sannadkaan ayuu sheegay inuu ka iibsaday toban neef oo ari ah, kuwaas oo isku-darkooda laga siiyay $230. Xoolahaan ayuu qorsheeynayaa muddo kaddib inuu iska sii iibiyo, si uu ugu xoojiyo waxsoosaarka beertiisa.
Ninkaan oo 36 sano jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in saddex carruur ah oo ay dhaleen walaalihiis uu bil walba ka bixiyo lacagta iskuulka, halka labo uu aabbe u yahay oo aan gaarin iskuul ay u dhigtaan dugsi Qur’aan, kuwaas oo isku darkoodu bishii laga qaado $37. Carruurta ayuu xusay inay dhigtaan fasalada lixaad iyo siddeedaad ee dugsia dhexe.
Cabdiraxmaan oo ay ku cusub tahay beero falashada ayaa sheegay in weligiis uu ahaa xoolo-dhaqato, balse saameyntii abaaraha iyo cudurro ku dhacay xoolihiisa ay ku qasbeen in labada dhanba uu ka raadiyo masruufka qoyskiisa.
“Mudadaas wixii ka dambeeyey waan iska dagay waxa aan bilaabay in aan wax iska beerto.”
Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay beertiisa ku hoggaamisay ka bixitaanka walwalkii ka haystay calaf u helista boqol neef oo ari ah oo uu dhaqanayay.
Wuxuu sheegay inay xoolihiisa nacfi-beeleen, markii ay ka soo kabsan waayeen abaaraha soo noqnoqday, taas oo u horseeday in laga iibsan waayo marka uu suuqa geeyo.
Lacag $56 oo uu ka helay neef ari ah oo uu iska iibiyay bishii September ee sannadkii hore ayuu Cabdiraxmaan sheegay inay ka caawisay inuu beeraley noqdo. Wuxu xusay in bishii October isaga oo ka faa’iidaysanaya roobka Deyrta uu abuurka geliyay dhul uu leeyahay.
Dadka beeraleyda ah ee goosanaya dalagyadooda qaar ka mid ah waxay u tahay markii labaad oo ay ka faa’iideysanayaan waxsoosaarka beerahooda.
Qoysaska beeralayda ah ee ay noloshoodu isbeddeshay waxaa ka mid ah Khaalid Haybe Xuseen oo beer afar hiktar ah ku hel waqooyiga deegaanka Gumburaha. Wuxuu sheegay in 8-dii bil ee la soo dhaafay ay reerkiisu ku tiirsan yihiin lacagta uu ka helay beerta.
Khaalid ayaa tilmaamay inay si joogto ah saddex waqti wax u cunnaan carruurtiisa oo 10 ah, kuwaas oo horay ay ugu adkayd inay hal mar wax karsadaan.
Wuxuu sheegay in dalaggiisii ugu horreeyay oo iskugu jira yaanyo iyo qare uu u iib-geeyay bishii July ee sannadkii hore magaalooyinka Hargaysa, Balligubadle, Salaxley, Gumburaha iyo Qool-caday. Wuxuu xusay inuu ka helay $4000 oo faa’iido ah.
Gobolka Hawd oo ah dhul oomane ah waxay inta badan beeraleyda deegaannadaan wax ku beertaan xilli-roobaadka, maaddaama aysan jirin motooro iyo ceelal-biyoodyo lagu waraabiyo beeraha. Waxay sameysteen goobo ay ku keydsadaan biyaha roobka, taas oo ka caawisa inay ku waraabsadaaan beerahooda xiliyada jiilaalka.
Dhaqaalaha uu ka helay wax-soo-saarkiisii koowaad ee beertiisa ayuu sheegay inuu ka iibsaday shan halaad oo geel ah oo isku-darkooda laga siiyay $2500. Khaalid ayaa sheegay inuu $1600 ku iibsaday dhul labo boos oo bannaan ah.
Khaalid ayaa xusay in miis lagu iibiyo khudaarta uu ku leeyahay deegaanka Gumbuuraha, wuxuu sheegay inuu ka helo maalmaha qaar $10-12.
Ninkaan ayaa sheegay inuu dhibaato ku qabo cayayaan waxyeelo u geysanaya abuurka qaraha, yaanyada iyo masagada. Wuxuu tilmaamay in mar walba oo uu abuuro beerta la kulmayo dhibaatada cayayaanka.
Haddii uu helo taageero iyo tababarro ayuu aamisan yahay inuu awood u leeyahay kordhinta waxsoosaarkiisa.
“Beertaan aan sameeyay waxaa igu dhaliyay abaarihii baa aad u baday oo xoolihii ay ku baxeen badankoodii, waxna aani qabanaynin intii yarayd ee soo hadhay, taas bey ka fursan weyday inaan dhulka wax kala soo baxo oo aan wax beero si aan nolosha qoyska ugu dabaro.”
Wasaaradda beeraha Soomaaliland ayaa sheegay in 4500 oo beerood ay ku yaalaan gobolka Hawd, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Caydaruus Farxaan Muxumed oo ah isuduwaha wasaaradda horumarinta beeraha ee gobolka Hawd.
Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay beeralayda ka caawiso tababarro kor loogu qaadayo fahamkooda wax beerashada. Bishii May ee sannadkii hore ayuu tilmaamay inay beeralayda qaar u sameeyeen dhismaha biyo-xireen ay ka faa’iideystaan.
Isuduwaha ayaa xusay in bishaan Feberaayo ay qoysaska beeraleyda ah u bilaabeen $50 oo loogu talogalay makiinadda u qodeysa beerta iyo $80 oo muddo lix bilood ah la siinayo bil walba 4500 oo beeraleey ah, si loogu dhiirigeliyo horumarinta tacabkooda.
“Afar boqol iyo shan iyo labaatan qoys ayaan ka caawinay siidhadhkiina aanu siinay. Hadda ayey cagaftu ku jirtaa, sidoo kale waxa aanu siinaa beeralayda tababaro kor loogu qaadayo ama lagu dhisayo aqoontooda. Suntii la dagaalanka cayayaanka ayaanu siinaa.”
Qoysaskaan u diga-rogtay beeraha ayaa ku naaloonaya wax-soo-saarka beerahooda, kaas oo wax ka baddelay nolol-maalmeedkooda tan iyo markii ay billaaben 2023 shaqada beerro falashada.